Janaayo 12, 2004
“WAA ISKA CADDAHAY INUU CABDULLAAHI
YUUSUF DILEY SULDAAN AXMED MAXAMUUD MAXAMED “HURRE”, Sidaas waxaa yiri Janan
Cadde Muuse Xirsi Boqor.
Shir ka dhacay Hotel Britain ee ku yaal
waqooyiga London 5tii Jannaayo 2004 ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka tirsan
jaaliyadda Jeeska Maxamed Cumar ee Jifida Cumar Maxamuud, Suldaan Axmedna ka
dhashay iyo Janan Cadde Muuse Xirsi oo booqasho gaaban ku yimid London asagoo
u sii jeeda Canada. Kulanka waxaa jananka ka dalbaday odayaasha Maxamed Cumar.
Waxaa kaloo shirkaas goobjoog ka ahaa odayaal ka tirsan jaaliyadda Jifida
Cismaan Maxamuud oo uu ka dhashay jananku.
Mowduuca shirku wuxuu ku saabsanaa jananka
oo ka warbixiyey qaabkii fuleynimada ahaa ee uu kornaylku u maleegay dilkii
Suldaan Axmed M M “Hurre” 17/8/2002 tuulada Kalabayr
Sida la wada ogyahay, jananku wuxuu bilihii
la soo dhaafay ku lug lahaa hawlo loogu magacdaray nabadaynta Puntland.
Waxaannu jananka ka dalabnahy bal inuu warbixin naga siiyo kiiskii dilkii
Suldaan Hurre oo uu muddo ku jeebnaa.
Ka sokow dagaalkii lagu hoobtay oo ay kala
hoggaaminayeen jananka iyo kornayl Cabdullaahi Yuusuf iyo heshiiskii ka
dambeeyey ee Boosaaso ku dhexmaray labada ex sarkaal, wuxuu jananku sheegay
in dilkii Suldaan Hurre uu noqday caqabad 2aad oo uga sii qallafsanaatey tan
hore ayna xal u la’yihiin ilaa hadda. Gaar ahaan wuxuu janan Cadde qiray in
kiiskani iyo sidoo kale dilkii Faarax Dheere ay yihyiin dhibaatada ugu
shiddada badan oo waqtigaan haysata Cabdullaahi Yuusuf taasoo uu dhanna uga
riiqan la’yahay meeshuu tagana horyaal.
Jananku wuxuu sheegay inuu labo goor la
kulmay waxgaradka jeeska Maxamed Cumar asagoo isku dayey in kiiskaas xal loo
helo hase yeeshee aan midna lagu guulaysan. 22kii Octoobar 2003 ayaa waxaa
ayaguna isku dayey qaar ka mid ah Isimmada Bahda Maxamuud Saleebaan ayna ka
mid ahaayeen Boqor Maxamuud Boqor Muuse, Islaan Maxamed Islaan Muuse, Suldaan
Siciid M Garaase iyo Garaad Maxamuud Cilmi Shirwac kuwaasoo hawsha ku galay u
yeerid Cabdullaahi Yuusuf hase yeeshee aan Maxamed Cumar lagala tashan xulka
cidda loo yeerayo, ajendada ama qodobbada kulanka iyo halka lagu galayo midna.
Guddi ka kooban 15 xubnood oo jeeska Maxamed Cumar u qaabbilsan murugadaas
xanuunka badan ayaa gaashaanka ku dhuftay kulankaas ayagoo ku diidey sababaha
kore ka sokow:
1.
in Cabdulaahi Yuusuf iyo jeeska uu ka dhashay aysan qirsanayn dilkii
Suldaanka ilaa hadda saas darteedna aannu kulankaas u aragnay mid waqti lumis
noo ah una danaynaya kornaylka oo kaliya (si uusan kiisku uga carqaladayn
damaciisa siyaasadeed iyo in laga reebo kiiska uga furan Maxkamadaha London).
Sida la ogyahay, kornaylka cadaadis (pressure) adag oo la xiriira dilkii uu u
geystay Suldaanka ayaa ka haysta gudaha Soomaaliya iyo dibeddaba.
2.
in hawshaani ay tahay mid ay leeyihiin Golaha Isimmada Puntaland, Darood ama
Soomaaliyeed
3.
in aysan Maxamed Cumar aqbali arin in uu Bashiir Islaan Cabdille uga qaybgalo
kiiskan Isim Cumar Maxamuud ahaan
Mar jananka la waydiiyey su’aal ahayd: yaad
u aanaynaysaa dilkii Suldaanka? Wuxuu ku jawaabay: “waa iska caddahay inuu
Cabdullaahi Yuusuf diley Suldaan Axmed Hurre”. Su’aal ahayd maxaa u sabab ah
xal u helid la’aanta arrintaasna wuxuu jananku ku tilmaamay labo arrimood oo
kala ah:
Cabdullaahi Yuusuf oo diidey inuu
marnaba qirto inuu mas’uul ka ahaa dilkii Suldaanka, iyo
Jeeska Maxamed Cumar oo diidey inay
cidna ka dhegeystaan wax ka sokeeya in uu kornaylku qirto mas’uul ka
ahaanshada dilkii Suldaanka.
Dhibaatadaas culus oo haysatey darted wuxuu
kornaylku si xun (disparately) ugu baahnaa waji cusub oo bulshada Puntland ka
haysta qaddarin iyo xurmo ka badan tan uu isagu ka haysto. Wajigaas cusubi
wuxuu noqday saaxiibtinnimada janan Cadde oo xilliguna saacidey maadaama ay
ku soo beegantay waqti ay kala daadatay Puntland dadweynuhuna ay u
baahnaayeen cid ugu yaboohda nabad taasoo u ekaatay heshiiskii labada nin ee
Boosaaso 17kii Maajo 2003kii.
Intaa ka dib, warbixintii Cadde Muuse iyo
jawaabihii su’aalihii laga waydiiyey mowduucii kulanka waxaa ka mid ahaa:
B. Qodobbo aannu
ka soo qaadannay Warbixintii
i. waa iska caddahay inuu Cabdullaahi Yuusuf
diley Suldaanka
ii. baabuurtii ay saarnaayeen nimankii
toogtay Suldaanku iskama tegi karaan haddii uusan amrin ninka wata ciidanka
iii. labadii dhibaato ee Puntland haystey
waxay ahaayeen tii nabadaynta iyo tii dilkii Hurre waxaana sii cuslayd tii
dilkii Hurre
iv. Maxamed Cumar wax kasta way diideen
v. Maxamed Cumar waa is khilaafsan yahay
maadaama qaar ka mid ahi ay la shaqaynayey Cabdullaahi Yuusuf
vi. Cabdullaahi Yuusuf wuxuu keenay 9 nin oo
ka mid ahaa nimankii saarnaa 2dii baabuur oo gadaal ugu noqotay markii ay is
dabamareen Suldaankii, si ay ugala soo baxaan gacan ku dhiiglihii, hase
yeeshee M C waxay taas u arkeen khiyaamo
vii. Nimankii mid waa dhintay midna shaqadii
ayuu ka tegey
viii. Waxaa laysku dayey in si gaar ah loola
xaaltamo jifidii hoose ee Suldaanka
ix. Salaaddiinta waxaa u yeeray C/llaahi
Yuusuf, Maxamed Cumarna ayaga ayaa u yeeray
x. Suldaan Hurre kama dhiman Maxamed Cumar
ee wuxuu ahaa nin qaran oo qaali ah kana dhintay Puntland iyo Somalia.
Qodobbada kore waxaa ka mid ah kuwo is
burinaya lambarrada i, ii, iyo vi; iv iyo v; viii iyo x; j3 iyo j5 iyo kuwo
meel ka dhac aan la qaadan karin ku ah Jeeska Maxamed Cumar sida lambar VIII.
T. Su’aalaha & Jawaabaha
S1: Adiga yaa kuu dirsaday gelitaanka howsha,
ma Cabdullaahi Yuusuf mise iskaa ayaad u gashay?
J1: Cabdullaahi Yuusuf iima dirsan ee anigaa
iskay u galay
Suldaanku kama dhiman M C kaliya ee wuxuu
ahaa nin qaran oo ka dhintay reer Puntland oo dhan
S2: haddii uu marxuumku ahaa nin qaran ama
ka dhintay Puntland oo dhan, maxay ku dhacday in aad xallinta kiiska
dilkiisii dib ugula soo noqotaan jeeska Maxamed Cumar ama kaba darane qoys
hoosaadkii uu ka dhashay marxuumku halkii aad xalka ka dooni lahaydeen heer
Puntland iyo goleyaasheeda waaweyn sida golaha Isimmada?
J2: dilkii Suldaanka waxaa ka xumaaday ilaa
haddana ka xun qaybaha bulshada oo dhan sida Aqoonyahannada, Salaaddiinta iyo
waxgaradka kale waxaana looga hadlaa dhammaan golayaasha laysugu yimaado.
Aniga wuxuu ahaa saaxiibkay.
S3: Maadaama aad sidaas xog-ogaal ugu
noqotay in C/llaahi Yuusuf uu si buuxda u leeyahay mas’uuliyadda dilkii
Suldaan Axmed Hurre, ma naga oggolaanaysaa in aannu kugu darsanno liiska
markhaatiyaasha aannu dhowaan gaynaynno maxkamadda London oo dacwadu uga
furan tahay kornaylka, haddii Allaah idmo?
J3: Anigu markhaati noqon maayo (wuxuu ku
jawaabey si degdeg iyo caro ka muuqato ayuu)
Haddii uusan ka dhiman MC kaliya ee uu ka
dhintay reer Puntland oo dhan, maxaad xalka kiiska uga raadin waydeen heer
Puntland oo aad hoos ugula soo noqoteen Maxamed Cumar ama jifi hoosaadkii uu
ka dhashay?
S4: Maadaama uu C/llahi yuusuf goob kasta ku
diidey qirashadii dilkii Suldaanka, ma kula tahay in uu sidaas u yeelayo
haddii uu qirto inuu ka cabsanayo in ay ku noqoto fadeexo (scandal) uuna ku
waayo hankiisa kursiga madaxtinnimo ee Soomaaliya saas darteedna uu door
biday inkiraad cad?
J4: Janan cadde wuu ka gaabsaday jawaabtii
su’aashaas
S5: Maadaama aad kornaylka hadda isu
dhowdihiin siyaasad ahaan, ma ogaatay, haddiiba ay jiraan, waxa uu rabo inuu
ka dhigo xal looga dawoobo dhacdadaan?
J5: Cabdullaahi Yuusuf hadda wax kasta wuu
oggolyahay haddii lagala xaaltamo arrintaan oo aan ka ahayn qirashada dilka
Suldaanka, metel, waxaa la soo qaaday 1200 oo Geel ah, shashafadii iyo wixii
kale oo soo raaca taasoo la mid ah sidii looga xaalay Ugaaskii Marreexaan
Gabogabo: Odayaasha Maxamed Cumar waxay
jananka waydiisteen:
1 – in uu kiiska iska taago dhanka toosan
una hiilliyo caddaaladda, ama
2 – in uu ka gaabsado wixii hadda ka
dambeeya.
Sir ma qabe saab-baa biyo u celiya; beeni
lugo gaaban bay leedahay, fallaarina gilgilasho kaagama harto
Maxamed Shiikh M Xirsi
xumbul@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk Jan 12, 2003
...QORAALADA
DADWEYNAHA EE MAANTA:
<><>....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|