SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Janaayo 12, 2004

Kolonzo Misayoka:- waa in war aan la siin suxufiyiinta 10-maalmood ee wada tashiga........

Daabaco Boggan | Print

 



Bidix ka bilow: Mauulid Man, Abdullahi Yussuf, Abdukassim Salat Hassan, Hussein Aided
(Sawirka AFP)


Abdiqassim Salad Hassan, iyo Abdullahi Yusouf Ahmed oo gacanta is haysta, kulankii Nairobi ee  January 9, 2004 (Sawirka: Reuters)

WARBIXIN: SHIRKII 9/1/4 ee SOOMAALIDA LOOGU QABTAY NBI

wasiirka Arrimaha Dibada dalka Kenya Muddane Kolonzo Misayoka ayaa hogaamiyayaasha Siyaasada Soomaalida ee shirka wadahadalada Nabada ee ka socda dalka Kenya ka codsadey in ayan la kulmin ama war siin suxufiyiinta.

Wasiirka oo qaddo sharaf u sameeyey hogaamiyayasha Siyaasadda Soomaalida ayaa u sheegay in laga bilaabo maalinta sabtiga uu furan yahay shirkii wada tashiga ee siyaasiyiinta Soomaalida ee ku sugan Nairobi.

Maanta ayaa hogaamiyayaasha Soomaalida la dejiyey Safar Park Hotel si uu wadahadal foolfool ah u yeeshaan iyagoo aan cidna ku dhex jirin.

Wada tashigii maanta bilaaban lahaa ayaa dib u dhacey ka dib markii lagu heshiin waayey tirada hogaamiyayaasha wada tashiga ka qayb galaya.

Dhanka kale waxaa la sugayey in ay yimaadaan maanta hogaamiyayaasha ku maqan Soomaaliya,walow ay horey balan uga qaadeen Madaxweynaha dalka Uganda in ay shirka wada tashiga sii wadaan 20-joogta iyo cabdi qasim.
Golaha Badbaadinta,kooxda ururada Bulshada, siyaasiyiinta soomaalida ,IGAD iyo beesha Caalamka ayaa wali taagan 42-qof in ay wada tashiga ka qayb galaan ee 10-berri ka dhci doona Safari Park Hotel oo ku yaala Magaalada Nairobi.
wasiirka arrimaha Dibada Dalka Kenya Muddane Kolonzo Misayoka iyo wakiilada Beesha Caalamka ayaa ilaa 3-berri ugu danbeysay wadey in ay ogolaadaan hogaamiyayaasha in ay la fariistyaan in ka maqan wada tashiga oo dhan17-qof o ay IGAD iyo beesha Caalamka ku sheegtay dad aan looga maarmin wadatashiga Nabada Soomaalida ee ka socda Nairobi.
dhamaad.


war-2-12-Janaayo,2004,Nairobi.
Cabdiqasim Salaad iyo Cabdullaahi Yusuf oo ..............

Madaxweynaha Dawlada KMG Soomaaliya Dr.Cabdiqasim Salaad Xasan ayaa shaley booqasho ku tagey Guriga uu degan yahay Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntuland Cabdullahi yuusuf Axmed ee ku yaala agagaarka Madasha shirka wadahadalada ee Mbagathi.

Booqashadan ayaa ka danbeysay ka dib markii uu Cabdullaahi yuusuf horey ugu soo booqdey safari Park hotel Cabdiqasim iyo wafdigiisa maalinta uu Magaalada Nairobi.

Kulankan labada hogaamiye ee soomaaliyeed ayaa ah mid gaar u ah ,in kastoo aan la shaacin arrimaha ay ka wada hadleen .
warar la isla dhex maraya ayaa sheegaya in ay wadaan habkii iyo wadadii lagu bilaabi lahaa shirka wada tashiga Nabada soomaalida oo socon doona muddo toban maalmood,warar aan la xaqiijin ayaa la sheegaya in labada dhinac sameysteen min 6-guddi oo isa soo horfariista si fool ka fool ah.
dhamaad.
Abdikarim Aden Hussein.
Nairobi.Kenya.

abdikarimhussein@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk Jan 12, 2003 

...QORAALADA DADWEYNAHA EE MAANTA:

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD