SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
WARARKA -XORRIYO

Feb 6, 2004
Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


 

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

Ciidammada gumaysiga oo dad badan raafay.

Dagaallo dhex maray ciidammada xoraynta iyo kuwa cadowga.

Dagaallo aad u ba’an oo ka dhacy Bardoode.

Nin Oromo ah oo ay dawlada wayaanuhu dil ku xukuntay.

Xafiiskii ururka macalimiinta Itoobiya oo laxidhay.
Safiirrada Itoobiya oo ku gacan saydhay amar lagu siiyay in ay gudaha soo galaan.

Barnaamujkii aragtida halgamaaga oo aanu ku soo qaadan doono halkudhagyada JWXO iyo suugaan kala duwan.

 

Ciidammada gumaysiga oo dad badan raafay.

 

Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa gobollo badan oo Ogadenya ka mid ah ka billaabay xasuuq ay dadwaynaha ku raafayaan, si ay uga mid noqdaan ciidammada loo qaadayo jiidda ku beegan xadka u dhexeeya Itoobiya iyo Eritereya, oo laga yaabo in xukuumadda Wayaanuhu ay dagaal ka billowdo.

 

Ciidammada gumaysigu waxay raafkan billaabeen, ka dib markii ay muwaadiniinta Ogadenya diideen inay ku biiraan ciidammadaas la uruurinayo, waxaana ka mid ah meelaha uu raafkaasi ka dhacay.

 

Tuulada Boodh-Caano oo Gobolka Shabeelle ka tirsan, waxaa markii ay taariikhdu ahayd 10/1/04 laga qabtay dad badan oo loo qaaday dhinaca galbeed, waxaana la filayaa in dadkaas lagu biiriyo ciidammada loo qaadayo dhinaca Eritreya.

 

Sidoo kale waxaa degmooyinka Dhagax madow, Dhagaxbuur, Gaashaamo iyo Gunagado laga qabtay dad tiradoodu lagu qiyaasay ilaa 500 oo ruux, waxayna dadkaasi u badnaayeen dadkii daba-qoodhiga loo yiqiinay, kuwaasoo hadda la geeyay magaalada JigJiga.

 

Markii halkaas la geeyay waxaa loo akhiyay khudbad loogu sheegayo in ay dalka daaficiisa ka qayb gali doonaan, hase yeeshee markii khudabaddaas loo akhriyay ayay kala yaaceen, taasoo keentay inay ciidammada cadowgu ay rasaas oodda kaga qaadaan, waxaana halkaas ku dhaawacmay 3 ka mid ah, waxaa kaloo baxsaday 90 ka mid ah, intii kalena intii baabuur laga buuxiyay ayaa dhinaca galbeedka loo sii qaaday.

 

Tuulada Dhabi oo gobolka Dhagaxbuur ka tirsan ayaa iyadana laga qabtay dad aad u farabadan oo dhalinyaro ah, kuwaasoo welina halkaas lagu hayo.

 

Dhinaca kale waxay ciidammada gumaysiga Itoobiya ka uruuriyeen magaalada Gari-go’an 300 oo neef oo adhi ah, waxaana qoys walba lagu xukumay inuu bixiyo 50 Bir, waxaana dadkaas lagu eedeeyay inay dad la dhashay ay Jabhadda ka tirsan yihiin.

 

Dagaallo dhex maray ciidammada xoraynta iyo kuwa cadowga.

 

9/1/04, Abaaqorrow dagaal ay ciidamad xoreeynta Ogaadeenya ku qaadeen  ciidammada cadowga Itoobiya ayaa waxay kaga dileen 4 askari, kuwo kalena waa lagaga dhaawacay.

 

12/1/04, Gol-caano oo gobolka Shabeelle ka tirsan dagaal kadhacay waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 5 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

 

24/1/04, Huuraale, oo ka tirsan Gobolka Dhagaxbuur, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 20 askari, in ka badana waa lagaga dhaawacay.

 

26/1/04, Gumarrey oo ka tirsan Gobolka Qorraxey, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 3 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

 

 

Dagaallo aad u ba’an oo ka dhacy Bardoode.

 

Wararka naga soo gaadhaya magaalda Jigjiga ayaa sheegaya inay dagaallo aad u ba’ani ka dhaceen tuulada Bardoode, oo ka tirsan gobolka Shiniile. Dagaalladani ayaa baryahan denbe oo dhan si is-dabajoog ah uga dhacayay deegaankaas, waxaana bishii ina dhaaftay oo kaliya ka dhacay dagaalo kala duwan.

 

Dagaalladani waxay dadka soo gaadhsiiyeen khasaare aad u ballaadhan oo mood iyo noolba leh.

Dagaal bishii hore degaankaas ka dhacay ayaa waxaa ku dhintay dad gaadhaya 19 qof, waxaana ku dhaawacmay 21 qof, waxa kaloo halkaas lagu gubay 287 guri, waxaa kaloo lagu kala dhacay 34 neef oo geel ah.

 

Ururrada xaquuqal insaanka ayaa dawlada Itooobiya ku canbaareeyay inay ka danbaysay dagaalladaas.

 

Cilmi baadhis ay dhawaan sameeyeen niman khuburo ah oo reer galbeeda ah ayaa lagu sheegay in 12-kii sano ee ugu danbeeyay ay Itoobiya ku sii bateen dagaallada qabiilooyinka ka dhex dhaca, waxayna khubradaasi ururka EPRDF ku canbaareeyeen inuu isagu dagaalladaas ka denbeeyo, isagoo dano siyaasadeed ka leh, waxayna carrabka ku dhefteen dagaallada qabiilka ee laga dhex oogo qowmiyadaha soomaalida iyo oromada.

 

Nin Oromo ah oo ay dawlada wayaanuhu dil ku xukuntay.

 

Radyowga Oromada ee SBO ayaa sheegay in dilka ay dawlada wayaanuhu ku xukuntay Jamaal Mustafa uu xaq-darro yahay. Jamaal Musttafa, oo u dhashay qomiyada Oromada, waxay Maxkamada sare ee Wayaanuhu ku xukuntay dil, kadib markii ay ciidamada Iihadhiigtu ku soo eedeyeen inuu dilay 11 qof , isla markaana uu ka tirsn yahay ururka OLF.

 

Hasayeeshee bayaan uu ururka OLFtu soo saaray ayuu ku caddeeyay in dawlda Wayaanuhu ay ninkaas ula dhaqantay si sharci darro ah oo bini’aadanimada ka baxsan. Wuxuu ururka OLF sheegay in Jamaal Mustafa aanuu ka ku jirin ciidamada OLF ee la dagaallama xukuumadda Wayaanaha.

 

Dhinaca kale ururka OLF, qaybta bariga ka dagaallantaa ayaa u digtay kuwa sheeganaya inay Oromo yihiin, hase yeeshee daba-dhilifka u ah ciidamada cadawga. Wuxuuna ururku digniintaas ku sheegay in dadkaas tallaabo laga qaadi haddii ayna daba-dhilifnimada ka waantoobin.

 

Xafiiskii ururka macalimiinta Itoobiya oo laxidhay.

Wariyaha Wakaaladda Wararka Ogadeniya u jooga magaalda Addis Ababa ayaa sheegaya in daba-yaaqadii bishii hore ay nabad sugida Tigeergu u daateen xafiiskii ururka macalimiinta ee
Itoobiya, isla markaana ay quful wayn dusha kaga xidheen.


Ururka Macalimiinta Itoobiya waxaa in ka badan 7 sano ku socotay dacwad lagu soo oogay, hase yeeshee Maxakamadda Sare ee Itoobiya ayaa dhawaan soo saartay go’aan ay ku sheegtay in ururkaas lagu waayay dacwadihii lagu soo oogay, balse nabad sugida Tigreega ayaa go’aankaas dhag u dhigi waayay oo albaababada u laabay xafiiskii uu Ururka Macalimiinta Itoobiya ku lahaa magaalada Addis Ababa.

 

Ururka Macalimiinta Itoobiya wuxuu si wayn uga soo horjeeday maamul xumida iyo nidaam darrada xukuumada Meles Zenawi, wuxuuna marar badan xukuumadda u soo jeediyay canbaarayn arrintaas la xidhiidha.


Xukuumadda Wayaanuhu waxay sidoo kale dhawaan mamnuucday Ururka Suxufiyiinta Itoobiya. Waxay kaloo hawlohoodii ka joojisay 50 urur bulshadeed oo ku hawllanaa adeegga guud ee dadwaynaha, waxayna ururradan mamnuucday, ka dib markii ay ka dareentay inaanay siyaasadeeda taabacsanayn.

 

Safiirrada Itoobiya oo ku gacan saydhay amar lagu siiyay in ay gudaha soo galaan.

 

Wariyaha Wakaaldda Wararka Ogadeniya u jooga magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya inay ku gacan saydheen in ka badan 13 Safiir oo ka mid ahaa 20 Safiir oo ay xukuumada Addis Ababa ku amaratay inay gudaha soo galaan.

 

Diidmada Safiirrada ayaa waxay ka danbaysay shaki ay ka qabaan in xilalkooda laga qaado ama xabsiyada loo taxaabo. Safiirradan ayaa ka baqay in lagu tuhmo inay gacan-saar la leeyihiin xoogagga ka soo hor jeeda taliska sii cad-ceedsaday ee talada Itoobiya gacanta ku haya.

 

06.02.2004
Ahmed Gaal` eri

raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 9820  KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM   waqtiga Afrikada Bari

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk  

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD