Wariyaha Wakaaldda wararka Ogadeniya u jooga magaalada Adis-Ababa ayaa noo
soo tabiyay in uu shir jaraa’id oo uu qabtay ergayga ganacsiga u qaabilsan
midowga reer Yurub Askuwal Laami, uu ku sheegay in nabad galyo la isku halayn
karaa ayna ka jirin wadanka Itoobiya.
Mr. Laami ayaa waxuu yidhi ” si ay hantiilayaasha aduunku u maal galiyaan
Itoobiya waxaa lagama maarmaan ah in ay jirto nabad galyo la isku halayn karo,
markaas ayaa horumar la heli karaa.
Ergaygu isaga oo tusaale u soo qaatay qaar ka mid ah wadamada geeska
Afrika Waxa u sheegay in uu wadanka Sudan sonkor aad u badan u dhoofiyo
qaarada Yurub, halkaas oo ay ka helaan lacag adag oo aad u badan , wadanka
Keniya ayuu sheegay isagana in uu u dhoofiyo sidoo kale yurub Ubaxa, halkaas
oo ay ka soo gasho lacag tiro badan, meesha ay Itoobiya ku mashquusantahay
cilmiga saynska gantaalada oo aan horumar kenaynin baaba mooyee.
Ma aha markii ugu horaysay ee ay wadamada reer galbeedku ka dayriyaan
xaalada amaanka ee wadanka Itoobiya, waxaana jirtay marar badan oo looga
digay dadka reer galbeedka ee Itoobiya ku sugan in ay taxadar sameeyaan.
Ururka OLF oo canbaareeyay dawlada wayaanuhu.
War saxaafadeed uu soo saaray Ururka OLF oo uu sii daayay Radiyoga Oromada
(SBO) ayuu ururku ku eedeeyay dawlada wayaanaha in uu sharci daro yahay dilka
ay ku xukumeen Dharaje Dhane iyo Fisaha Birisa oo ka mid ah shacabka Oromada.
Labadan nin ee dilka ay dawlada wayaanuhu ku xukuntay ayaa waxay ku soo
eedeeyeen in ay tageeroyaal u yihiin ururka Xaq u dirirka ah ee OLF.
Ururka OLF waxa u warsaxafadeedkaas uugu baaqay bulshada caalamka, ururada
xaquuqal insaanka u dooda in ay badbaadiyaan nolasha labadaas nin ee shacbiga
ah ee aan waxba galabsanin.
Xasuuq cusub oo ka dhacay gobolka Gambella.
Wararka naga soo gaadhaya gobolka Gambella ayaa sheegaya in u xasuuq cusub
todobaadkii la soo dhaafay ka dhacay gobolkaasi.
Xasuuqan oo laba goobood ka dhacay ayaa waxa lagu dilay in ka badan 50 qof
oo aan waxaba galabasan. Ilaa iyo bishii hore ayaa waxaa gobolkaas ka
dhacayay xasuuq isdaba joog ah oo lagu gumaadayo dadka gobolkaas isaga oo aan
loo kala aaba yeelaynin, waxaana sasuuqyadaas ku dhintay dad lagu qiyaasay
500 ruux oo aan waxaba galabsan.
Dhinaca kale wararka naga soo gaadhaya magaalda Washington ayaa sheegaya
in u afhayeen ku xigeenka Aqalka cad ee Marykanku canbaareeyay xasuuqaas,
waxa kale oo uu afhayeen ku xigeenku sheegay in loo xil saaray baadhitaanka
xasuuqaas gudi soo baadha oo ka madax banaan dawlada Itoobiya, waxaana laga
soo diyaariyay qoraal dheer oo ka kooban 23 Bog.
Madaxwaynaha wadanka Eritrea oo qaabilay wasiirka arimaha dibada ee
Djibouti.
Sida uu noo soo tabiyay wariyaha wakaaladda wararka Ogadeniya u jooga
magaalda
Asmara waxuu madaxwayanaha wadanka Eritrea Isayas Afwerki qaabilay wafti uu
hogaaminayo wasiirka arimaha dibada ee wadanka Djibouti Mr. Ali Abdi Farah.
Mr. Farah waxuu kaloo la kulmay wasiirka arimaha dibada ee wadanka Eritrea
, waxayna labada wasiir ka wada hadleen iskaashiga labada wadan iyo siyaasada
geesk Afrika gaar ahaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya, taas
oo muhiim ah guud ahaan xasiloonida geeska Afrika.
Waxa kale oo ay kawada hadleen iskaashiga labada wadan ee dhinacyada nabad
galayda , war faafinta , Cadaalada, gaadiidka, isgaadhsiinta, ganacsiga,
dalxiiska iyo wax soo saarka beeraha.
Dawlada Kenya oo codsi gaar ah u gudbisay dawladaha IGAD iyo beesha
caalamka.
Xukuumada dalka Kenya ayaa codsi iyo fariimo qoraal ah u kala dirtay
dowladaha ku bahoobay urur Gobolleedka IGAD iyo wakiilada beesha Caalamka,
taasoo ay uga codsanayso in gacan hagar la'aan ah lagu siiyo dhamaystirka
shirka dib u heshiisiinta Soomaalida oo maraya bay yiraahdeen heer gebogebo
ah.
Wasiir ku xigeenka wasaarada Arrimaha dibada dalka Kenya ayaa ka codsaday
urur Gobolleedka IGAD in ay rajada shirka ka muuqata dhiirigaliyaan, isla
markaana inta dhiman ay si niyadsami leh uga qeyb qaataan, waxuuna beesha
Caalamka ka codsaday inay taageeraan shirka iyo wixii ka soo baxa.
Dhinaca kale Golaha Amaanka ayaa soo saaray digniin kulul oo uu ujeediyey
kooxaha Soomaalida ee kasoo horjeeda hehsiiskii 29 Janaayo lagu saxiixay
aqalka Madaxtooyada Kenya" Golaha Amaanka wuxuu canbaaraynayaa kuwa ku hor
gudban geedi socodka nabada, waxaana Golaha ka go'an in kuwa kusii dhegan
jidka colaadda iyo caqabadaha uu la xisaabtami doono" Sidaas waxaa yiri
Xoghayaha Guud ee xiligan ee Golah Amaanka Ambassador Wang Guangya
Go'aankan oo ay isku raaceen 15ka xubnood ee uu goluhu ka kooban yahay aya
ugu baaqay kooxaha Soomaalida inay si deg deg ah usoo gabagabeeyaan shirka
dib u heshiisiinta, gaadhaana xal loo dhanyahay, isla markaana dhisaan dawlad
ku meelgaadh ah oo Soomalaya colaada ka saarta.
Xoghayaha guud ee Golaha Amaanka wuxuu kaloo ka hadlay hubka kusii
qulqulaya Soomaaliya, isagoo ugu baaqay dawladaha iyo hay'adaha kale inay la
shaqeeyaan gudiga loo saaray dabagalka iyo cunaqabataynta hubka Soomaaliya.
Qoraalku wuxuu kaloo ku booriyey in beesha caalamka ay IGAD ku gacan siiso
geedi socodka Nabada, sidaas si la mid ahna Midawga Afrika lagu gacansiiyo
ciidamada nabad ilaalinta ee uu Soomaliya u diri doonto.
Gudoomiyaha Degmada Beledweyne Oo Maamulka Itoobiya Qalaafe Ku Hayaan.
War aanu ka soo xiganay boga Internetka ee Goobjoog ayaa sheegaya in
guddoomiyihii degmada Beledwayne Md Aadan Cabdi Garaase lagu hayo magaalada
Qalaafe ee dhuka soomaalida Ogadenya, iyadoo wax laga waydiinayo arrimo ay ku
haystaan maamulka Itoobiya .
Gudoomiye Garaase waxa uu ka mid ahaa waxgarad wadahadal kala dhexeeyay
saraakiil Itoobiyaan ah, kaasoo ka dhacayay maalmihii la soo dhaafay
deegaanka Baraag xadka Itoobiya iyo soomaaliya ee dhinaca Beledwayn, iyadoo
masuulkan lagu eedeeyay sida wararku sheegayaan, arrimo la xidhiidha ka
beensheegida xaalada goblka marka laga hadlayo dhaqadhaqaaqyada ay ku
leeyihiin uruka Al-itixaad Alislaami.
Guddoomiye Garaase ayaa isaga lagu haystaa in uu warbixin uu Itoobiyaanka
siiyay noqdeen kuwa aan sal lahayn, ka dib markii ay saraakiil Itoobiyaan ah
u kuurgaleen lana waayay dhaqdhaqaaq Itixaad ee ka jira gobalka , wararka
qaar ayaa sheegaya in Aadan Garaase loo xidhay khilaaf soo kala dhexgalay
awgeed maamulka gobalka iyo Itoobiyaanka oo dano badan kaleh gobalka hiiraan.
Arrintu siday doontaba ahaatee guddoomiyihii degmada beledwayn waxa uu
haatan ku suganyahay Qallaafe oo ay ku haystaan ciidamada Itoobiya , mana
jirto cid soo hadalqaaday haysashada masuulkan.
27.02.2004
Dhoodi Danwaa
raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu
yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada.
Maalinta Aayo-ka-talinta Somalida Ogaadenya
Ummad walba waxay leedahay maalmo xusuus gaar ah ku leh. Maalmahaas waxay
noqon karaan kuwo murugo leh ama kuwo farxad leh. Tusaale ahaan, dalalka
adduunka intooda badan waxay si farxad leh u xusaan maalintii ay gumaysiga ka
xoroobeen ama maalintii ay qaran (dawlad) noqdeen. Sidoo kale, ummadaha
qaarkood waxay xasuus murugo leh u sameeyaan maalmo ay ku dhacday dhibaato,
sida xasuuq ama waxyeello kaga timid gumaysi ama quwad kale oo ku soo duushay
ama waxyeello dabiici ah sida dhul-gariir, duufaanno iwm.
Haddaba, waxaa iswayddiin leh waa maxay maalmaha xusuusta ku leh shacbiga
Soomaliyeed ee dalka Ogaadenya ? Run ahaantii maalmo aad u fara badan ayaa
Somalida Ogaadenya ku leh xusuus gooni ah. Maalmahaas oo isugu jira kuwo
murugo iyo kuwo qadarin mudan, halkan kuma soo koobi karro, waxaanse ka xusi
karra kuwan soo socda :
- Maalintii Ingriisku ku wareejiyey Itoobiya dalka Ogaadenya
- Maalintii (maalmihii) ay Ingriiska iyo Itoobiya galeen heshiiska
qarsoodiga ah ee dalka Ogaadenya lagu siiyey itoobiya
- Maalintii la aasaasay halgankii hubaysnaa ee Nasru-Llahi
- Waagii kanooniga ee ciidamada Itoobiya ay xasuuqa iyo burburka u
gaysteen qaar ka mid ah magaalooyinka Ogaadenya.
- Maalintii la aasaasay Jabhadda Xoraynta Somali-Galbeed (WSLF)
- Guulihii laga soo hoyiyey gumaysiga sanadihii 1976-77
- Maalintii la aasaasay ururkii Dhallinyarada Gobanimo-Doonka Somali-Galbeed
(UDHGSG), June 13, 1979
- Aasaaskii JWXO, Agoosto 15, 1984
- Xasuuqii uu gumaysigu u gaystay shacbiga ku dhaqan magaalooyinka
Wardheer, Godey, Q/dahar, Dhagaxbuur iyo kuwo kale 90-meeyadii.
- Maalinta Aayo-ka-talinta Somalida Ogaadenya, Febraayo, 15, 1994
Waxaan qormadan si gooni ah ugu xusi doonnaa maalinta aan ku magacaabay
“Maalinta Aayo-ka-talinta”.
Markii ay dhamaatay xilligii kala guurka (xilligii dawladda KMG ee
Itoobiya), waxay shacbiga Soomaliyeed ee ogaadenya go’aansadeen inay
muujiyaan doonistooda siyaasadeed. Doonistaas waxaa saamaxayey dastuurkii
ku-meel-gaadhka ahaa ee Itoobiya. Dastuurku wuxuu ballanqaaday in marka ay
dhamaato muddada DKMG ah uu shacbi walba oo Itoobiya ka tirsan codsan karo
inuu Itoobiya ka sii mid ahaado iyo inuu ka go’o.
Haddaba, baarlamaankii shacbiga somaliyeed ee dalka Ogaadenya ayaa
kal-fadhigii uu ku yeeshay Jig-jiga bishii Febraayo 15keedii , 1994, kaga
dooday mustaqbalka siyaasadeed ee dalka Ogaadenya. Waxaa xil-dhibaanadii ka
soo qaybgalay kal-fadhiga ay soo bandhigeen doonista dadwaynahii ay
matalayeen.
Dood dheer , falanqayn iyo ka fiirsi badan ka dib, waxaa la qaaday cod.
Waxaa aqlibiyad xoog leh uu baarlamaanku ku go’aamiyey in sida uu dhigayo
dastuurka Itoobiya, shacbiga Soomaliyeed ee dalka Ogaadenya laga qaado afti
lagu waydiinayo waxa ay ka doonayaan aayahooda. Maalintaas waxay ahayd
Febraayo 15, 1994. Codkii sidan ayuu u dhacay : Waxaa “Haa” ku codeeyey 102
xildhibaan, waxaa ka aamustay 4 xildhibaan, waxaa maqnaa 9 xubnood (waxay
isugu jireen 3 dawladda xaq darro ugu xidhnaa iyo 6 cudur daar kale ku maqnaa).
Muxuu haddaba, go’aankan kaga duwan yahay go’aamada ama baaqyadii shacbiga
ee waayadii ka horreeyey ?
Sida laga warqabo baarlamaanka xilligaas jiray wuxuu ahaa baarlamaankii
ugu horreeyey uguna dambeeyey ee ay dadwaynuhu si xor ah u soo doortaan.
Dhinaca kalana, wuxuu ahaa kalfadhigaas kii ugu dambeeyey ee ay xildhibaanadu
cabsi la’aan ra’yigooda ay ku dhiibteen. Sidaa darteed, baarlamaanku wuxuu
lahaa awood sharciyeed iyo mid tixgalineed oo uu go’aan ku gaadhi karo. Midda
kale ee iyaduna muhiimka ah waxay ahayd in dooddii iyo codayntii qodobka
labaduba ay u dhaceen si xor ah, xil-dhibaanadana uusan saarayn cadaadis
siyaasadeed iyo mid kale toona oo ka hor istaagi kara inay codkooda iyo
fikirkooda u dhiibtaan siday doonaan.
Dawladda Itoobiya, dabcan kuma farxin go’aankan, waxayna ku noqotay xujo.
Baarlamaankii ay iyadu ansixisay, adduunkana ka buun-buunisay, mayna filayn
inuu go’aamiyo arrin ka soo horjeedda qorshaheeda siyaasadeed ee ay ka lahayd
Ogaadenya.
Itoobiya waxay kaga jawaabtay arrintaas xadhig, handadaad iyo argagixin
loo gaystay madaxdii shacbiga iyo xildhibaanadiiba. Markii damabana dawladda
Itoobiya waxay weerar militari ku qaaday aagaggii ururkii talada dalka hayey
ee JWXO (ONLF). Nasiib darro rajadii iyo nabaddii la filayey halkaas ayay ku
burburtay.
Shirwaynihii 9aad ee jaalliyadaha Soomalida Ogaadenya ee lagu qabtay dalka
Sweden June 27 – 29, 2002, ayaa lagu go’aamiyey in maalintaas, Febraayo, 15,
1994, loo aqoonsado “Maalinta Aayo-ka-talinta” Soomalida Ogaadenya, sanad
walbana shacbigu meel uu joogaba ay u sameeyaan xus.
Go’aanka baarlamaanka ee lagu codsaday in shacbiga afti laga qaado, wuxuu
leeyahay dhamaan astaamihii sharciyeed, maadaama ay go’aamiyeen baarlamaan si
xor ah lagu soo doortay, aqbalaad iyo ansixina ka haystay dadwaynaha,
ururadii siyaasadeed iyo waliba Dawladda Itoobiya nafteeda.
Abdullahi Mahamed
abdullahi_mahamed@yahoo.com
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Dhegeyso warkan oo Cod ah
...HALKAN
KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA
WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u
tahay Radio Xoriyo, kana
tarjumimaayo aragtida SomaliTalk