SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - PAKISTAN

Feb 17, 2004
PAKISTAN IYO HINDIYA OO BILAABAY WADA HADAL HORLEH

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)


Karachi, Pakistan.


diridhaba2001@hotmail.com

Mobile: 00-92-300-2600907

 

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


ISLAMABAD: Wufuud ka kala socota dawladaha Pakistan iyo India ayaa wada xajood iskugu yimid xarunta waddanka Pakistan ee islamabad, wufuudan oo daba socota heshiiskii labada dal isku waafaqeen 6 january ka dib markii ay kulan yeeshen ra'sal wasaaraha India Atal Behari vajpayee iyo Madaxweynaha Pakistan Janeral Pervaz Musharaf, xagga pakistan waxaa wada hadalkan uga qayb gallay xooghayaha guud ee xidhiidhka waddamada koonfurta aasiya Masood Khan, xagga dawladda india uu uga qayb gallay xooghayaha arrimaha dibadda Mr. Arun K. Singh, war saxafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka pakistan ayaa xaqiijisay in horumar aad u balaadhan laga gaadhay wada hadalkani, sida uu xaqiijiyey afhayeenku waxaa labada dhinac isku iman doonan markale maalinta salaasada, oo ay isla lafa guri doonan arrimo badan oo ay ka mid yahiin, arrinta Jammu iyo Kashmir, isku socodka gaadiidka ee labada dal, quwadda nuclearka ee labada dhinac, iyo weliba soo celinta hindaha iyo dhaqanka, ciyaaraha, warbaahinta, iyo ganacsiga labada dal, sida warar ku dhaw dhaw wada xajoodkani tibaxaayaan, waxay u muuqata in horumar balaadhan laga gaadhi karo caqabadda hortaagan xidhiidhka labada dawladood oo cakirna muddo qarni badhkii ku dhaw dhaw.

Indian (l) and Pakistani (r) delegations in talks

waa wada xajoodkii ugu horeeyey ee labada dal sidani oo kale iskugu hor yimaadan muddo ku siman 20 sanadood, sannadkii 2001 ayaa labada dal waxay soo dhoobeen xuduudkooda ciidamo kor u dhaafay hal milyan, iyaga oo iskugu henjabay inuu midiba ka kale kaga takhalusi doono.

shacabka pakistan oo qaar ka mid ah aan arrintani kala sheekaystay ayaa siyaabo kala duwan u fasilay, qaar ka mid ah dad badan oo aan arrintani kala sheekaystay ayaa muujinaya niyad sami wanaagsan oo ah in labada dal gaadhi karaan heshiis wax ku ool ah, xagga qaarkoodna ay ku tilmaamayaan in madaxweyne Musharaf uu mu'aamaradaynaayo qorshayaashii u yaallay qaranka pakistan oo ahaa in Jammu iyo Kashmir ay yahiin laba gobol oo ka tirsan waddanka pakistan, ka dib markuu madaxweynahu shir kaga dhawaaqay inuu soo dhawaynayo haddii jammu iyo kashmir ay ka madaxbanaanayaan waddanka pakistan, taasi oo cadho iyo u qaadan waa ku keentay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka waddanka pakistan iyo weliba muwaadiniin badan oo pakistaniyiin ah, taasi oo sababtay in madaxweyne musharaf laba jeer uu ku sigto in la dilo.

Kashmir separatists protest in Muzaffarabad, Pakistani-administered Kashmir

si kasta ha ahaatee dadka odorosa siyaasadda koonfurta aasiya gaar ahaan xidhiidhka Pakistan iyo India ayaa ku tilmaamay tani dedaal wax ku ool ah oo labada dal gaadheen, waxaana la sugaya midhaha ka soo baxa siday u ekaadan.

 

 

 

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

 KARACHI, PAKISTAN.
diridhaba2001@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 17, 2004

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD