SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

Abbaaridda Ilaha Saxaafadu waa Fulaynimo Agoon ah

C/raxman Ceynte

Minnesota, USA

abdirahmanceynte@yahoo.com  

 Feb 24, 2004

Saxaafaddu waa jiritaan eey shaqadiisu tahay inuu akhbaaraad iyo turxaan bixin arrimaha bulshada usoo bandhigo shacab weynaha markaas wardoon ka ah. Iyadoo eey sidaas tahay ayeey misana in badan oo saxaafadda xorta kamid ahi sii dheer yihiin iyagoo aan wax qarash ah oo ka soo gala lalinta wararkaasi eeysan jirin. Bogagga Somalida ee dhex heehaabaya shabakada caalamiga ah ee Internetka ayaa ah tusaalewanaagsan ee saxaafadda xorta ah ee iskaa wax u qabso. Iyadoo eey aheyd in bogagga Somalida ee dadyowga qurbaha jooga eey kala socdaan wararkii ugu danbeeyey ee Somaliya eey aheyd in mahad celin iyo bogaadin leysu daba dhigo ayaa waxaa mararka qaar loogu bedelaa in weeraro fulaynimo ah lala beegsado, kuwaasoo nasiib wanaag inta badan dhicisooba.

Laga soo bilaabo bartamihii sagaashameeyadii ilaa iyo dhamaadkii sagaashameeyada, Somalida qurbaha ku nool wexeey nasiib u yeesheen in Somali kale eey aasaaseen irdo iyo ilo saxaafadeed oo qofku si fudud u dalban karo, isagoo cinwaanka bogga uun galinaya badweynta Internetka. Madaxda, wariyayaasha iyo shaqaalaha kale ee boggaas ayaa shaqo aan la soo koobi Karin galiya ineey barnaamijyadaas ku soo daabacaan boggooda, dadkuna eey aqristaan. Tolow mexeey ka helaan? Sida eey warbaahinta kale ee caalamkuba ku quud-raadsato ee xayeysiinta ah, dhalinyaradan Somalida ahi ma helaan tix is daba joog ah oo xayeysiin dhaqaale ahaan kaafin karta shaqaalaha iyo qorayaasha bogagaas. Sidaas awgeed, Somalidani si bilaash ah ama iskaa wax u qabso ah ayeey nagu soo gaarsiiyaan warbixino aan uga baahneyn Somaliya iyo waliba daafaha dunida. Warbixinahaas waa kuwa aad 24 saac markaad doonto sidaad doonto ugu soo ceshan karto.

CABDI RABI OO DIFAACAYEY CIYAAL SUUQA INTERNETKA WAXA UU QORAY SIDAN: (waakan CabdiRabi oo aflagaadaynaya qorayaashii ka hadlay tuugada Internetka).

Ka Fiirso Adeegsiga Qaldan Ee Luqadda Iyo Marin Habaabinta dadka!
anaashiid@....com
February 23, 2004 3:53:42 AM
OSMAN AHMED (AKA. SHARIFSOMAN or CABDIRABI)
Ka Fiirso Adeegsiga Qaldan Ee Luqadda Iyo Marin Habaabinta dadka...halka aad tiri
"Dalladda Suxuufiyiinta Somaliyeed ee ASOJ oo Cambaaraysay Ciyaala suuqa Internetka", Af-soomaaligii baad imika u xaydxaydatay in aad lugaha ka jebjebis...Mida kale adigoo sheeganaya in aad Soomaali matalaysid oo sida ka muuqata uu magacaagu ku jiro Somali_What Ever hadana aad sidaa Qaldan u adeegsato luqadda arin la aqbali karo ma ahan dhanka Soomaalida Xalaasha ah!

Tan kael sheegashadda In uu Yahay Somali_What Ever Bogg waxbarasho waa arin aadan ka fiirsan Waayo waxaad ka shaqaysaa sidii Soomaaldia Isaga horkeeni lahayd...Marka lagu daro Adigii oo qabiil u kala soocaya sida ku cad in ka badan Somali_What Ever "
Hadal [Shaafici], Abdiwahid mucaarad meel kale laga hagayo carro harti kama hirgalayo".

Isku soo duub way hagaagsanaan lahayd in aad ka eegato waxa aad ku talaabsanayso...Waanan umalaynayaa in ay taasi haboonaan lahady inta ay goorigoor tahay!

SheriffOsman [AKA: CabdiRabi]

Sidaas waxaa qoray cabdiRabi oo weerarayey ardayda Muqdisho iyo suxufiyiinta Soomaaliyeed ee fikradooda u dhiibtey sida xorta ah.

Mexeey naga mudan yihiin is-xilqaamayaashani?

Sida eey diinteena muqaddas ka ahiba sheegeyso, “Abaal ninkii galaaba, in loo gudaa gar weeye”! Caqliga caafimaadka qabaayina wuxuu bidhaaminayaa ineey akhyaarta hagta bogagani eey mudan yihiin ugu yaraan mahad celin. Umaleyn maayo ineey akhyaartani u qalmaan in leysku dayo in la dibin daabyeeyo. Dabcan dhamaantood warar iyo warbixino ama maqaallo wanaagsan sooma daabacaan, danaha loo amaamudayna weey kala duwan yihiin, ha yeeshee in badan oo kamid ah waa Somali is-xilqaantay oo naga mudan in taariiqda baal dahab ah looga qoro.

Waa kuwama weeryahanada saxaafadda Somalida?

Nasiib xumo, Somali kale ayaa u tafa xeydatay ineey weerar fulaynimo ah la beegsadaan bog Somaliyeed oo wanaaga ka shaqeeya. Walow eey qeyb ahaan isku dayeen ineey aamusiyaan iridaas saxaafadeed, hadana maafiyada soo qaaday weerarkan lala beegsaday Somalitalk.com meeysan aheyn kuwa u carbisan farsamooyinka casriga ah ee dib-jirnimada Internetka. Intaas waxaa sii dheer, weeraryahanadu waa agoomo aan laheyn meherad kale, sida eey sheegeyso natiijo eey soo saareen machadka MIT ee tiknoolajiyada casriga ah ee dunida looga danbeeyo ee Boston oo horey loogu sameeyey maafiya hore oo soo weeraray bogag caalami ah. Inta badan, sida baaritaankaasu sheegayo, maafiyadaasu waa labb ku jira da’a dhexaad (18 –45 jir), dhimir ahaana dhaawacan oo aaminsan ineey qolo gaar ah u tashanayaan. Sidaas awgeed door-biday ineey weerar kala horumarid ah ku qaadaan ilo warbixineed. Weerar yahanadaasu waa kuwa inta badan kaligood aqal deggan, isla markaana bulshada aan sidaas usoo dhex galin, Internet-kana waqti xad dhaaf ah meereysta!

Gunaanad ahaan, saxaafadu, haba ahaatee mid ka soo horjeeda qaab-ufikirka iyo aragtida siyaasadeed ee aqristaha, marnaba ma ahan in weerar gaadmo ah lagu banjariyo wararkoodii. Bogagga aan u arko ineey yihiin kuwa si xad dhaaf ah ugu janjeera maslaxdo gooni ah xitaa uma quuro in weerar fulaynimo ah lagu hagardaameeyo, iskaba daa kuwa aan u arko ineey maslax weynta Somalida ka shaqeeyaane. Weerarku waa isku day aan marnaba aheyn ka dabaaqtan wanaagsan. Geesiga waxaa lagu yaqaanaa inuu qoraal ka soo fikrad horjeeda ku soo qora bogga uu u arko inuu ku khaldan yahay arrin mucayan ah. Sidaas ayeeyna akhlaaqda saxaafaddu wadajir ku ahaan kartaa. Hadii aan wax ka bartay cilmiga aan jaamacadda u dhigto ee saxaafaduna, waxaan ka bartay hal erey oo kaliya: DULQAAD.

C/raxman Ceynte

School of Journalism & Mass Communications.

University of Minnesota

abdirahmanceynte@yahoo.com

Feein: SomaliTalk.com | Feb 24, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Dalladda Suxuufiyiinta Somaliyeed ee ASOJ oo Cambaaraysay Ciyaala suuqa Internetka

Bahda SomaliTalk oo ku daba Jira Raadkii Qofkii Linkiga Khaldan Ku Hagey Bogga SomaliTalk.com Guji....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD