Febraayo 16, 2004
Golaha wakiilada Puntland: haweenkii
xildhibaanno, raggiina xil-madhibaanno
C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahadleh.
Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Bal tuducyo Khaliif yiri aan soo qaadanno:
· hayeeshee margiga hadalka waa, lagu
mataalaaye
· muddaan kaa da’weynahay hadday,
maaddayu ujeeddo
· macne malaha adeeroow garkaan, loo
meekhaandayine
· maskaxdii Ilaah kuu gartaa, lagu
macayshaaye
· ninba wuxuu martabad leeyahaa, lagu
majiirtaaye
· mid yaroo maguugaa ku badan, maanta
aadmige’e
· duq qalbigu madoobaaday oo, maari ku
engagtay
· inkastaay cirradu maaruqdo oo, madaxa
saabayso
· mabda’ malaha odaygii bartaa, malabsi
ceebeede
· mid yaroo tusaala ah haddaan, meesha ka
caddeeyo
· mar baad arag maqruun boqol jiraan,
meyrasho aqoone
· marna toban-jir mowlaca kitaab,
meeriyadaa arage
· mar baad geela madow hooro oo, muuqle
leh aragtaaye
· oo maalintay curato aan, maqasha
deeqayne
· marna magar xabeeb loo murraa,
miijisaad arage
· mar baad arag hillaac malalaflaa, moqor
biyeyneyne
· oo sahanku meeluu mariyo, miriqdi
waayaaye
· marna tumey dadkii mahadiyoo, miiggan
baad arage
· mar baad arag muwaashiga bakhayl, mooro
buuxsadaye
· oo aan martida soori karin, mileyga
jiilaalka
· marna deeqsi magac weyn lahoo, maal yar
baad arage
· Rabbigay wuxu maamulaa, male ka xoog
weyne
· hadduu maago mirir bay biyuhu maran
lahaayeene
· mucjisooyinkiisiyo ha gelin meherad kaa
dheere.
Waa tahay. Maxuu Khaliif ka oran lahaa
hadduu maqlo wakiiladii Puntland oo “xukuumada” Puntland waqtigii u kordhiyey?
Muxuu ka dhihi lahaa markuu arko haweenkii oo shacabkooda u doodaya sida
marwo Shukri Salaad Weyrax iyo marwo Zaynab Ugaas Yaasiin oo leh wixii
korarsigii hore naga raacay waa la ogaa ee aan waxgaradka iyo shacabka la
tashanno oo aan arrinka u dad badsanno?
Haweenkii Cali Dhuuxka lahaa:
- haweenkaan dhankii loo dhigyio, dhinacna
diidayne
- dhediggoonshahaa lagu arkiyo dhiigga
caadada’e
- haddaysan dhiilka caanaha ah lahayn
laguma dhaarteene.
Sidoo kale Khaliif Shiikh Maxamuud waa
isagii lahaa:
- gabar caalim kuu meheriyey waa inaad
caruustaaye
- inay cayshka kuusoo dhigtiyo gogol cas
mooyaane
- codkar lagama dhowriyo haween geesi caan
baxaye.
Sheekadii labadaas gabyaa, labadaas marwaa
beeniyey. Waxaa la yaab leh mudanayaashii baarlamaanka Puntland intoodii
badnayd oo rag u badan haddaysanba wada ahayn waxay isku qabteen, ma labo
sano baan ku kordhinaa mise sanad iyo bar! Iyagu shacab iyo cid kale kama
hadlin. Dumarkaa la oran jiray xanuunka foosha dhaqsay u iloobaan! Labadaas
murwo ayaa wakiilada Puntland ku leh war wixii shalay na qabsay miyaan dhaqso
hilmaanay? Yey ku habboontahay inuu ku jeedo gabay aanan xasuusan oon
jeclahay inuu tiriyey Salaan Carrabey oo sidaan oo kale ahaa:
dumarkuba dhalmada foosha waa yare xanaf
wareeraane
Bal inay xasuus daranyihiin…………
Sidaad u jeeddaan xataa baydka hore
qaafiyaddiisii ma xasuusto. Horta labadaas murwo waxaan leennahay: adinkaa
meesha ka odayaal ah. Sida gabaygii u korreeyey aan ku soo aragnay,
waxgaradnimada weynaan iyo jinsi midna looma shardiyo. Qofkastoo caqli keena
waa in laga qaato marka warwooyinkaas taladoodu waa wax-ku-ool. Nabi Muxamed
(SCW) baa qaatay taladii hooyadeen Ummu Salama (RC) markay saxaabadii (RC) u
hogaansami waayeen amarkii Nabiga (SCW) iyagoo leh sidee Makkah mushrikiin
nooga hor istaagi karaan? Labadaas murwo oon jeclahay inay hooyooyin yihiin
waxaan leeyahay hooyooyin shaqadiinii waad qabsateen marka shacabka u daaya
waxay ka dhahaan nimankaas doobi-leefyada ah. Si kastaba ha ahaatee marba
hadday shacabka Puntland wakiil u yihiin waa u hooyooyin marka howshoodii waa
kasoo baxeen halkaas oo wax rag ku dhacay loo jeedo ay iyagu shacabkoodii
xasuusteen.
Anigu waxaan soo jeedin lahaa ragga ku jira
baarlamaanka Puntaland in loo bixiyo magac ah xil-ma-dhibaanno. Xataa kuwa
aamusay oo raggaa ku dara. Marka sidii Maxamed Mooge lahaa waxaan
xil-ma-dhibaannadaas iyo xukuumaddooda ku leeyahay “Af-Qarshaba siduu yiri
waa la arki doonaa”.
Doodda xil-ma-dhibaanada Puntland iyo
labadaas murwo waxaan ka akhriyey bogga Puntlandpost.com.
Haddii odayaashaasi rabaan inay wajigooda
badbaadiyaan ha iscasileen si khaladkooda looga cafiyo. Odayaashu ha
ogaadeene in adduunku isbedalay oo waxay Garoowe ka dhahaan ay daqiiqado
gudahood Australia iyo Ameerika gaarayso. Haddii kale “tan dambaa daran”.
C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |Feb 16,
2004
QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID
.
XAMAR DAAWO DACALLADA...
SAWIRRO....
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|