Feb 9, 2004
SIFAADKA SOOWJADA SAALIXADDA AH:
Maxamed Axmed,
Toronto, Canada.
alhudaa1@yahoo.ca
1) Waxaa lagu yaqaan inay tahay qof had iyo
jeer adeecda Ilaaheed oo haddana saalixad ah.
2) Waxaa laguyaqaan inay tahay tii xafidda
maalka ninkeeda iyo jirkeedaba marka uu maqan yahay.
3) Waa midda uu farxo ninkeedu haddii uu
fiiriyo, haddii uu amrana waa tii addeecda.
4) Waa tii laasinta gurigeeda oo aan kabixin,
amarka ninkeeda la’aantiis.
5) Waa midda had iyo jeer ku-salaanta
ninkeeda waji faraxsan iyo dhoolacaddayn.
6) Waatan had iyo jeer Alle uga mahad-celisa
ninkeeda, maadaama uu yahay kii reerka ushaqaynayey, isla markaasna uu yahay
carruurteeda kii dhalay.
7) Marka ay wax waydiisanayso ninkeeda, waa
tii doorata waqtiga wanaagsan iyo hadalka wanaagsan.
8) Waxay astaan u leedahay dabeecad badan.
9) Waatan aan gurigeeda kabixin iyadoo
dharkeedu qarriban yahay.
10 ) Ma aha mid ninkeeda kuqaylisa marka ay
wada hadlayaan.
11 ) Waxay kuwaanisaa ninkeeda inuu
xiriiriyo Waalidkiis, walaalihiis, riximkiisa iyo saaxiibbadiis.
12 ) Waa midda khayrka falid badan, kuna
dadaasha faafintiisa.
13 ) Waa tan runta dhar kadhigata, kana
fogaata beenta iyo ehelkeeda.
14 ) Waa midda ku-barbaarisa carruurteeda
jacaylka Ilaahay iyo rasuulkiisa, kuna saacidin carruurta wax uusan ninkeedu
raalli ka ahayn oo xumaan ah, sidoo kale waa tii barta ixtiraamka aabahood.
15 ) Waa mid aan caro badnayn, haddana aan
aqoon laab- lakaca.
16 ) Waxay aad uga fogtahay Kibirka, is-cajabinta
iyo isla weeynanka.
17 ) Waa tii had iyo jeer ka laabta
indhaheeda aragga xumaanta, hadday gurigeeda xaajo darteed uga baxdo.
18 ) Waatan aan kujeesjeesin dariskeeda iyo
dadka isla markaana aan xaqirin umadda.
19 ) Waa tan aan jeclayn dhaldhalaalka
adduunka isla markaasna aan iloobin jannada ilaahay.
20 ) Waa midda had iyo jeer rabbigeed talo
saarata, haddii wax ka xumaadaanna aan quusan.
21 ) Waa mid si dhammaystiran ugudata
cibaadada Alle kufaral yeelay.
22 ) Waatan si buuxda u og in ninkeedu yahay
Sayidka gurigiisa, isaguna uu yahay kan maamula.
23 ) Waa midda ka xusta rabbigeed(carrabka
iyo qalbigaba), had iyo jeerna aan iloobin.
24 ) Waa midda aan had iyo jeer sheegsheegin
wixii ay Ilaahay dartiis u qabatay oo wanaag ah.
25 ) Waa tii qirata dambigeeda, haddii uu
khalad kadhacana weydiisata cafis ninkeeda.
26 ) Waa tan aan soomin soon Sunne ah,
ninkeeda oo raalli ka ah mooyee.
27 ) Waa midda aan isu ekaysiin ragga, xagga
hadalka, socodka iyo dharxirashadaba.
28 ) Waa midda had iyo goor ogsoon weeynanka
xaqa ninkeeda, kuna raalli galisana ninkeeda wixii aan macsi ahayn oodhan.
29 ) Waa midda aan dhaleecayn ninkeeda, isla
markaasna aan kudhibin wuxuusan awoodi Karin.
30 ) Waa midda qarisa quruxdeeda iyo
jirkeeda, ninkeeda mooye.
31 ) Waatan lagu yaqaan xishood badan iyo
asturnaan.
32 ) Waa midda aan soo gelin gurigeeda qof
uusan ninkeedu raalli ka ahayn.
33 ) Ma-diiddo ninkeeda, haddii uu ugu yeero
sariirtiisa.
34) Waatan ninkeedu uu layaabo quruxdeeda
MUUQATA xagga(nadaafadda &labiska) iyo tan QARSOON xagga(diinta & Taqwada).
35 ) Waxay kaloo caan kutahay, ma aha tii fidisa sirta ninkeeda iyo
gurigeeda.
36 ) Waa midda aan ku kallifin ninkeeda wax uusan awoodi Karin oo adduun
ah.
37 ) Ma aha mid
hub ka dhigata, quruxdeeda, yaraanteeda ama maalkeeda.
38 ) Waa tii had iyo jeer ka shukri naqda wax walba oo ay hesho, haba
ahaadeen wax yar e.
39) Waa midda aan kadalbin furriin joogta ah
ninkeeda, sabab la’aan.
40 ) Waxay ninkeeda u muujisaa kal-gacal iyo jacayl dhan walba ah, waxayna
si xiiso leh u dhagaysataa marka uu hadlayo.
41) Waa midda ku-taageerta ninkeeda wixii khayr ah oo
uu falayo, lana garabtagaan waanooyinka wanaagsan iyo dhiiri gelinta suuban.
Lasoco qaybta dambe oo aan kufiirin doono Sifooyinka
Sawjka Saalixa ah inshaa Allaah.
Maxamed Axmed,
Toronto, Canada.
alhudaa1@yahoo.ca
QORAALADII XIGMAD
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 9, 2004
.
XAMAR DAAWO DACALLADA...
SAWIRRO....
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|