SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m

SOMALITALK - NAIROBI


Feb 7, 2004  

Warbixin-07-Febraaayo,04,Nairobi.
Kooxaha kale iyo Siyaasiyiin Soomaali oo Taageeray Heshiiskii 29-Janaayo ee Shirka Soomaalida.

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO


Maalmo ka hor ayaa wasiirka arrimaha Dibada Dalka Kenya Muddane Kalonzo Musyoka shir jaraa'id ku sheegay in kooxdii ama hogaamiyihii diidaa heshiiskii
29-Janaayo hogaamiyayaasha Soomaalida ku saxiixeen Guriga Madaxtooyada ee kenya, STATE HOUSE-ka, loo aqoonsanayo NABAD-DIID, cunaqabateyna la saari doono oo maalin kale maxakamad la horgeyndoono.

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku daray in la ogyahay hogaamiye walba inta dil iyo gumaad uu u geystey shacabka soomaaliyeed oo ilaa 91-kii ahaa dawlada la`aan, heshiiskana waa kii uu shacabka ku heli i lahaa Nabad waarta iyo Dawlad Caadil ah oo loo dhan yahay, diidmo kale iyo dano kale ma hor istaagi doono heshiiskan ,go'aankana waa kii ugu danbeeeyey ee soomaalida gaaraan, Beesha caalamka ,IGAD ,Qaramada Midoobey , Mareykanka iyo dunida inteeda kale ayaa goobjoog ka ahaa saxiixa heshiiskaasi ,waxaana ka dalbanaya caalamka iyo qaramada midoobey in talaabo muuqata laga qaado kooxdii ,hogaamiyihii iyo siyaasigii diidaa heshiiska uu dhan ka saxiixay Madaxweynaha dalka kenya Mwai Kibaki. [Eeg halkan...]

A- SRRC:

Shir jaraa'id ee wasiirka ka dib isla maalintaa ayaa kooxdii ugu horeysay ee SRRC shir jaraaid ku qabatey hotelka Grand Regency hotel ee magaalda Nairobi, SRRC ayaa shirka jaraa'id ku sheegtay in ay IGAD iyo beesha Caalamka khiyaamo iyo hoos galin ku sameeysay intii uu socdey kulankii wada tashiga ee safari Park, SRRC ayaa ku doodey in Madaxweyne Musaveni Uganda oo Guddoomiyaha sanadkan Urur goboleedka IGAD in ay isku ogaayeen wadatashiga in ay ka qaybgalayaan oo kaliya 24+cabdiqasim.
Qodobka kaliya oo SRRC-da Diidan tahay waa tirada shaqsiyaadka ka qayb galaya xulida xubnaha baarlamaanka oo heshiiska qoraya 39-xubnood oo ah inta ka qayb gashey kulanka wada tashiga ee 18-maalmood ka socdey Safri Park hotel. [Eeg Halkan...]

Go`aanka shirkaasi jaraa'id ayaa saxiixay 9- Hogaamiye ,halka 8-da kale ee SRRC-da aan wali go'aan cad laga hayn inkastoo wali uu u socdo shirar qarsoodi ah (ayaga) iyo dawladaha gacansaarka hoose ay lee yihiin.

B- TNG-da Mbagatahi:

Ergada TNG-da Mbagathi oo ay hogaaminayaan Xasan Abshir Faarax iyo cabdala Deeroow Isaaq oo kala ahaa Rai'sul wasaarihii Dawladii KMG iyo Gudoomiyihii Dawlada ku meel gaarka ayaa iyagana ilaa iyo hada aan wali soo saarin wax go'aan ah oo ku aadan saxiixa heshiiskaasi walow aan saxiixa maalintaasi qof uga qayb galin ,iyagoo ka mid ahaa hogaamiyayaasha Mbagathi isku baheystey.

C- G-8:

Maalin ka dib shirkii jaraa'id ee wasiirka ayaa Kooxda G-8 ay hogaaminayaan Maxamed qanyare Afrax ,Cumar Maxamuud Filish iyo Mowliid Macaani Maxamuud shir jaraa'id ku cadeeyey in aan wax khayaamo iyo hoos galis aan loo gaysan kooxda SRRC ama dhamaan shaqsiyaaskii ka qayb galey kulanka wada tashiga ee Safari Park hotel ee magaalada Nairobi. [ Eeg Halkan....]

G-8 ayaa sheegtay in 18-kii maalmood ee safari Park Hotel lagu lafa guray qodob qodob ama xaraf xaraf heshiiskii maalintii ka dhacay guriga Madaxtooyada ee dawlada kenya,heshiiskaasi ayaa cadaa cidii diidaana waa dad aan rabin in soomaali Dawlada ka dhalato, waa sida ay hadalka u dhigeene.

G-8 ayaa taageertey go'aankii wasiirka iyo beesha Caalamka cidii diidaaa heshiiska in la horkeeno Maxkamad ,cunaqabateyna la saaro, waxayna dalbadeen in aan xaraf laga bedelin, xarafna lagu kordhin .
kooxda G-8 ayaa ku sheegtay qodobada ay diidan yihiin SRRC-da in yihiin kuwo aan loo xayiri karin aayaha shacabka soomaaliyeed, qaladaad yar-yar oo ka yimid garaacista qoraalka cidii Dawlad soomaaliyeed u xayirtaa waa dad dano kale leh ama fulinaya ujeedooyin dadban ayey yiraahdeen mar wax laga weydiiyey in gacan kale meesha soo gashey oo shirka qaseysa.

D- Ururada Bulshada:

Ururada bulshada ee ka qayb galaya shirka nabada soomaalida ayaa iyagana u kala jabey labo koox, koox ayaa si toos ah u raacdey SRRC-da oo loogu yeeraa Civil society/SRRC halka kooxda kale la yiraahdo Civil Society/NGO.

Ururada Bulshada ayaa shirarka doorweyn ka ciyaara ,ergada ururada bulshada ee shirka soomaalida ayaa kala jiitey hogaamiyayaasha siyaasada soomaalida ee hubeysan ,taasoo keentay habka qaybsiga qabiilada ee 4.5,oo hogaamiyayasha soo xulay Ergadii ka qayb gashey wajigii labaad ee shirka nabada Soomaalida.
shaley ayaa kooxda C.S./NGO shir jaraa'id ku qabtey hotelka 680-ti ee magaalada Nairobi, shirkaaasi jaraa'id ururada bulshada waxa ay ku taageerayeen hadaladii dhawaan uu ka sii daayey Idaacadaha Caalamka wasiirka Arrimaha dibada ee dalka kenya.

kooxdani ayaa ka mid aheyd shaqsiyaadkii saxiixay qodobada heshiiskii 29-Janaayo,04,waxaana ugaqayb galey Marwo Caasho Xaaji Cilmi, halka C.S./SRRC-da u saxiixay Shariif Saalax Maxamed aan ilaa iyo hadda wax go`aan ama hadal ku aadan go'aankii wasiirka laga heyn.

E-Siyaasiyiinta:

Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo ku taxan shirka soomaalida ayaa iyagana fikiro kala duwan ka aaminsan saxiixda qodobada heshiiska ee maalinta 29-Janaayo ee STATE House Kenya.

Dr.Cabdulaahi axmed Cadow oo ka mid ah Musharixiinta ugu Cad Cad ee shirka Nabada Soomaalida ayaa shaley hotelka uu degan yahay ku qabtey shir jaraa'id oo ku sheegay in uu taageersan yahay hadaladii Wasiirka Arrimaha dibada ee Dawlada Kenya oo ku saabsanaa Go'aan qaadashada kama danbeysta ah oo ku aadan saxiixa heshiiskii 29-ka Janaayo ee Hogoomliayaasha iyo siyaasiyiinta Soomaalida.

Dr.Cabdulaahi Axmed Caddow ayaa ka mid ah ragga looga cabsi qabo in ay ku guuleystaan Jagada Madaxweyne Dawlada Soomaaliyeed oo ka dhalata shirkana dib u heshiisiinta Soomaalida.
ku soo noqoshada Dr.Cabdulaahi Axmed Cadow magaalada Nairobi ayaa welwel iyo cabsi galisay siyaasiyiin iyo hogaamiyayaal Soomaaliyeed oo rajo weyn ka qaba in ay ku guuleystaan jagada Madaxweyne Soomaaliyeed.

Dhanka kale Ergada shirka Soomaalida ayaa wali u codeynin Qoddobadii lagu saxiixay heshiiskii 29-janaayo oo ka mid ahaa Qoraalka Buuga Axdiga iyo Dastuurka shirka Soomaalida . [Eeg Halkan...]

Qoraalka Buuga Axdiga iyo Dastuurka ee shirka Soomaalida ayaa lagu dhaqi doonaa Baarlamaan KMG ah iyo Dawlad Dimoqoraadi Federaal KMG muddo shan sanno ah. Ansaxinta iyo u codeynta buuga axdiga iyo dastuurka ayaa ah udub dhexaadka shirka dib u heshiisiinta Soomaalida . Ergada shirka soomaalida ayaa ku kala qaybsan ansixinta iyo u codeynta qoraalka buugaasi ,waxayna la kala safan yihiin hogaamiyayaashooda .

Dhanka kale IGAD iyo beesha Caalamka ayaa shirar kala gooni gooni iyo qarsoodi ah kula jira kooxaha iyo shaqsiyaadka diidan saxiixa heshiiska 29-janaayo.

Ilaa iyo hadda lama hayo maalinta iyo taariikhda loo codeyn doono qoraalka buuga axdiga iyo dastuurka ee shirka dib u heshiisiinta Soomaalida.


dhamaad .
Abdikarim Aden Hussein.
Nairobi Kenya.
abdikarimhussein@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 7, 2004 

G-8: Xaraf ama Hakad Lagama Bedeli Doono Qodobadii La Saxiixay 29-janaayo
Shir jaraa'id oo ay Nairobi ku qabteen kooxda G-8 ayey ku sheegeen in... Guji... Feb 5

SRRC: "Waa Nalaku Khiyaameeyey Heshiiskii 29kii Janaayo, mana Ogolaandoono"
Saacado kadib markii uu shir jaraa'id qabtay wasiirka arimaha dibada ee Kenya ayaa waxaa.... Guji... Feb 4

Cabdullaahi Yuusuf oo Ku Gacan Sayray "Qodobo lasoo Hordhigay"
iyo Dawladaha Deriska la ah Soomaaliya oo ku herdamaya Soomaaliya.. Guji... Jan 31, 2004

8-dii Hogaamiye ee Heshiiska Saxiixay oo la Hor Keeni doono  Madasha Shir Weynaha Nairobi
Si loogu Codeeyo ka dibna la ansixiyo qodobadii ay ku heshiiyeen maalmihii gooni u faqida... Guji... 30/1

Sideed Hogaamiye oo Saxiixdey Heshiiska Qodobada Lagu Dhisayo Dawlada iyo Barlamaan Soomaali
Maanta ka dib ayaa shirka waxaa uu geli doonaa wajiga Seddexaad ee Awood Qaybsiga Qabiilada Soomaalida waloow aan si rasmi ah wali loo xirin Wajiga Labaad... Guji... 29/1

Heshiis Colaad joojin ah oo markale ay saxiixeen hogaamiyayaasha soomaalida
Waxaa maanta aqalka madaxtooyada dalka kenya ka dhacday xaflad lagu saxiixay heshiis cusub oo colaad joojin ah Guji 29/1

SRRCda oo Beeniyay in ay heshiiskii dhowaan ay ka laabanayaan
Iyo tuhun iyo kala shaki soo kala dhex galay hogaamiyaasha Soomaaliyeed ee jooga Kenya... Guji... 26/1

Xirida Wajiga 2-aad ee shirweynaha Wadahadalada Soomaalida oo dib loo dhigay
Sababtoo ah 
Madaxweyne Yuwero Musaveni oo sheegay in maalinta Isniinta ku aadan tahay sanad guurada Guji.. 24/1

Heshiis Buuxa oo Lagu Gaaray Shirkii Soomaalidda
Waxaa lagu guulaysaty in golaha samata bixinta ee Nairobi ku sugan ay qalinka ku duugaan hindisaha cusub ee IGAD ay soo gudbiyeen, kaas oo Guji... 23/1

Golaha Badbaadada Qaranka oo wali Diidan in ay Saxiixaan Buuga Axdiga iyo Dastuurka
Iyo Kenya oo Sheegtay in Wajiga 3aad ee Shirka Lafuri Doono Isniinta... Guji... 22/1/04

SOMALIA: Maadooyinka iyo Manaahiijta Dugsiyada waxbarasahada ma noqon doonaan dugsiyo u gaar ah Muslimiinta: Waa dastuurka la isku raacay ee Dawlada Soomaaliya loogu dhisayo Nairobi ee loo bixin doono Jamhuuriyada dimoqoraadiga federaalka ku meel gaarka ee Soomaaliya Guji... 22/1

NAIROBI: Hogaamiyayaasha Soomaaliyeed oo aan Weli Go'aan Gaarin
iyo Wasiirka arrimaha Dibada Dawlada kenya oo baaq nabadeed u jeediyey Somaliland iyo Puntland.. Guji 19/1

Ciidanka USA oo Tababar  u Furay Ciidanka Kenya
tababarkaas oo laga furay magaalada LAMU oo u dhow xuduuda Soomaaliya... Guji...
17/1/04

Hogaamiyayaasha Madasha Shirka Nairobi oo Magacaabey Guddi
Guddigaas oo ka kooban saddex xubnood, waxa kale oo shirka ku cusub in... Guji...
16/1/04

Shirka Somalida oo La Joojin Doono Dhawr Bilood Haddii Wax ka Soo Bixi Waayaan 10ka-Beri ee Gooni u Faqa
Hogaamiyayaasha Soomaalidana waxa lagu celin doonaa Soomaaliya haddii 10-beri ee gooni u baxa uu natiijo dhalin waayo sidaas waxaa tibaaxay...  Guji...
15/1/04

Kolonzo Misayoka:- waa in war aan la siin suxufiyiinta 10-maalmood ee wada tashiga........
wasiirka Arrimaha Dibada dalka Kenya Muddane Kolonzo Misayoka ayaa hogaamiyayaasha Siyaasada Soomaalida ee shirka wadahadalada Nabada ee ka socda dalka Kenya ka codsadey in ayan la kulmin ama war siin suxufiyiinta... Guji...
12/1/04

C/Qaasim oo C/Lahi Yuusuf Kusoo Booqday Guriga uu Nairobi Ka Deggan Yahay
iyo Kenya oo hoggaamiyayaasha Soomaalida u sheegay in aysan wax war ah siin saxaafadda mudada uu... Guji... 
12/1/04

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD