ENGLISH VERSION: READ HERE....
SOMALI PEACE RALLY
Galkaio City, Somalia, February 6th 2004
PRESS RELEASE
SPR/INFltlk/M1/193/2004
Somaliyeey waa kuwaas hoogayaashii
Galkaio City, Somalia, February 6th 2004 - Mushkiladda Somali haysataa waa
iyadoo rag faro-ku-turis ahi ku waasheen in ay Somaaliya oo ay dileen haddana
madax-ka-noqdaan. Nasiib darro qaabka ay rabaan inay madaxnimada ku noqdaan
waa mid duug ah oo xitaa qaaradda Afrika ka suulay. Waa inaad dooratid cidda
adiga ku dooran lahayd. Qab-qablayaashu waxay ka baqayaaan inay yiraahdaan si
xalaal ah ha naloo doorto. Waxay doorbidayaan inay helaan baarlammaan ay soo
xusheen. Kaaga darane, waxay isla markaasna wiiqayaan hoggaan dhaqameed,
waayo waa inay helaan oday dhaqameed u dabacsan ee ay gacantooda ku sameeyeen.
SPR waa odorstay inaysan suurtogal ahayn in qab-qablayaasha la isu keenay oo
wax-garadkii oo idil ka hor istaagay xallinta arrinta Somaliya aynan meelna
wax gaarsiin karin waxna isku raaci karin. Eeg baaqayagii tiradiisu ahayn SPR/INFltlk/M1/187/2004,
taariikhda 5tii Janaayo 2004.
Waallida ragga qaarkiis madaxnimo ku waashay iyo gacan saddexaad baa
hortaagan in Somaliya dib isugu taagto. SPR waxay bulshada caalamka ugu
yeeraysaa inay joojiso subkidda dambiilaysaasha dagaalka. Waa in marinkooda
la mariyaa oo maxkam lala tiigsadaa. Kuwa ugu Somaalidiidsan waxaa lagu hayaa
falal dambi ee dad layn ah ee ay galeen barqo
cad. Sidoo kale waxay jebiyaan heshiikii xabbad joojinta ee ay saxiixeen
dhammaadkii sannadkii la soo dhaafay.
SPR waxay qabtaa in warka la caddeeyo, cadowga Somaliyana aan Somaliya wax
laga weydiin. Waa in ayana la caddeeyaa in hooyada Somalidiidyadu tahay dal
Somaliya la daris ah. Waa in bulshada caalamku taas caddaysaa, nasiib wanaag
Somalida arritaas wa ka dharagsan tahay dabcan marka laga reebo inta mingiska
wax xukunku tusay in dal kale daawadoodu taal. Haddii aan shakhsiyaadkaas la
garbo duubin, wallee Somaliya wax badan waa la isweydiin.
sprally@hotmail.com
--- ENGLISH VERSION---
SOMALI PEACE RALLY
Galkaio City, Somalia, February 6th 2004
PRESS RELEASE
SPR/INFltlk/M1/193/2004
Somali Warlords Are Hopeless Criminals
Galkaio City, Somalia, February 6th 2004 – Somali Peace Rally – The crux of
the Somali problem is few individuals with megalomaniac
aspirations. Their goal is to become the leaders of a non-existent state.
Unfortunately, their approach is medieval one. “Elect the people who will
elect you later”. Somali warlords’ dilemma is fear of facing the verdict of
their people. Their utmost goal is to elect the future parliamentarians of
Somalia, by eroding the traditional leaders and creating pliant elders.
The recent rejection of the agreed accord had been predicted by Somali Peace
Rally - refer to our press release no. SPR/INFltlk/M1/187/2004
dated January 5th 2004. The obsession of winning the national leadership is
the ultimate obstacle to forming a workable national government. The most
intransigent warlords have committed a broad-day light human rights abuses.
They have broken the so-called cessation of hostilities signed late last
year.
Somali Peace Rally is urging the international community not to waste
time in rehabilitating criminals but go ahead with their indictment.
Somali Peace Rally urges that spades should be called spades. Enemies of
Somalia should be told to get out of Somali affairs. The surrogate mother of
Somali warlords should be spelled out in the international forums. Most of
the Somalis know it, apart from the few who believe that the road to the
leadership comes from the west of Somalia. By the same token, the arms of the
few men who are obstacle to the national reconciliation should be twisted, if
not handcuffed.
sprally@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 6, 2004
Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
.
XAMAR DAAWO DACALLADA...
SAWIRRO....
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|