Feb 5, 2004
G-8: Xaraf ama Hakad Lagama Bedeli Doono
Qodobadii La Saxiixay maalintii 29-janaayo ee 2004.
Hogaamiyayaasha kooxda G-8:-saxiixa heshiiska 29-Janaayo wax khiyaamo ah
kuma jirin.........
Hogaamiyayaasha
siyaasada kooxda G-8 ee shirka nabada soomaalida ayaa galabta shir jaraa'id
ku qabtey xarunta shirka uu ka socdo ee Mbagathi.
Hogaamiyayaasha kala ah: Maxamed
Qanyare Afrax, Cumar maxamud Maxamed Filish iyo Mawliid macaaani Maxamuud
ayaa shirkaasi jaraa'id kawada hadley, waxaaan ugu horeytii kahadlay Maxamed
qanyare Afrax oo ka hadley saxiixa heshiiskii 29-janaayo ee ka dhacey STATE
HOUSE in uu ahaa mid dhaxal ah oo taariikh u noqon doona shacabka
soomaaliyeed, waxaa kaloo uu sheegay in madaxweynaha dalka kenya uu
heshiiskaasi ku tilmaamey in la jebiyey darbi ku gudbanaa shirka nabada
soomaalida ee oo 15-bilood ka socdey wadanka kenya.
Hogaamiyayaasha kooxda G-8 ayaa si cad
u sheegay in kulankii wada tashiga ee safari park iyo saxiixa heshiiskii
hogaamiyayaasha ee 29-janaayo in aan ku jirin wax khiyaamo iyo is hoos galin
ah.
Waxay kaloo sheegay in xulida
baarlamaanka ay ka qay galayaan tiradi ka qayb gashey kulankii wada tashiga
ee safari park ka socdey muddo 18-casho ah taasoo aheyd 39-qof.
Hogaamiyayaasha siyasada kooxda G-8
ayaa taageeera buuxda siisayay go'aankii shirkii jaraa'id ee wasiirka
arrimaha dibada dalka kenya Klonzo Musyoka oo ku saabsanaa cidii ka
hortimaada heshiiskii 29-Janaayo ,in loo aqoonsan doono nabad diid,
cunaqabatreyn la saari ,maxkamad la horgeyn doono.
Hogaamiyayaasha siyaasada ee G-8-da
ayaa heshiiska ku tilmaamey mid kii lagu heli lahaa dawlad soomaali oo loo
dhan yahay oo dib uga dhalata dalka soomaaliya 14-sanno oo dawlada la`aan ah
ka dib. Waxa kale oo hogaamiyayaasha kooxda G-8 ay sheegeen in xaraf ama
hakad aan laga bedeli doonin qodobadii la saxiixay maalintii 29-janaayo ee
2004.
dhamaad.
Abdikarim Aden Hussein
Nairobi,Kenya
abdikarimhussein@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 5, 2004
SRRC: "Waa Nalaku
Khiyaameeyey Heshiiskii 29kii Janaayo, mana Ogolaandoono"
Saacado kadib markii uu shir jaraa'id qabtay
wasiirka arimaha dibada ee Kenya ayaa waxaa....
Guji...
Feb 4
Cabdullaahi
Yuusuf oo Ku Gacan Sayray "Qodobo lasoo Hordhigay"
iyo Dawladaha Deriska la ah Soomaaliya oo ku
herdamaya Soomaaliya..
Guji...
Jan 31, 2004
8-dii Hogaamiye ee
Heshiiska Saxiixay oo la Hor Keeni doono Madasha Shir Weynaha Nairobi
Si loogu Codeeyo ka dibna la ansixiyo qodobadii
ay ku heshiiyeen maalmihii gooni u faqida...
Guji... 30/1
Sideed Hogaamiye oo Saxiixdey Heshiiska Qodobada
Lagu Dhisayo Dawlada iyo Barlamaan Soomaali
Maanta ka dib ayaa shirka waxaa uu
geli doonaa wajiga Seddexaad ee Awood Qaybsiga Qabiilada Soomaalida waloow aan
si rasmi ah wali loo xirin Wajiga Labaad...
Guji... 29/1
Heshiis Colaad
joojin ah oo markale ay saxiixeen hogaamiyayaasha soomaalida
Waxaa maanta aqalka madaxtooyada dalka kenya ka
dhacday xaflad lagu saxiixay heshiis cusub oo colaad joojin ah
Guji 29/1
SRRCda oo Beeniyay
in ay heshiiskii dhowaan ay ka laabanayaan
Iyo tuhun iyo kala shaki soo kala dhex
galay hogaamiyaasha Soomaaliyeed ee jooga Kenya...
Guji... 26/1
Xirida Wajiga 2-aad
ee shirweynaha Wadahadalada Soomaalida oo dib loo dhigay
Sababtoo ah Madaxweyne Yuwero
Musaveni oo sheegay in maalinta Isniinta ku aadan tahay sanad guurada
Guji.. 24/1
Heshiis Buuxa oo
Lagu Gaaray Shirkii Soomaalidda
Waxaa lagu guulaysaty in golaha samata bixinta ee Nairobi ku sugan ay qalinka
ku duugaan hindisaha cusub ee IGAD ay soo gudbiyeen, kaas oo
Guji... 23/1
Golaha Badbaadada
Qaranka oo wali Diidan in ay Saxiixaan Buuga Axdiga iyo Dastuurka
Iyo Kenya oo Sheegtay in Wajiga 3aad ee Shirka Lafuri Doono Isniinta...
Guji...
22/1/04
SOMALIA:
Maadooyinka iyo Manaahiijta
Dugsiyada waxbarasahada ma noqon doonaan dugsiyo u gaar ah Muslimiinta:
Waa dastuurka la isku raacay ee
Dawlada Soomaaliya loogu dhisayo Nairobi ee loo bixin doono
Jamhuuriyada dimoqoraadiga federaalka ku meel
gaarka ee Soomaaliya
Guji... 22/1
NAIROBI:
Hogaamiyayaasha Soomaaliyeed oo aan Weli Go'aan Gaarin
iyo Wasiirka arrimaha Dibada Dawlada kenya oo baaq nabadeed u jeediyey
Somaliland iyo Puntland..
Guji 19/1
Ciidanka USA oo
Tababar u Furay Ciidanka Kenya
tababarkaas oo laga furay magaalada LAMU oo
u dhow xuduuda Soomaaliya...
Guji...
17/1/04
Hogaamiyayaasha
Madasha Shirka Nairobi oo Magacaabey Guddi
Guddigaas oo ka kooban saddex
xubnood, waxa kale oo shirka ku cusub in...
Guji...
16/1/04
Shirka Somalida
oo La Joojin Doono Dhawr Bilood Haddii Wax ka Soo Bixi Waayaan 10ka-Beri ee
Gooni u Faqa
Hogaamiyayaasha Soomaalidana waxa
lagu celin doonaa Soomaaliya haddii 10-beri ee gooni u baxa uu natiijo dhalin
waayo sidaas waxaa tibaaxay...
Guji...
15/1/04
Kolonzo Misayoka:-
waa in war aan la siin suxufiyiinta 10-maalmood ee wada tashiga........
wasiirka Arrimaha Dibada dalka Kenya Muddane Kolonzo
Misayoka ayaa hogaamiyayaasha Siyaasada Soomaalida ee shirka wadahadalada
Nabada ee ka socda dalka Kenya ka codsadey in ayan la kulmin ama war siin
suxufiyiinta...
Guji...
12/1/04
C/Qaasim oo C/Lahi
Yuusuf Kusoo Booqday Guriga uu Nairobi Ka Deggan Yahay
iyo Kenya oo hoggaamiyayaasha Soomaalida
u sheegay in aysan wax war ah siin saxaafadda mudada uu...
Guji...
12/1/04
.
XAMAR DAAWO DACALLADA...
SAWIRRO....
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|