SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Feb 3, 2004

Warar Goosgoos ah oo Naga Soogaaray Ceelbuur Iyo Guriceel

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Magaalada Ceelbuur oo noloshii Caadi ku soo noqotay

Wararka naga soo gaaraya Degmada Ceel buur ee gobalka galgaduud waxay sheegayaan in nololshii caadi ku soo noqotay ,kadib markii si buuxda heshiis looga gaaray colaadii ka taagnayd aaggaas oo udhexeysay labo beelood oo wada dega halkaas.

Warku waxuu intaa ku darayaa in si wadajira loo wada tukaday salaadii Ciidul-adxa, oo dadkii ka soo qaybgalay wajiyadoodu ay ka muuqatay farxad iyagoo dadkii kakala tirsanaa labada beelood ay iswada gacanqaadeen ilahayna kawada baryeen inuu qalbigooda isudumo oo ay helaan nabad waarta, waxaa kaloo lasoo sheegayaa in adeegii magalaada badi dib loo soo celiyay sida isgaarsiinta, dugsiyadii waxbarashada iyo maamulkii degmada taasoo suuragelisay inay dadku ku dhiiradaan kusoo noqoshada hoygooda, iyadoo sida laga warqabo dad badani ka barokceen guryahoodii kadib markii beelaha Murursade Iyo Duduble ay dagaal kharaari ku dhexmaray Ceelbuur iyo Deeganada ku xeersan.

Guriceel Oo dhaqaatiir Somali iyo itoobiyaan isugu jira ka howlgaleen

Waxaa magaalada Guriceel dhawaan yimmid dhaqaatiir isugu jirta Somaali iyo itoobiyaan iyagoo halkaas ka bilaabay howlo indhifiiqid loogu samaynayo dadka waayeelka ah ee soo wajahday arag xumida,Waxaana durbdiiba isbitaalka guud ee degmada Guriceel indhaha loogu fiiqay dad gaaraya 19qof iyadoo kiiba laga qaaday waxooga khidmada, Mashruucaas oo ay soo qabanqaabiyeen dad udhashay degaanka ,wariye ku sugan magaalada guriceel ayaa noo sheegay in dhaqaatiirtaasi ayan shaqo ku lahayn hayado ku xiran dowlado amase kuwa loo yaqaan NGOyada ,balse ay arrintoodu tahay mid dad isxilqamay ay ku keeneen dhaqaatiirtaas kadib markii ay soo badatay baahida loo qabo in la helo dhaqatiir ku takhasusay cudurada indhaha,waxaana asbuuc ka hor sidoo kale laga furay magaalada galkacyo rug lagu daweeyo cudurada Indhaha Asiiba.

Dhaqaatiirta ku takhasustay cudurada indhaha waxay baaritaan ay sameeyeen ku sheegeen in si ba,an uu uga jiro guud ahaan dalka Soomaaliya Cudurka loo yaqaan Gulukooma,oo dadka indho tira haddi aan si dhaqso leh loo daweyn,cudurkaasoo ay sheegeen inuu yahay bahda cudurada lakala dhaxlo.ayagoo ku taliyay in qofkii lagu sheego waalidkiis uu si dhaqso leh isaga baaro cudurkaas gulukoomada siiba dadka da,doodu gaarto 40 Sano iyo ka badan.

Cabdi Xasan Somalitalk.com/Muqdisho
abdi172@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 3, 2004

Maxkamadda Sare Ee Kanada oo Xukuntay
in Edbinta Caruurta Loo isticmali Karo Xoog Macquul ah Guji..

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD