MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND
MARKUU ARKAY : Dastuurka
MARKUU ARKAY:- Qodobka 54aad ee
dastuurka oo qeexaya,a awoodaha Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland.
MARKUU ARKAY: Qodobka 55aad ee
dastuurka firqadiisa 1aad oo ku wareejinaya awooda iyo xilalka oo dhan
Madaxweyne ku xigeenka Dawlad Goboleedka puntland, marka uu madaxweynuhu
dadlka Dibada uga maqan yahay.
MARKUU TIXGALIYEY:- Duruufo adag iyo
dhibaatooyin ka jira Puntland ee ay ka mid yihiin Abaaro daba dheeraaday,
Dhaqaale Xumo saamaysay Dawlad Goboleedka Puntland, kana timid Dawlad ku
sheega Soomaliland oo mar horeba qabsaday meelo ka mid ah Puntland, Sida
Gobolka Sool, Sanaag iyo Cayn.
WAXAAN SI BUUXDA U ANSIXIYEY:- Mudo
kordhintii 2da sano ahayd ee Golaha Wakiiladu horay u kordhiyeen, Golayaasha
Dawlada sida (Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa iyo Golaha Wakiiladda).
Haddaba waxaa la farayaa garyaqaanka
Guud ee Dawladda Puntland Digreetadan aan ku ansixiyey Go’aankii Golaha
wakiiladda Dawlad Goboleedka Puntland ee Lambarkeedu ahaa XGGW/DGPL/11/04
kuna taariikhaysnayd 17/02/04, mudo kordhinta Labada Golena ay ku cadahay
Qodobka 2aad iyo kan 3aad, in aad si deg deg ah ugu soo saarto Faafinta
Rasmiga ah ee Dawlad Goboleedka Puntland, hadii alle idmo.
Maxamed Cabdi Xaashi
Madaxweyne ku xigeenka Dawladad puntland.
<><><>
Ciidanka Booliiska Maamul
Goboleedka Puntland ee Gobolka Bari ayaa soo afjaray Hawl-gal ay ka wadeen
Todobaadkan Gudihiisa Magaalada Boosaaso gaar ahaan Xaafadda Raf iyo Raaxo.
Ciidan-kaan oo ka hawl galayey
todobaadkan Xaafadaha Magaaladda, kuna hawlaan qab qabashada dadka falxumada
ku kaca ayaa waxay soo qabteen 7 nin oo dhalinyaro ah kuwaas la baxsaday
Gaadhi Bas ah oo ah kuwa ka shaqeeya Xaafadaha Magaaladda ee loo yaqaan PL.
Waxaa ay wali Ciidanku ku raadjoogaan oo
aanay gacanta ku dhigin 3 ka mid ah dhalin yarada ka dambeysay dhaca
Gaadhigaas oo iyagana uu sheegay Taliyuhu in ay si dhakhso leh u soo qaban
doonaan.
Ugu dambeytii Ciidanka Booliiska Gobolka
Bari ayaad moodaa in ay muujinayaan fir fir cooni aan horay loogu aqoon,
kuwaas oo wax badan ka qabtay Magaaladda.
Maha kaliya ciidankaani in uu u
gaadhsanayo dhalin yaradda falxumada ka wada Magaalada Baaso ee sidoo kale
waxay ciidankaani soo qab qabteen tan iyo ay hawlgalkaan bilaabeen
cawaale jaamac salaad
somalitalk.com garowe somaliya
jamnaf87@hotmail.com
WARARKII HORE EE PL
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 27, 2004