Aniga oo tix raacaya qoraalkii maxamuud caynaanshe ee cinwaankanwaxan aad u
tagersanahay in ita ay dhalinyarta somaliyeed isu hawlayso qabyaalad iyo
aragti reer baadiye in bal horta la is tusiyo bal manta meesha la joogo oo
jadwal loo sameeyo oo dhibaatada midmid loo lafo guro iyada oo laga soo
bilaabayo cinwaanka laftiisa .
Hadaba waxa is waydiin leha ma jiraa wax layidhaaho cilmiga jahligu?
Su,aasha intaynaan ka jawaabin waxan jecelahay inaan sidii maxamud uga digo
dhalinyarada inay diinta ku soo gabadaan iyaga oo cilmaaniyada meel
ubanaynaya.
Hadaba anugu waxan qabaa inay jawaabtu tahay haa oo waa kan ay somalidu ku
doodo kuna dhaqanto.
Sida markaba muqanaysa waxa iyana mesha so dhacaya su,aal kale oo ah
cilmigaasi ma waddo sax ah buu haystaa mise waa qalad?
Iyana waxay jawaabteedu tahay waa cilmi waddo qalad ah haysta oo waxa u
daliil ah aayaha ay umadii ku dhaqmaysay ay dhaxashay.
Mar kale ayaa hadana waxa is waydiin ubaahan dhalin yarada somaliyeed ma og
yihiin inay wado qaldan hayaan ?waxan dhanyarada ugu celcelinayaa waxa weeye
horu marka umadaha waxa laga eegaa sida ay dhalin yaradeedu u dhaqmaan,
Iyadana jawaabteedu waa maya .oo waxa lagu mahmaaha ninkaad kaba ka tolanayso
kabihiisa eeg .
Anigu majecli inaan qabqablayaasha somaliyeed waxka sheego laba sababood
awgeed.
1=dadka badidoodu qabqablhooda waxay u arkaan inuu yahay (zaciim ruuxi ah )oo
hadaan isagu jirin reerkooda la waayi lahaa sida darteed waxay bilaabayaan
weerar.
2=tan kalena waxay tahay waxan ognahay in dirxigu uunan ku tarmin maal nadiif
ah ee uu ku tarmo meel qudhun ah sida darteen waxan rumaysanahay hadii
qabqablayaashu dhamaantood tagaan inay badalayaan kuwo iyaga ka daran wayo
waxan ognahay in dhawr qabqable saaxada ka baxeen sida caydiid iyo calimahdi
iyo gabyow midwalibana waxa badalay mid ka daran tasina waxay cadaynaysaa in
shacbiga oodhami uu maskax ahaan aad u hooseeyo o kii tagana uu badalayo mid
ka darani.tasina waxay daliil u tahay in aanu ninkani samada kasoo degin ee
dadka uu matalayo dhamaantood sidan yihiin illaa in yar mooyaane.
Hadaba marka aynu ku faanayno reerhebel miyaanan is waydiinaynin inaan ugu
danbayntii Somali noqonayno somalina qiimaha ay aduunyada ku leedahay
miyaynaan ogayn?
Anigu shaqsi ahaan waxan ku faani jiray somalinimada imikase waxan ka
xishooda inaan idhaahdo Somali baan ahay
Ugu danbaystii waxa fiican marka la.isla garto in meesha musiibo taalo kadib
uu barnaamujku furmo oo la gudo galo waxa dhibta sababay si kadibna loo gudo
galo wixii xal ah.
Daahir cumar abtidoon.
abtidoon_97@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 27, 2004
Dood furantay
“Cilmiga jahliga”
Qore: Maxamuud Caynaanshe
In kasta oo uu gaabnaa qoraalkii uu
Ibraahim kaga dooday aragtidii ahayd ”Cilmiga jahliga” haddana waxaa la
moodaa in uu abbaarayey
Guji
Feb 25
“Cilmiga Jahliga”
Qore: Ibraahin Yuusuf Axmed
Bulsho kasta waxaa waajib ku ah
casriyayn iyo dhaqaaq joogto ah, haddii kale waa ay dhagaxowdaa. Dhaqan ...
Guji
Feb 25
Afeef: Fikrada qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan