w w w . S o m a l i
T a l k . c o m
|
SOMALITALK
- MAQAAL
|
Feb 27, 2004
Puntland oo ku dayasha mudan!!
Livan Cadur
cadur11@hotmail.com
Madaxweyanaha Puntland, waa Col. Abdullahi Yusufe, iyo ku xigeenkiisu waa
Mohamed Abdi Xaashiye, iyo Gudoomiyaha Parlamanka Puntland, Enj Sacid waxay u
fureen baal dahab ah Puntland. Waxay tuseen shacabka, iney dood sharcigii
maamulkooda hagayay uu dhex mari karo. Maamulkiina sii socon karo!!??
Waxay ku guuleysteen, nin kasta xilkiisa inuusan kan kale ku tagri falin!
Waxay talaabo fiican u dhigeen kala madax banaanida heyadaha dawliga oo loogu
tala galay, iney is miisaamaan si aan awoodda loogu tagri falin!
Puntland waxey gaartay, heer ninna uusan awood gaar ah u yeelan inuu sidey la
tahay, uu sharciga u fasirto! Waxay gaartay, heer ra'yiga iyo fasirka
sharciga si ba'an la isugu diido, wada shaqeyntii heyadhana ey sidooda u sii
socdaan!
Waxaan jeclaan lahaa inaa halkan ugu hanbalyeeyo shacabk Punt, khaasatan
Madaxweyne xigaha Punt, at last we arrived!
Alloow yaa ku adkeeya; Intaas baan idinka dooneynay; sharcigii aad dhigateen
oo aad u hogaansanataan, heyadaha dawliga oo kala madaxbanaan wadana shaqeeya,
fasirka sharciga oo nin kasta uu ku dhaganaado sey la tahay illaa heyadda
shareciga ey kala saarto!
Intii u dhimatay, ama u naafoowday, ama ugu bara kacday, soo celintii
midnimadii iyo xasilloonideeddi waxaa la oran karaa maaheyn mira khasaaray,
mar haddii dooddu tahay; Danta Punt waa sidan iyo maahee waa sidan waayahaye
sharciga ha na kala saaro!
God bless Punt
Livan Cadur
cadur11@hotmail.comQORAALADII HORE EE LIVAN CADUR
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 27, 2004
Afeef: Fikrada qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|
©
www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
|
>>
Usheeg Asxaabtaada
|
|
Allah Is Great
|
|
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana
dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri
XAAFID QUR'AAN
Cabdul
Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo
wacdaro
muujiyey GUJI
|
|