Sida uu la socda muwaadin kasta oo Soomaaliyeed xaalada qalafsan ee uu
shacabka Soomaaliyeed ku jiray 14-kii sanno ee la soo dhaafay oo ay
sababteeda leeyihiin dagaalada aan ujeedada iyo micnaha lahayn ee ku salaysan
qabiilka iyo caadifadu waxay sababeen silic iyo saxariir si weyn ugu baahday
guud ahaanba bulshada soomalida gaar ahaana dadka rayidka ah ee u badan
maatida iyo caruurta, qaybaha hadaba sida laxaadka leh ugu waxyeeloobay
colaadaha hubaysan ee ka socda geeska africa waxa safka hore kaga jiraa
ubadka Soomaaliyeed oo aan guud ahaanba masuuliyada xasuuqa ka socda Somalia
waxba kala socon noqdayna sakaaradii budka la kulantay.
Madaarada caalamiga ah ee aduunka waxa caan
ka noqday caruur yar yar oo Soomaaliyeed oo ay waalidkood u soo dhiibeen
iyagoo kala soo cararaya xabada ka dhacaysa deegaanadii ay ku noolaayeen
shakhsiyaad xirfad u leh tahriibka dabeetana kaga yaacaya garoomada caalamiga
ah ee diyaaradaha aakhirkana ubadkaasi waxay gacanta u galaan dadyow
shisheeye ah oo aan la dhaqan iyo diin midna ahayn.
Xeebaha Yemen iyo Liibayina waxayba caan ku
noqdeen maydka caruurta Soomaaliyeed ee iyaga oo lala yaacayo marka ay
doonidii ay saarnaayeen xijaabka geerida huwato ayaa caruurtaas sabiga ah
badda lagu xooraa.
Baaqan iyo qaylo dhaantan deg dega ahi waxay
ku socotaa dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee kor ku
xusan, ujeedada uu ku qotomaana waxay tahay war deg deg ah oo naga soo
gaadhay xaruntii lagu hayay agoomaha soomaaliyeed oo ay horay gacanta ugu
haysay ha’ay’ada AL-HARAMAYN oo albaabada loo xidhay ka dib
markii uu hay’ada Al-Haramayn uu maraykanku mamnuucay sababo kale oo badan
awgeedna aanay sii wadi doonin taakulaynta agoomaha Soomaaliyeed.
Warka hadaba murugada iyo tiiraanyada wata
ee sheekadan la socdaa waxa uu yahay iyadoo ay ubadkaas yar yar xilkiisii la
wareegayaan ha’ay’ado kiristaan ah oo ka kala socda wadamo ajnabi
ama shisheeye ah, Ha’aydahan kiristaanka oo adeegsanaya NGO-yo
cusub oo Soomaali ah oo hadda la aasaasay ayaa balan qaaday inay bixin
doonaan qarashka ku baxaya caruurtaas oo lagu qiyaasay inuu ahaa intii ay
gacanta ku haysay Al-haramayn $40 ardaygiibii(bishii) iyadoo ay ardaydu
gaadhaysay ilaa dhawr kun oo lagu xanaanayn jiray xarumo ku yaal wadanka
soomalia meelo kala duwan.
Ha’aydahan kiristaanka ayaa durbaba dalbaday
oo shardi ka dhigay in la badalo manhajkii waxbarasho ee lagu hagi jiray
ardaydaas oo ku salaysnaa diinta Islaamka. Waa arrin laga murugoodo!
GLOBAL MEDIA GROUP
oo ah Ha’ayad warbaahineed madax banaan fadhigeeduna yahay wadanka
boqortooyada ingiriisku waxay u soo jeedinaysaa dhamaan qaybaha kala duwan ee
bulshada Soomaaliyeed oo aanu kor ku soo xusnay iyo cid kasta oo dananaysa
badbaadinta ubadka Soomaliyeed iyo ku sugnaanshaha Diinteena macaan ee
Islaamka oo waajib inaga dhigaysa inaynu ubadkeena ku hagno inay wax alla
wixii tabarucaad ah ee ay awoodi karayaan ku badbaadiyaan xarumahaa lagu
xanaanayn jiray agoonta Soomaaliyeed si aanay gacanta ugu galin ha’ay’adaha
reer galbeedka oo ay ujeedadooda ugu weyn ee ay gargaarka u bixiyaan ay tahay
halaynta jiilasha da’yarta ah ee Soomaaliyeed haddii ay nasiib u helaan inay
gacanta ku dhigaan.
Qof kasta oo ku tabaruci kara xoogiisa,
dhaqaale, fikrad ama talo ah sidii looga badbaadin lahaa ubadkaa inay gacanta
ku dhigaan ha’aydaha kiristaanku waxbarashadooduna u sii socon lahayd iyagoo
ku sii socda manhajkoodii Islaamiga ahaa fadlan la soo xidhiidh ciwaanka hoos
ku qoran:
Global Media Group
Exe-cutive Director
Hassan Salahuddin
Globalnews2000@hotmail.com [email
cusub: Updated 29/2/04]
Email:
Address:
No: 4 Upper Temple Walk
Beaumont Leys
Leicester
LE4 0SB
Telephone: 00-44-7904226238.
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 27, 2004
Afeef: Fikrada qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan