w w w . S o m a l i
T a l k . c o m
|
SOMALITALK
- TALO
|
Feb 27, 2004
OGEYSIIS OGEYSIIS OGEYSIIS
COMPUTERKAAGU MA KU XIRAN YAHAY
INTERNETKA
MATAHAY MAAMULE GOOBAHA 'Internet Caffee'
Marka Ogeysiiskani waa ku khuseeyaa ee fadlan Akhri:
Internetka Guryaha:
Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee meel kasta oo aay
joogaan in aad taxadar dheeraad ah ka muujisaan dadka adeegsanaya
computaradiina, gaar ahaan haddii computerku ku xiran yahay Internetka. Waxaa
suurtowda in qof gurigaaga u soo wareegey uu computerkaaga u adeegsado fulin
fal dembiyeed, taas oo keeni karta in dembigii kusoo laabto qofka leh
comuterka dembiga lagu fuliyey.
Haddii aad qof u ogolaatid in uu adeegsado computerka waxaa muhiim ah in aad
qortid saacadda iyo maalinta uu qofkaasi adeegsadey computerkaaga si haddii
mustaqbalka ay soo baxdo in qofkaasi uu fal dembiyeed ku fuliyey
computerkaaga aad ugu gudbisid hay'adaha ammaanka ee la dagaalama falal
dembiyeedyada Internetka.
Haddii dad badani ay guri wada degan yihiin oo dhammaantood uu ka dhexeeyo
hal computer iyo Internet, waxaa haboon in computerka loo sameeyo furayaal
kala duwan oo qof kasta uu fure gooni ah ku galo, si haddii computerkaas
dembi lagu galo loo ogaado qofkii furihiisa dembiga lagu fuliyey.
Internet Coffee:
Maamulayaasha goobaha dadweynaha ee laga adeegsado Internetka (Internet
coffee) waxaa la gudboon in ay qoraan daqiiqada uu qof kasta bilaabay
adeegsiga khadkooda iyo daqiiqada uu ka baxay, maalinta iyo bisha, waana in
qofka laga qoraa aqoonsigiisa ama teesarihiisa. Waxaana haboon in la samaysto
buugga saxiixa Internetka, buugaasna lagu xafido meel ammaan ah. Waxaa kale
oo aad u fudud in goobta loo samayn karo kaamaro si aanba muran halkaas uga
imaan.
Waxaa kale oo muhiim ah in maamulayaasha goobaha Internet coffee ay ka
digtoonaadaan in aan computeradooda lagu dhex qarsan barnaamijyada loo yaqaan
SPYWARE (waa barnaamijyo awood u yeelan kara in ay qofkii meesha ku xafitay u
ururiyaan wax kasta oo uu qoro qofkii comuterkaas isticmaala). Waa jira
barnaamijya ama SOFTWARE lagu ogaan karo in computerka lagu qarsaday SPYWARE.
Arintani ma ahan mid yaraysi leh maadaama ay dhammaan arimahaasi ka
suuroobaan internetka.
CREDIT CARD: Haddii aad leedahay Credit card waa in aad ogaataa cidda
isticmaashay iyo waxa ay u isticmashay, waxaana haboon in aad markasta la
xiriirtid bangiga aad ku leedahay Credit card-ka adigoo weydiinaya inta goor ee
la isticlaamay si aad u ogaatey in lambarka lagaa xaday iyo in kale. CREDIT CARD waxaa
kale oo noqon kara kaararka bangiga ee ay ku dhegan yihiin calaamada Credit
card-ku.
Tuugada iyo shuftada internetku meel kuma leh jaaliyaddeena mana soo dhex geli
karaan, taxadarkuna waa lagama maarmaan.
WAR LA HELAA TALO LA HELAA.
Fadlan Qoraalkaan sii faafi ............
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 27, 2004
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|
©
www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
|
>>
Usheeg Asxaabtaada
|
|
Allah Is Great
|
|
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana
dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri
XAAFID QUR'AAN
Cabdul
Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo
wacdaro
muujiyey GUJI
|
|