Ummad walba waxay leedahay maalmo xusuus gaar ah ku leh. Maalmahaas waxay
noqon karaan kuwo murugo leh ama kuwo farxad leh. Tusaale ahaan, dalalka
adduunka intooda badan waxay si farxad leh u xusaan maalintii ay gumaysiga ka
xoroobeen ama maalintii ay qaran (dawlad) noqdeen. Sidoo kale, ummadaha
qaarkood waxay xasuus murugo leh u sameeyaan maalmo ay ku dhacday dhibaato,
sida xasuuq ama waxyeello kaga timid gumaysi ama quwad kale oo ku soo duushay
ama waxyeello dabiici ah sida dhul-gariir, duufaanno iwm.Haddaba, waxaa
iswayddiin leh waa maxay maalmaha xusuusta ku leh shacbiga Soomaliyeed ee
dalka Ogaadenya ? Run ahaantii maalmo aad u fara badan ayaa Somalida
Ogaadenya ku leh xusuus gooni ah. Maalmahaas oo isugu jira kuwo murugo iyo
kuwo qadarin mudan, halkan kuma soo koobi karro, waxaanse ka xusi karra kuwan
soo socda :
- - Maalintii Ingriisku ku wareejiyey Itoobiya dalka Ogaadenya
- - Maalintii (maalmihii) ay Ingriiska iyo Itoobiya galeen heshiiska
qarsoodiga ah ee dalka Ogaadenya lagu siiyey itoobiya
- - Maalintii la aasaasay halgankii hubaysnaa ee Nasru-Llahi
- - Waagii kanooniga ee ciidamada Itoobiya ay xasuuqa iyo burburka u
gaysteen qaar ka mid ah magaalooyinka Ogaadenya.
- - Maalintii la aasaasay Jabhadda Xoraynta Somali-Galbeed (WSLF)
- - Guulihii laga soo hoyiyey gumaysiga sanadihii 1976-77
- - Maalintii la aasaasay ururkii Dhallinyarada Gobanimo-Doonka Somali-Galbeed
(UDHGSG), June 13, 1979
- - Aasaaskii JWXO, Agoosto 15, 1984
- - Xasuuqii uu gumaysigu u gaystay shacbiga ku dhaqan magaalooyinka
Wardheer, Godey, Q/dahar, Dhagaxbuur iyo kuwo kale 90-meeyadii.
- - Maalinta Aayo-ka-talinta Somalida Ogaadenya, Febraayo, 15, 1994
Waxaan qormadan si gooni ah ugu xusi doonnaa maalinta aan ku magacaabay
“Maalinta Aayo-ka-talinta”.
Markii ay dhamaatay xilligii kala guurka (xilligii dawladda KMG ee
Itoobiya), waxay shacbiga Soomaliyeed ee ogaadenya go’aansadeen inay
muujiyaan doonistooda siyaasadeed. Doonistaas waxaa saamaxayey dastuurkii
ku-meel-gaadhka ahaa ee Itoobiya. Dastuurku wuxuu ballanqaaday in marka ay
dhamaato muddada DKMG ah uu shacbi walba oo Itoobiya ka tirsan codsan karo
inuu Itoobiya ka sii mid ahaado iyo inuu ka go’o.
Haddaba, baarlamaankii shacbiga somaliyeed ee dalka Ogaadenya ayaa
kal-fadhigii uu ku yeeshay Jig-jiga bishii Febraayo 15keedii , 1994, kaga
dooday mustaqbalka siyaasadeed ee dalka Ogaadenya. Waxaa xil-dhibaanadii ka
soo qaybgalay kal-fadhiga ay soo bandhigeen doonista dadwaynahii ay
matalayeen.
Dood dheer , falanqayn iyo ka fiirsi badan ka dib, waxaa la qaaday cod.
Waxaa aqlibiyad xoog leh uu baarlamaanku ku go’aamiyey in sida uu dhigayo
dastuurka Itoobiya, shacbiga Soomaliyeed ee dalka Ogaadenya laga qaado afti
lagu waydiinayo waxa ay ka doonayaan aayahooda. Maalintaas waxay ahayd
Febraayo 15, 1994. Codkii sidan ayuu u dhacay : Waxaa “Haa” ku codeeyey 102
xildhibaan, waxaa ka aamustay 4 xildhibaan, waxaa maqnaa 9 xubnood (waxay
isugu jireen 3 dawladda xaq darro ugu xidhnaa iyo 6 cudur daar kale ku maqnaa).
Muxuu haddaba, go’aankan kaga duwan yahay go’aamada ama baaqyadii shacbiga
ee waayadii ka horreeyey ?
Sida laga warqabo baarlamaanka xilligaas jiray wuxuu ahaa baarlamaankii
ugu horreeyey uguna dambeeyey ee ay dadwaynuhu si xor ah u soo doortaan.
Dhinaca kalana, wuxuu ahaa kalfadhigaas kii ugu dambeeyey ee ay xildhibaanadu
cabsi la’aan ra’yigooda ay ku dhiibteen. Sidaa darteed, baarlamaanku wuxuu
lahaa awood sharciyeed iyo mid tixgalineed oo uu go’aan ku gaadhi karo. Midda
kale ee iyaduna muhiimka ah waxay ahayd in dooddii iyo codayntii qodobka
labaduba ay u dhaceen si xor ah, xil-dhibaanadana uusan saarayn cadaadis
siyaasadeed iyo mid kale toona oo ka hor istaagi kara inay codkooda iyo
fikirkooda u dhiibtaan siday doonaan.
Dawladda Itoobiya, dabcan kuma farxin go’aankan, waxayna ku noqotay xujo.
Baarlamaankii ay iyadu ansixisay, adduunkana ka buun-buunisay, mayna filayn
inuu go’aamiyo arrin ka soo horjeedda qorshaheeda siyaasadeed ee ay ka lahayd
Ogaadenya.
Itoobiya waxay kaga jawaabtay arrintaas xadhig, handadaad iyo argagixin
loo gaystay madaxdii shacbiga iyo xildhibaanadiiba. Markii damabana dawladda
Itoobiya waxay weerar militari ku qaaday aagaggii ururkii talada dalka hayey
ee JWXO (ONLF). Nasiib darro rajadii iyo nabaddii la filayey halkaas ayay ku
burburtay.
Shirwaynihii 9aad ee jaalliyadaha Soomalida Ogaadenya ee lagu qabtay dalka
Sweden June 27 – 29, 2002, ayaa lagu go’aamiyey in maalintaas, Febraayo, 15,
1994, loo aqoonsado “Maalinta Aayo-ka-talinta” Soomalida Ogaadenya, sanad
walbana shacbigu meel uu joogaba ay u sameeyaan xus.
Go’aanka baarlamaanka ee lagu codsaday in shacbiga afti laga qaado, wuxuu
leeyahay dhamaan astaamihii sharciyeed, maadaama ay go’aamiyeen baarlamaan si
xor ah lagu soo doortay, aqbalaad iyo ansixina ka haystay dadwaynaha,
ururadii siyaasadeed iyo waliba Dawladda Itoobiya nafteeda.
Abdullahi Mahamed
abdullahi_mahamed@yahoo.com