Waxaa mahad u sugnaatay ILAAHAY, Waxaana
habalyo iyo bogaadin u dirayaa somalitalk oo isku kaashatay wanaag iyo
wax u qabad umadda soomaaliyeed, waxaana ka xunahay in ay soo weeraraan kuwo
ah ciyaal malaaciin oo aqoon iyo ixtiraan aan lahayn iyo tarbiyad toona,
oo waliba aan u maleenayo in ay ku koreen meel la isugu keeno ciyaalka aan
aabaha lahayn halkaas oo ay malaha kasoo barteen xasad iyo doqonimo intii ay
ayagu wax samaysan lahaayeen waxay kusoo qarqarayaan maal dad kale, waxaana
kuwaas loogu yeeri karaa ciyaalkii Kacaanka malaaciinta internetka.
Waxaan daah inaga saarneen webabka soomaalida xorta ah
in ay tahay meel ay soomalidu ku gaari karaan horumar, waxaan aad ugu
riyaaqay sidda ay Somalitalk wax ugu qabtaan ILMAHA dhibaataysan ee
soomaaliyeed oo ay dadka ugu soo bandhigaan. ILAAHAY mahad hadinka siiyo iyo abbaal
marin; waxaad ogaataan dhamaan soomalitalk in aad tahiin dad wanaag isku
kaashaday.
Waxaan somalitalk ku arkay gabar madaxa buro kuleh oo
ay mucaawino u raadinayaan taas ayayna ciyaal malaaciintu ka xun yihiin,
waayo waa soomaali wax u qabanaysa soomaali kale oo ay sabna arki karayn
sababtoo ah sidii caynte sheegay qolyahay ciyaal malaaciinta ahi malahan
aabbe kool kooliya oo sidaas daraadeed ma arki karaan ilma la kool koolinayo.
Hadaladii xigmada lahaa ee caynte waxaan ku dari lahaa dhibaatada kelidu keentaa
in ay kamid tahay
colaadin iyo nacayb umadeed oo ay gooni joogu u qaadaan shacabka iyo xasad
doqonimo ah.
Waxaa ku faraxsanahay sida ay somalitalk ugu heelan
tahay dadka soomaaliyeed ee la hayb sooco, taas oo aan qoraalo badan ka
akhriyey websitekiina kuwaas oo aad ii farxad geliyay, waxaana u qaatay in
ciyaal malaaciintu ay taas ka xun yihiin oo aysan arki karin daacad nimada
iyo dadaalka ay la yimaadaan dad soomaaliyeed.
Dadka cadawga ah oo misna calooshooda u raadiyo wax
ay kuridaan iska ilaaliya waa dad aad ku garan kartid mar walba waxay la
dagaalaan dadka u shaqeeyo soomaalida waxaad kaloo ku garan kartaa kuma ay
noola meel sugan waana sida duur joogta wareegta ama fiid meerta oo habeenba meel
bay seexdaan waxaa kaloo ku garan
kartaaan mar walba xumaan doon weeye, masayrowyaal weeye oo si xun u ilbaxay
oo faan badan oo cuqdad kusoo koray, waa kuwo xan badan, oo khiyaamo doqonimo
ah yaqaan ayagoo u malaynaya in aan la heli doonin waase u doqonimo. Ciyaal
malaaciinta isku deyey weerarka somalitalk waxay ku afbarteen raggii kala
duwanaa ee hooyadood u imaan jirey oo ay ximin jireen maadaama uusan aabba
lahayn.
DAWO HASSAN
ekraam_6@hotmail.com