SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

Feb 27, 2004 

War-1-27-Febraayo,04,Nairobi.
Cabdulaahi Yuusuf :-waxaa jira khaladaad yar-yar oo sixid u baahan oo kaliya ee shirka kama...

  • kulan ka dhacey guriga Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland ka degan yahay Nairobi oo ay kasoo qayb galeen wakiilada ka socdey Mareykanka, Sweden, Norway, Ingiriiska ,Ururka Midawga Afrika iyo qaar kale.
Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



FAAQIDAADA CIYAARAHA... GUJI

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
Tan iyo maalintii ansixinta Qoddobada heshiiska ee Qoraalka buuga axdiga iyo dastuurka ee 23-kii bishan ayaa Hogaamiyayaasha ku sugan madasha shirka ee kala ah SRRC-da,TNG-da Mbagathi iyo Ururada Bulshada Qaarkood ayaa sheegayanaya in maalintaasi khalaad dhacey la doonayo in la saxo maalinta Isniintana Ergada Soomaalida ee Kooxahaasi ansixiyaan ka dibna loo gudbo wajiga Seddexaad ee shirka.

Kulan gaar ah oo shaley ku dhexmarey madaxweyne Goboleedka Puntuland iyo Wakiilada Beesha Caalamka iyo Uruka Midawga Afrika oo ka dhacey Guriga uu degan yahay Cabdulaahu Yuusuf ayaa looga hadlay sidii loo sixi lahaa khaladaadkaasi iyo habsami u socodka shirka nabada Soomaalida ee kenya.

Cabdulaahi yuusuf isagoo ku hadlayey Magaca SRRC-da,TNG-da Mbagathi iyo Ururada Bulshada Beesha Caalamka u sheegay in maalintaasi dhaceen khaldaadka kala ah:-

1-Ergada Joogtey Shirweynaha uma dhameyn ansixinta, doodoodana lama dhageysan oo dawlada kenya ayaa iskeed u ansixisay iyadoo cod laga qadin ERgada Rasmiga ah ee shirka wajiga labaad.
2-Dawladaha IGAD oo gaaraya Ilaa lix Dawladood ma ayan joogin oo Kenya iyo Jabuuti oo kalya ayaa Goob joog ahaa.
3-Qoddobka 30-aad ee xulida xubnaha Barlamaanka waxaa la isku ogaa midka wasiirka aarrimha Dibada ee dhigaya xulida xubnaha baarlamaanka waxaa soo xulaya siyaasiyiinta Beelaha ee ka qaybgaley kulankii safari Park iyo siyaado.

Dhanka kale beesha caalamka ayaa ka codsatey in Hogaamiyayaasha ka biyo diidan ansixinta maalintaasi horey u mariyaan heshiiska qodobada shirka la ansixiyey 23-ka bishan.
beesha caalamka ayaa waxay ka loo ka codsatey in ayan u xayirin heshiiska ay soomalida gaareen khaladaad oo ku dhacey si aan ulakas aheyn .

Hogaamiyayaasha iyo siyaasiyiinta kale ayaa doodo iyo dacwo ka qabin ansixinta qodobada heshiiska axdiga iyo dastuurka oo loo gudbo wajiga seddexaad ee awood qaybsiga shirka.

Kooxda G-8-ka ,dawlada KMG iyo golaha samata bixinta qaranka ayaa sheegay in dooda shirweyna hamaalintaasi u dhacay si xaq ah oo cidna afka laga qaban oo la jajuubin.

Dawlada Kenya iyo urur Goboleedka IGAD ayaa wali jawaab ka bixinin khaladaadka ay sheegayaan qaar ka mid ah hogaamiyayaasha SRRC-da.

SRRC-da iyo kooxaha kale ee ku sugan shirka nabada ayaa maanta soo dhaweeyey Qaraarkii ka soo yeeray Golaha Amaanka kaasoo lagu taageerayey heshiiska soomaalida gaareen 29-janaayo iyo diyaarinta ciidanka xabad Ilaalin afrika ee ururka midawga afrika oo la doonayo in la geeyo dhawaan Soomaaliya si u sugaan amaanka una ilaaliyaan heshiiska xabad joojintii soomaalida gaareen 27-bishii Oktoober ee magaalada Eldoret.

kulankii shaley ka dhacey guriga Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntuland mudane Cabdulaahi yuuusuf Axmed wakiilada ka soo qayb galey ayaa kala ahaa Mareykanka , Sweden, Norway, Ingiriiska ,Ururka Midawga Afrika iyo qaar kale.

Kooxda SRRC-da ,TNG-da Mbagath,Ururada Bulshada ayaa lagu wadaa in maalinta Isniinta hogaamiyayasha iyo erkada kooxahaasi kaliya ka doodaan qodobadii heshiiska ka dibna u codeeyaan iyagoo aan la joogin IGAD iyo Beesha caalamka taasoo macno ka ah in ay ergada iyo hogaamiyaasha kale ee kooxaha horey u ansixiyeen heshiiskaasi qodobada maalintii 23-Febraayo,04. [ Eeg halkan...]
dhamaad.
Abdikarim Aden Hussein.
Nairobi,Kenya.
abdikarimhussein@hotmail.com

Feein: SomaliTalk.com | Feb 24, 2004

 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD