Waxaa dunnidda carabta soo maray maxadweynahii
jamaal cabdi naasir oo magac ku lahaa dunidda carabta sidda ay dadka qaarkii
la socdeen, Waxuu siyaasadda ku soo barbaariyay koox saraakiil ciidamada ahaa
oo ka dhashay qaar ka mid ahaa carabta iyo afrikabaa kuwaasi oo intooda
badani hormood ka ahaayeen kacaanadii curtay meelo ka mid ah barigga dhexe
iyo afrika dabayaaqadii sanadihii lixdamaadkii oo ay ka mid ahayd liibiya,
Kornayl macamaral qadaafi oo dadiisu wagaasi ahayd 27 jir waxuu taladda kula
wareegay afgambi melitari boqor idiris,20kii, september 1969kii isagoo
qadaafi markaa ahaa hogaamiyahii kacaankii furushada waynaa "Zowrati-faatixal
cadiim" inkastoo oo qadaafi hurumar dhan kastaba ah ka hirgaliyay dalkiisa,
Waxaaa durbadiiba ka soo ifbaxay markii uu mudo yar maamulka hayay
dareenkiisii runta ahaa ee uu kaga soo horjeeday mabaadiida reer galbeedka
ariktidaasi uu ka dhaxlay kaligii talayahii jamaal cabdinasir, Waxaay qadaafi
ku abuurtay cadaawad kaga timaadda
dhanka reer galbeedka.
Taasina waxaay gayaysiisay in ilaa hadda
siyaasadda arimaha dibada ay qasnaato, Inkastoo barigaasi
Gabood uu ahayd qadaafi awoodii reer bariga
ee xarunteedu ahayd magaaladda moosko, Balse waxaa dardartii kornaylka isa
soo dabtay ilaa iyo intii ay howl gabka noqotay meeshana ka baxday
doorkii ay dunnidda ka ciyaari jirtay
bahwadaagtii warsow oo talax gabtay bilowgii shagaashanaadkii
Barigaasoo uu kala daatay midowgii sofiyati
iyo xulafadiisii, Hadaba waxii mudadaas ka danbeeyay
kornayl qadaafi waxuu ahaa nin dhib
tirsanaayay oo waliba dacaayado anan jirin laga sheegaayay ama habar dugaag
oo idil ay doonayeen inay feentaan, Balse siyaasadiisa ilbaxa ahayd ayay
ahayd midii uu kaga guulaystay qiyaanadda lala damacsanaa waliba isagoo
geesinimo muujiyay waqtigaasi.
Waxaa intaasi uu dheerayd kornayl qadaafi
isagoon haba yaraatee wax hiil ah ka helin dunidda carabta ee uu u
gooniyoobay sidii uu u midayn lahaaa, In kastoo ay jireen dalal fara ku tiris
ah oo iyaga laftooda gacan siin lahaa balse iyaga ayaa waxaa ku habsatay
daruufo la mid ah tan liibiya.
Waxaana tusaale ahaan loo soo qaadan karaa
dalalka suudaan iyo suuriya, Hadaba markii uu xaal sidaa uu dhacay isla
markaana ay meel martay siyaasadii qadaafi ayaa waxuu bilaabay inuu mideeya
afrika meelo ka mid ah, Hindisihaasi cusub waxaa loogu magac daray ama loogu
yeedhay (Pan-Africanism) lagama yaabo mid midha dhala marka laga eego isku
xidhnaan la,aanta iyo kala daadsanaanta shacuubta reer afrika, Dhinaca kalena
hadaan eegno waxaa jirta tan iyo intii ay burburtay maamulkii dalka
soomaaliya ka talin jiray qadaafi waxuu aad ugu howlanaa sidii uu ugu qayb
qaadan lahaa dib uu heshiinta kooxaha soomalida ee xero dafaar shirka ugu
socda sidii ay karaamadooda uu soo ceshan lahayeen laakiinse looma malayo
inay halkaasi wax ka soo baxaan maxaa yeelay halkaasi waxaa ku shirsan
odayaal qawaaro ah oo kala booba umada xoolahooda.
Aqristoow soo guur guurka waa laga deeriyay
meeshii aad dhib ka dareentaa waaa laga gambistaa
lakiinse geediga waa fiicnaa maxaa yeelay
soomalidii hore marka beesha galo geedi waxaay dirsan jirtay sahan, Sahankaas
waxaa loo diri jiray ama lagu aamini jiray ragga ugu war galsan, Laguna
kalsoon yahay warkooda guud ahaan ragaasi waxaay ahaayeen rag xul ah oo
dhinac walbo. Sahanka waxuu qof waliba uu dirsan jiray in uu u soo kuur gallo
hadba cidaasi waxa uu isagu gaar ahaan jecel yahay in uu ogaado in ay
leedahay meesha loo guurayo, Tusaale: reerka lo, dhaqatada ahi iyo kuwa lo,
dhaqatada ahi sahanka isku si uma wada waraysan jirin, Sababtoo ah reer waxaa
dan u ah in meesha loo guurayo ay leedahay xaws iyo biyo, Rerr kale waxaa dan
u ah ama aad uu xiisayaan in ay ogaadaan
in meesha loo guurayo leedahay qaniin, Guuud ahaan qof walibo waxuu sahanka
uu dirsan jiray ama ka wareysan jiray arin iyaga reer ahaan khuseysa si ay uu
hubiyaan meesha ay uu guurayaan in ay tahay meelll ugu wax tar badan meesha
ay ka guurayaan
Hadaba baryahaas waxaa jiray sahankii la
dirsan jiray ayaa ka mid ah dhaqamadda soomalidu kaga tagtay qurbaha balse
waxaa la odhan karaa waa arin aad muhiim u ah oo uu baahan in ay soomaalidu
dib ugu fiirsadaan waayo?Waxaa la odhan karaa ama waxaa haboon in bal dib
loogu fiirasado reerahaan cayka loo kale diidaayo iyadoon wax sahan ah loo
dirin, Waxaa kaloo laga yaabaa in qofka durbaanka kuu tumayaa oo isugu
meeshaa faa,iido ku haaysto, Taasina aan la odhan karin
qof kastaa waa ka faaiidaysayaa ee uu guura
halkaas, reer ama laba reer oo geel isugu faanayo lama tartansiin karo waayo
nin walbaa geeliisa ayaa la fiican waana tan murti soomaliyeed tiraahdo nin
walbaa qumanahiisa ayaa qoorta ugu jira maxaa yeelay qof walbaa isaga ayaa
isla fiican lamana oron karo qof reer hebel ayaa fiican ama fiican, Waxaana
haboon in dadka doodwadaaga ka qayb qataan ayna racaan qamaan bulxan iyo cali
dhuux labadaan nin waxaay ku sheekaystaan dayaxa dushiisa iyadoon la dareemin
ninba ninka kale siduu ugu dhameeya ama xaalada markaa taagan, Balse waxaan
odhan lahaa dadka qaarkood ayaad moodaa inay si toos ah labadaan nin
aflagaado ba,an uu geystaan iyagoo dadka ka faaiidaynaaya dooda socota isla
markaana markaad eegto halkaasi cadaawad xoogan meesha kenan, Wxayaabahaasina
waa meel ka dhac loo gaysto xidigaha
qoraaladda iyagoo arinka mashquul ugu soo dugaalaya ama si dhuumasho iyo
gaadmo sameeyaa.
Hadaba labo nin oo xoolahooda isugu faanaya
inaad la yaabtaan maahan ama geeleesii la guurayo anagoo og habka geediga
dhibka uu leeyahay ama xitaa waxaa lagaga bixi karaa geediga hor iyo gadaal
socodka ah ee haysta soomalida qurbaha joogta, Waayo waxaad arkaysaa qof ilaa
iyo dhowr wadan soo maray ama ka soo guuray oo intaba ku tagay sal fudayd iyo
sahan la,aan, Mid kale waa in soomalida qurbuhu ogaataa in barigii hore
reerka aan ciidanka haysan loo ciidmi jiray oo loo rari jiray loona furi
jiray, Reerka aan gaadiidka haysanna waa loo gaadiid celin jiray, Balse
qurbaha laysumo furo la usumana raro.Aqeriste hadii waxoogaa saluug ihi jiray
waqtiyadii aan wax qoraayay mar walbaa dulqaad iga hooya,, Hadaba aqristoow
waxaa jecelahay inaan idiin soo qabtaa laba tixood ama gabay ay tiriyeen
qamaan bulxan iyo cali dhuux balse aannu ku hor maro tix uu tirayay qamaan
bulxan isagoo duraya cali dhuux, Hadaba qamaan tixdiisii waxuu ku yidhi:
- Dabaylaha xagaagii dhaciyo, Daafigaa
sidaye
- Noo jooji doogiyo sidii, Dirirka cowleede
- Diirkiyo laftuu xulay haduuu,Hadal wax
daawayne
- Dadkane uma sinayn reer tolkay, Dacar ku
noolaaye
- Aana waan ku diirasaday, Ilaah darajo
siiyoowe
- Waaa gobol dillaacid iyo ciil, Dabinta
ruugaaye.
- Aqristoow gabyaagii cali dhuux wuxuu
yidhi:
- Nin ay guushu raacdabo ,waloo laysu
gelayaaye
- Waayeel tashiga loo guraa, Waa
gorgoriyaaye
- Iayadana ha guran-waayina eh ee reeraha
inoo celiya
- Hadii aan gubo oo kale marsho, Oo
dunnidda gaadhsiiyo
- Guxushaagu wuxuu soo baxshaa, tii garaado
ahe
- Gar lay noqo gudoon la iigu shiro ,gabadin
lay jeexo
- Intaad galabta meel joogsataan ,godobta
yeelkeede
- Nin aan shir iyo hemaal lahayni sharaf ka
dheeraaye
- Karuur showleh caanaha ,shamaal looma soo
shubo eh
- Aniga ayay degmada kuu shidhayn, Wanan la
shiilaaye
- Orod aayar sii shubakaxso, Oo shiiqso
garowgaaga.
Aqreiste labadaaas tixood waxaan ka soo
xigtay diwaanka gabayada waxaana rajenayaa inaad ka hesheen labadaas gabay
yahayn ee qamaan iyo cali dhuux, balse dhamaantiinba nabadeey, bye
QORE
Cali diiriye nuur
pilot:::::::london
liibaan33@hotmail.com
Feein: SomaliTalk.com | Feb 24, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan