Hogaamiyayaasha soomaalida ee ka qaybgaley shaley ansixintii iyo u codeyntii
qodobadii dhawaan lagu saxiixay guriga madaxtooyada iyo qoraalkii wasiirka
arrimaha dibada kenya ee 17-kii bishan ayaa ka muujiyey aragtiyo kala duwan.
Hogaamiyayaasha maamulada gobolada ee shabeelada
dhexe iyo maamulka puntland ayaan shaley si toos ah ugu codeyn qodobadii
halkaasi lagu aqriyey oo hogaamiyayaasha iyo ergada kale markii la mariyey ka
dib ansixiyey heshiiskaasi.
Maamulada labadaasi gobol ayaa ku andacoonaya
qodobadan soo socda:-
1-qoddobka 30-aad ee xulida xubnaha baarlamaanka oo ay diidan yihiin in ay
wax ka soo xulaan siyaasi beeleedyada soomaaliyeed ee shirka ka qaybgalaya.
2-ergada shaley codeysay ma aheyn ergada saxda ee waxaa laga soo ururiyey
suuqa xaafada east-light ee magaalada Nairobi.
3-dalalka IGAD ee shirka nabada soomaalida ayaan u dhameyn oo dawlada qaar
ayaa ka maqan ayey ku andacoodeen.
shir maanta ay yeesheen maamuladasi ayaa waxaa looga
hadlayey habkii iyo sidii loo sixi lahaa qodobkaasi oo ay iyagu aaminsan
yihiin in loosoo qoray si ka duwan sidii lagu heshiiyey taasoo ah xulida
xubnaha baarlamaanka waxa xulaya hogaamiyayasha siyaasada ee 25-ka ah.
maamuladaasi ayaa fariin codsi ah u soo diray IGAD iyo Dawlada kenya oo iyaga
shirka guddoominaya fariintaasoo ah in wax laga bedelo qodobkaasi .
ma ayan sheegin haddii codsigooda la diido talaabada ku xigta oo ay qaadi
doonaan.
Hogaamiyayaasha siyaasada ee kale ayaa aaminsan in
laga gudbay wajiga labad ee shirka kaa soo ahaa kan ugu dhib badan. Dhanka
kale beesha caalamka iyo IGAD iyo dawlada Kenya ayaa wali soo saarin
warsaxaafadeed ku aadan ansixintii qodobada heshiiska shaley,walow uu
wasiirka k/xigeenka arrimaha dibada uu sheegay in loo gudbay wajiga seddexaad
ee awood qaybsiga shirka soomaalida.
sidoo kale beesha caalamka ayaa iyana wali soo saarin baaq saxaafadeed oo ku
aadan shirka soomaalida oo haatan maraya maraxalada kala gudubka wajiyada
2-aad iyo sedexaad,in kastoo ay goob joog ka ahaayeen dhamaan beesha caalamka
iyo wakiilada ururda caalamaiga.
shirkaasi waxaa ka maqnaa dawlada itoobiya oo iyadu ka mid ah dawlada safka
hore ee shirka nabada soomaalida oo haatan maraya wajiga ee awood qaybsiga
qabiilada soomaalida ee ka qayb galaya shirka nabada soomaaliya oo 15-bilood
ka socda kenya.
dhamaad.
abdikarim aden hussein.
abdikarimhussein@hotmail.com