Waxaa dhismaha Dalsan ee magaalada bosaso ka furmay dacwad dhexmaraysa
hawlwadeenadii warshada laasqoray [ismacil sh saalax iyo Maxamed
Cabdi[Buraale]iyo xubno isugu jira saamilay iyo qayb ka mid ah aasaasayaashii
warshada.
Labada dhinac waxaa dacwadaan ka dhegeysanaya culimo
kamid ah culimada deegaanka Puntland ugu aqoonta badan oo kala ah:
Sh.C/aadir Nuur Faarax
SH.C/naasir Maxamed
Sh.C/laahi Cali Xaashi
Sh.Axmed Daahir
Sh.bashiir [reer Menosota]
Suldaan C/salaan
iyo xubna kale oo badan
Ugu horeyntii labada dhinac waxaa laga qoray
kalsoonida iyo in ay ku qanci doonaan wixii ka soo baxa ee go,aan ah.
Hadaba waxaa muhiim ah in cid kasta oo danaynaysa
jiritaanka warshada oo ahayd horumar aan u dhigankeeda la gaari karin ay
gacan ka geysato sidii looga badbaadin lahaa burbur ku yimaada warshada.
Mashruucan warshada laasqorey oo ahaa mashruuc gaaray
heer qaaradeed aadna ay ugu amaanaayeen xubnihii hirgeliyey ayaa
burburintiisa waxaa ka dhalan kara in ay adkaato cid danbe oo is aamintaa,
in ay shaqo waayaan dad aan ka yarayn 1000 qof oo isugu qaybsan shaqaale,
gadislay, kaluumeysato iyo kuwo kale o badan iyo in ay bilabato sheegashooyin
maal iwm
ugu danbeyn aqristayaasha waxaan aad u xusuusinayaa
in wada jir looga shaqeeyo badbaadintaa mashruucan oo aan laba isku hayn
faa,iidadiisa.
C/raxmaan M C/laahi
kala xiriir:
kaah_99@hotmail.com
Feein: SomaliTalk.com | Feb 24, 2004