15-sebtembar,03 ayey aheyd maalintii la
ansixiyey qoraalka buugga axdiga iyo dastuurka soomaaliya, maalintaasi
ayaa shirka waxaa ka maqnaa hogaamiyayaasha ka kala tirsan dawlada KMG
iyo Golaha samata bixinta.
Maanta 2dii-duhurnimo ayaa ergada ka qayb galeysa shirka nabada
soomaalida isugu timid qolka weyn ee shirweynha soomaalida ee Mbagathi.
Guddoomiyaha guddiga fududeynta Farsamada IGAD ee shirka soomaalida
muddane Bathuel A.kipligat ayaa ugu horeyntii codsadey in shirka lagu
furo aayada quraan ah, waxaana ka akhriyey sheekh cabdirashiid ,ka dib
waxaa hadalkii qaatey guddoomiyaha oo aqriyey qodobadii iyo heshiiskii
29-janaayo ee guriga madaxtooyada kenya ee kulankii wada tashiga ee
safari park ee u dhaxeeyey 9-janaayo ilaa 29-janaayo, kadib waxa uu
akhriyey qoraalkii 17kii-bishan ee wasiirka arrimaha dibada oo
qodobadaasi faahfaahinayey, intaa ka ka dib waxaa halkaasi haddolo kala
duwan ka soo jeediyey hogaamiyayaasha soomalida ee shirka,
Doodo iyo fikrado ka dib waxaa hadalkii qaatey safiirka dawlada kenya
ee soomaaliya mudane maxamed cabdi afey waxa uu sheegay qodobadii iyo
qoraaladii iyo tirada ergada ay dawlada kenya iyo IGAD ku casuuntay.
Gudoomiyaha ayaa ergada ka codsadey in ay aqoonsiga ergonimada kor u
taagaan,ergadii ayaa kor u taagtey waan la ansixiyey inkastoo
col.cabdulaahi yuusuf iyo salad maxamed jeele ayan u istaagin u codey iyo
heestii soomaaliya toosoo.
hon.moses watamenga, wasiir ku xigeenka arrimaha dibada kenya ayaa si
rasmi ah ugu dhawaaqay in maanta wajiga labad la xiray lana ansixiyey
qoraalka buuga axdiga iyo dastuurka soomalida.
Waxaa goobjoog ka ahaa dhamaan wakiilada beesha caalamaka ,dawaladaha
carabta ,midawga afrika ,midawga yurub, iyo dawlada mareykan .
Dawlada Itoobiya ayaan ka soo qayb galin maanta halka IGAD inteeda
kale u wada dhamaayeen.
dhamaad.
Abdikarim Aden Hussein.
abdikarimhussein@hotmail.com