Waxaa usbuucyadii lasoo
dhaafayba dagaallo ey ka socdeen deegaanka BUUR UKUR oo xuduud la leh
gobolka hiiraan gaar ahaan dhanka bari ee magaalada baladweyne taasoo ey
sababtay kadib markii maleeshiyooyin ka tirsan beesha bariga baladweyne oo
ka duulay dhanka BARI ee magaalada BALADWEYNE ey duullaan ku qaadeen
deegaanka, waa sida ay wararku u dhigeene.
BUUR UKUR oo katirsan
gobolka soomaalida dagto ee itoobiya, deegaankaan oo ey dagan yihiin beesha
lagu soo duuley ayaa waxaa ka dhacay dagaal ey isaga hor imaadeen beesha
soo duushay, waxaana ku dhintay ilaa dhowr iyo toban qofood oo labada
dhinacba ah, halka ey ku dhaawacmeen in ka badan labaatan qof, ayadoo ey
isla maalintiiba beesha duushey ey kusoo laabatay meeshii ey ka duushay,
hase ahaateen dagaaladaan ayaa waxey keeneen in dad xoola dhaqato ah oo ka
tirsanaa beesha BARIGA BALADWEYNE kasoo qaxaan deegaanka kilinka shanaad ee
ey horay xoolaha ugu heysteen. Dhanka kalana sida ay sheegayaan wararka
halkaas ka imanaya waxaa ilaa hadda aan jirin wax waan waan ah oo u
dhaxeeya labada beelood.
Abuukar Yaasiin
abuukarsom@hotmail.com
Muqdisho
Soomaliya