Dadka intooda badani waa ay
hadlaan, laakiin haddii badankooda la weydiiyo “Waa maxay hadal?” waxaa
laga yaabaa in ay qaar la soo boodi lahaayeen “Waa sharqan afka dadka ka
soo baxda!”, markaasna “foori” iyo “qufac” waxyaalo ay ka mid yihiin baa
hadal noqonaya.
Foorida iyo qufaca inta aan laga hadlin
waxaa diimaha ku qoran in aysan dadka keli ahi hadlin ee ay jinniga,
malaa’igaha iyo Rabbi hadlaan. Waxaa kale oo meesha ku jira in aysan
qoraalladu ahayn sharqan afka dadka ka soo baxda, ayna hadal yihiin.
Haddaba hadal macnihiisu ma uu aha
sharqan dadka afkooda laga maqlo, waayo arrimo badan baa diidaya in
hadalka lagu macneeyo sharqan dadka afkooda ka yeerta.
Weligeen intii aynu garaadsanney waa
aynu hadlayney, laakiin waxaa laga yaabaa in aynaan weli aqoon u lahayn
hadalku waxa uu yahay! Sidaas darteed ayeynu maqaal lafoguran waxaynu
kaga jawaabaynaa “Waa maxay hadal?”, taas oo aynu uga jeedno in ay dadku
fahmaan wax kasta oo ay samaynayaan.
Maddaama uu hadalku yahay wax uu qof
kastaa rabo waxaa fiican la barto waxa uu yahay. Soomaalidu waa dad hadal
jecel haddana uu ku yar yahay qof hadalka xaqiisa siiyaa, waa dad
siyaasadda aad ugu waashay haddana uu ku yar yahay qof siyaasadda yaqaan
waxa ay tahay.
Maxamed Siyaad Barre intii uusan
geeriyoon haddii la weydiin lahaa “Waa maxay madaxweyne?” waxaa hubaal ah
in uusan jawaab sax ah keeneen, waayo runtii ma uu fahamsanayn waxa uu
“madaxweyne” yahay! Haddii uu ugu roonaado wuxuu malaha ku jawaabi
”Madaxweyne waa oday ama habar la ammaano oo la waardiyeeyo, oo
sawirkooda dukaan kasta la suro, isla markaas qofkii dhalliila la toogto!”.
Kuwa maanta jabhadaha burcadda ah
hoggaamiya oo jecel in ay madaxweyneyaal soomaaliyeed sheegtaan, oo ay ka
mid yihiin Cabdiqaasim Salaad Xassan iyo Cali Mahdi Maxamed haddii la
weydiiyo “Waa maxay madaxweyne?” wuxuu midka ugu diricsani malaha oran
lahaa “Waa nin jaakad suud ah xiran oo adduunka cawino ka barya, oo dalka
Masar guryo badan ka dhistay, kaas oo markii uu hadlayo ku celceliya
ereyada ‘siyaasi’ iyo ‘madaxweyne’ si loogu maleeyo in uu labadaas
kalmadood asagu u qalmo, isla markaas daroogada iyo carruurta ka
ganacsada”!
Qofku in uu wax uusan aqoon sameeyaa
kuma ay koobna nafleydaas lunsan ee isku cayrsanaya arrin ay ku soo
fashilmeen kuwo baadiyaysnaa oo hortood ku yaacay, kuna fadeexoobey.
Waxaa ceebaha noocaan ah wax ku leh
dadka hadalka jecel, sida warxungeeyo xayn ah oo BBC ka sharqama iyo
qofyow kale ee meelaha qaarkood laga maqlo ama laga akhriyo, oo uu
afkoodu sida habuurgaal u daloolo, laakiin aan dareen iyo garasho u
lahayn in ay ogaadaan “Waa maxay hadal?”, si ay u sameeyaan wax ay
yaqaanniin.
“Afku rag uu daloolaa jiroo, lumay
damiirkiiye”
Waa mir ka mid ahaa gabay uu tiriyey
Caweer Xirsi-Carab, waxaana loo soo daliishan karaa qof kasta oo uu
hadalkiisu afka keli ah ku kooban yahay, ayna muuqato in uusan ka
fakarayn waxa uu ku hadlayaa sida ay u dhisan yihiin iyo ereyada ay ka
kooban yihiin.
Dadku haddii ay og yihiin waxyaalaha ay
samaynayaan waxay gaari karaan guul, laakiin haddii uu qof kastaa wax
uusan ogayn iska sameeyo waxaa dhacaya guuldarrooyin nololeed. Tusaale
yar oo uu nin oday ahi noo sheegay baynu ku xoojinaynaa in hawl kasta ay
ka horrayso in uu qofka qabanayaa og yahay waxa uu samaynayo inta uusan
asaga oo jaahil caaqa ah iska qardojeexin.
Oday qiyaastii 75 sannadood jirey oo
waddan warshadaha ku horreeya 6 sannadood ka ahaa wasiirka arrimaha
debedda ayuu ahaa, wuxuuna khudbad u jeediyey arday casharro siyaada ah
ka dhiganayey meel jaamacad ah ee isla dalkaas ku taal. Asagu cashar ma
uu dhigayn, ee wuxuu aragtiyaha ardada ku kobcinayey waayo’aragnimada uu
ka soo helay shaqadii uu muddada dheer ku jirey.
Wuxuu ku dheeraaday in uusan qofka
siyaasiga ahi u baahnayn in uu cilmi leeyahay, laakiin uu qofkii macallin
ahi u baahan yahay in uu aqoon leeyahay. Wuxuu u arkay in uu siyaasigu u
baahan yahay khabaar keli ah, oo uu ka wadey in uu og yahay dadka uu la
kulmayaa sida ay u fakarayaan iyo in uu og yahay falalka uu samaynayaa
saamaynta ay dadka ku yeelan karaan iyo waxa ay yihiin.
Intaas ka dib wuxuu ka hadlay wax uu
asagu u yaqaan “dunida saddexaad”, wuxuuna sheegay in ay waddannadaas
kharribayso in ay dadka badankoodu qabtaan wax aysan ogayn waxa ay yihiin
iyo waxa ka iman kara.
Intii uu wasiirka ahaa wuxuu sheegay in
uu la kulmay warriiro badan oo dalalkaas dawladohoodu u dhiibteen
arrimaha debedda, wuxuuna sheegay in ay dhammaantood hal arrin ka
sinnaayeen. Arrintaasi waa in uu qofku laan cilmi ah soo akhriyey,
laakiin uusan war ka hayn sida ay u fakarayaan dadka uu la kulmayo iyo
hawlaha uu qabanayaa waxa ay yihiin.
Labo wasiir oo ka kala yimid waddan
carbeed iyo dal Laatiin Amerika ah buu tusaale u soo qaatay, wuxuuna
sheegay in nimankaas malaha shaqada loogu dhiibey in ay haysteen shahaado
jaamacadeed iyo in ay madaxweynaha ama qofkii magacaabay u garteen in uu
booskaas iska taagnaado.
Midkii carabka ahaa wuxuu ka fakarayey
in uu timir iibgeeyo, laakiin kama uu warqabin ninka uu la kulmay in uu
ka yimid dad timirta cuna iyo in kale. Kii Laatiin Ameerika ka yimid
wuxuu u qabey in ay dadku kala amarqaataan, oo hadalkiisu wuxuu ahaa
“Sidaas iyo sidaas yeel, aan sidaas iyo sidaas yeelee!”, mana uu ogayn in
ninka uu la kulmayo aysan shaqadiisu ahayn in uu amarqaato iyo in aysan
arrimaha debeddu kala amarqaadasho ahayn.
Tusaalahaas waxaynu ugu dheeraannay in
aynu ugu gogolxaarno in ay wax kastaa u baahan yihiin in uu qofka ka
shaqaynayaa og yahay waxa ay yihiin inta uusan ku galgalan gelgelin
dhooqo badan. Sida uu ninkaasi siyaasadda waddannadaas ugu dhalliilay in
laga adeejiyey dad aan u qalmin waxaa ku hoosjirta in wax kasta ay hayaan
dad aan ku fiicnay ama aan fahmayn waxa ay faraha kula jiraan, waana
sababta malaha ay u noolaan kari waayeen.
Afrika waddan ka mid ah oo uu haysan
jirey nin keligitaliye ah baa waxaa idaacaddii uu talisku ummaddiisa ku
cabburin jirey waxaa loo dhiibey nin ay xukuumaddu u garatay, waxaana
dabadeed ninkaas naynaas looga dhigay “Weriye ayaan kaa dhigi doonaa”!
Naynaastaas waxaa keenay in uu ninku aad
u tumasho badnaa, oo uu gabdho aan waxba kala ogayn ku shukaansan jirey
“Weriye ayaan kaa dhigi doonaa!”. Degmooyinka iyo tuulooyinka dalka ayuu
inta uu ku soo wareego wuxuu ka soo kaxaysan jirey gabdho uu mid kasta ka
helay sida ay u seexato, oo aan qalin iyo oraah toonna ku suubbanayn in
ay hadlaan.
Haddaba shukaansiga uu ninkaas qooqani
xilkii la saaray dhaafsaday ayaa dhaama qabyaaladda cuqdadda iyo jahliga
riman, iyo weliba shukaansiga caaqnimada ah ee maanta la isku walaaqayo,
oo hadalkii soomaalida xiise iyo xallad ka xayuubiyey!
Hadalku sharqan ma aha ee waa
tillaabooyin ay maskaxdu qaaddo markii uu qofku rabo in uu cid kale
dareenkooda wax ka beddelo. Heerarkaas ay maskaxdu marto oo uu macnahoodu
“hadal” tahay waxaa weel u ah xasuusta, oo aragtida guud, dhismaha
hadalka iyo ereyada lagu aslo ee ay maskaxdu qorshaysay waxay ku shubataa
weelkaas xasuusta, waxaase laga yaabaa in uu qofku warqaad ku qorto
tillaabooyinkii ay maskaxdiisu qaadday.
Kaydkaas xasuusta markii uu hadalku ka
soo baxo wuxuu u gudbayaa intii maqashay xasuustooda. Sida uu hadalka ay
dadku maqleen ula culus yahay baa laga yaabaa in uu xusuustooda iyo
dareenkooda raad ugu reebo.
Marka uu hadalku dadka maqlay
xasuustooda taabto waxay ku sameeyaan fasiraad, oo mid kastaa sida uu u
turjumtey buu u qabaa sidii hadalka loola jeedey, wuxuuna fasiraaddiisa u
kaalmaystaa dareenkiisa u gaarka ah iyo waxyaalihii awal maskaxdiisa ku
jirey.
Haddii ay qofka maskaxdiisa hore ugu
jireen waxyaalo ay la tahay in ay ka hor imanayaan hadalka uu eegga
maqlay waxaa laga yaabaa in uu fasiraad xun qaato, waxaase dhici karta in
uu leeyahay dareen qofnimo oo u sheega in waxyaalihii hore ay ka liteen
hadalka cusub.
Fasiraadda hadalku waa waxa ugu weyn ee
keena ismaandhaafyada iyo dagaallada, waxaana la sheega in uu yar yahay
hadal dantii loola jeedey loo fasiraa. Qof kastaa wuxuu sida badan isu
qabaa in uu fahmey hadal uu maqlay, haddana dadkii kale ee maqlay mid
kastaa wuxuu haystaa fasiraad heerkiisa waafaqsan, oo uu iskula fiican
yahay.
Waxyaalaha awal maskaxda ku haydsanaa
waa arrinta ugu daran ee hadalka cusub u diidda in uu ku nasto oo uu
qanciyo xasuusta qof maqlay. Weliba muddadii ay waxyaalaha hore maskaxdu
ku qanacsanayd haddii ay dheerayd hadalka cusubi xasuusta sahal kuma uu
geli karo, waana arrinta keenta in ay dadka waaweyni isku qallajiyaan
khuraafaadkii ay weligood rimmanaayeen.
Intaas yar waxaynu ku ogaanney in
hadalka iyo maqalka labaduba ay dugsadaan xasuusta, oo qofka hadlayaa
wuxuu weelkaas ka soo shubayaa wax uu awal ku kaydsaday, halka uu midka
maqlayaa difaac iyo kaydin isku dhexwado.
Qof kasta oo hadlayaa wuxuu malaha rabaa
in uu tillaabooyinkaas qaado, laakiin natiijooyinka hadalka ee ay
maskaxda dadku keentaa aad bay u kala duwan yihiin xagga hindisaha, xagga
qaabka, xagga dhismaha iyo xag kasta.
Waxaynu og nahay in xisaabta qofkii ku
takhasusay uu dareen sare u leeyahay sidii u qaadi lahaa tillaabooyin
qurxoon oo aan meelna ka qalloocnayn, oo uu dabadeed hubo in uu gaarayo
guul uu maskaxda ku sii hayo oo sidii dhabbe cad hortiisa uga muuqata.
Waxaa qofkaas ka duwan arday aysan
xisaabtu maskaxdiisa raad ku lahayn, oo aan garanayn dhankii uu
tillaabada kowaad u qaadi lahaa iyo sidii uu ugu sii gudbi lahaa
tillaabooyin uu guul ku gaaro. Ardaygaasi ma uu daawan karo mustaqbalka
hawsha uu faraha kula jiraa in uu guul yahay iyo in uu guuldarro noqonayo,
laakiin wuxuu rabaa in uu wax qabto, oo waa uu iska damagsanayaa.
Cilmigaas cilmi la mid ah ayaa hadalka
dhexdiisa ka jira, oo dad baa tillaabooyinka u qaadaya meel u muuqada.
Baaraandegga tillaabooyinkaas loogu diyaargaroobo laftiisa ayaa lagu kala
cilmi badan yahay, oo dad baa guulaysta, laakiin ay guushoogu ku xiran
tahay in ay helaan xilli dheer oo ay hadalka ku bisleeyaan.
Doodaha degdegta ah oo aan la isu naxayn
markii uu qofku ku jiro ma uu haysto xilli dheer ee uu kaga baaraandego
hadal uu ku guulaysto, waayo waxaa ku imanaya arrimo lama filaan ah ee u
baahan tillaabooyin dhaqso leh. Haddaba waxaa jira dad tillaabooyinkaas
hadalka ee degdegta ah aan ku saxan oo heerarkii ay guusha ku gaari
lahaayeen cilmi u leh sida uu macallinka sayanisku cilmi ugu leeyahay
xisaab kasta oo kedis ah oo lagu luggoynayo.
Culimada hadalka ku xeeldheeri waxay
isku raaceen diyaarinta iyo sheegida hadalku in aysan kala sahlanayn,
waxayna khubaro waaweyni caddeeyeen in markii hadal la jeedinayo uu codka
dadku uu yahay qalabka ugu weyn ee istaajiya hadalka. Sidaas awgeed ayuu
sawdka dadku abuur ahaan u kala tayo sarreeyaa, isla markaas waxaa la
sheegaa in la baran karo sidii uu qofku u hagaajin lahaa codkiisa iyo
qaabka uu hadalka isu raacraaciyo.
Barashadaas waxaa laga wadaa in qofkii
codkiisu dabiici ahaan u fiican yahay uu sii hagaajin karo qaabka uu u
hadlo, isla markaas uu midkii aan codfiicnayni sidiisa si dhaanta u gudbi
karo. Waxbarashada oo dhan baa sidaas ah oo qof kasta waxay ka korisaa
sidii uu ahaa. Siyaasadda nacas jaamacad uga soo baxay waxaa ka badin
kara mid aan wax badan badaran oo dareemaya sida bulshada loo saameeyo,
hadalkuna waa sidaas oo kale oo barasho iyo abuur labadaba wax baa lagaga
faa’iidi karaa.
Markii la hadlayo in dadka lala hadlayo
la qanciyo kuma ay filma in laga hadlo arrin oo hadalkii la diyaariyey la
taxo, ee waxaa qancinta qaybaha ugu muhiimsan ka qaata sida ay codka iyo
dhaqdhaqaaqa hadalku yihiin. Labo erey baa mar waxay ku fiican yihiin in
dhaqso la isugu dhaweeyo, marna waxay ku qurxoon yihiin in la kala
fogeeyo, isla markaas in erey si adag loogu dhawaaqo iyo in la dabciyo
waa in uu qofka hadlayaa dareemi karaa saamaynta ay ku yeelan karto
dareenka dadka maqlaya.
In hadalka dhegaysigiisa laga caajisaa
kuma ay xirna in aan laga helin arrinta uu hadalku ku saabsan yahay oo
aan la jecnayn, ee sida loo sheegayo ayaa ka muhiimsan mawduuca uu
hadalku ku saabsan yahay. Luqadda in uu qofku kala beddelo, oo uusan
ereyada iyo ujeeddooyinka si la dareemi karo ugu noqnoqon iyo in uu codka
noocyeeyaa waxay soo dhawaynayaan in dhegaha loo raariciyo oo aan laga
caajisin.
Qof kasta ee hadlayaa wuxuu rabaa in uu
helo natiijo fiican ee hadalkiisa ka dhalata, waxayna arrintaasi la mid
tahay in uu qofkii muraayad isku eegayaa rabo in ay maddaraddu tusto
asaga oo qurxoon. Haddaba inta aan muraayadda qurur laga raadin waa in uu
awal qofku qurux lahaa ama uu isqurxiyey. Hadalka laftiisa waa in uu
qofku quruxdiisa fahmaa inta uusan dadka ka sugin in ay u soo celiyaan
faham iyo dareen uu ku qanco. Sidaas darteed dadka iyo muraayadahaba
waxaa malaha ka soo noqonaya wixii loo soo bandhigay.
Maqaal hore ee ahaa “Aftahmo iyo
afjuxuunsi” iyo midkaanba waxaynu ku celceliney codka iyo hakaddada
hadalku in ay mudnaan weyn leeyihiin xagga saamaynta dhegaysteyaasha,
waxaana halkaas ka muuqda in waxa la maqlo macaankoodu uusan mawduuca ay
yihiin ku xirnayn ee uu jiro dhadhan kale ee soo jiida dareenka dadka.
Haddaba markii uu qofka hadlayaa rabo in
uu dadka ka farxiyo ama uu ka qosliyo waa in uu dabeecadda hadalka oo
dhan geliyaa farxad, oo waa in uu tartiib u hadlaa asaga oo hadalka
nadiif ka dhigaya, ereyadana kala durkinaya. Haddii uu xanaaq iyo caro
dadka ka raadinayo waa in uusan ereyada dhexdooda ku xuurtiran ee uu
darandoorri u hadlaa. Haddii uu cid ammaanayo ama uu raalligelinayo waa
in uu codka gaabiyaa oo jilciyaa oo dhuubaa. Haddii uu waano, talo,
ballanqaad iyo tacsi ka hadlayo waa in uu codkiisa weyneeyaa, waana in uu
sawdka ka muujiyaa in ay dhab ka yihiin arrimaha uu sheegayaa.
Culimo waaweyn baa waxay qabaan in
hadalka aqoontiisu tiirarka cuskato ay ugu weyn yihiin labo arrimood oo
kala ah in uu qofku aad u khiyaali badan yahay, oo uu togagga hadalka iyo
khiyaaliga xuli karo iyo in uu khiyaaligaas u jili karo sida ugu macaan
ee ay dareenka dadka ugu fuli karaan.
Togagga hadalka iyo khiyaaliga inta
uusan qofku jilin waa in uu dareenkiisa geliyaa in ay run yihiin waxa uu
jili doonaa. “Run” marka aynu leenahay kama aynu wadno runta ay dadka
caadiga ahi isla yaqaanniin ee waxaaynu uga jeednaa in uu rumaysto in ay
fuli karaan khilaayiga iyo jilitaanku oo ay dareenka dadka buuxin karaan,
oo waa in uu qanco qofka hadalka fulinaya laftiisu.
Dadka cilmiga hadalka ku talaxtegey
waxaa ka mid ah mudane Kurt Johannesson, wuxuuna yiri: “Qofku wuxuu dad
qancin karaa markii uu asagu qanco”, waana runtiis oo markii uu qofku
ogaado in uu hadalku geli karo dadka dareenkooda waxaa u kordhaya
qancitaan uu jilitaanka hadalka ugu dhiirranayo si ka xooggan sidii uu
ahaan lahaa haddii walaacsan yahay.
Maqaalkii hore waxaynu ku soo aragnay in
ay aftahmada tiirarkeedu jirka qofka ku qotomaan, oo uu hadalku
kaalmaysto ama eedo sida uu yahay jirka qofka jeedinayaa. Wajiga ayaa ugu
daran meelaha markii hadal la jeedinayo u baahan in ay raacraacaan
midabbada codka iyo oraahaha. Indhuhu codka waa ay ka daran yihiin marka
uu qofku hadlayo, waase haddii ay si habboon u waafaqaan hadalka, isla
markaas jirka kale laftiisu haddii uu kalmadaha ula socdo qaab dareenka
dadka taaban kara wuxuu ka mid yahay qalabka hadalka lagu hirgeliyo.
Qaab kasta ee ay gacnaha qofku u laabmi
karaan ama ay samayn karaan wuxuu saamayn karaa dareenka dadka haddii
lagu beego hadal iyo xilli ku habboon, sidaas awgeed in dhaqdhaqaaqa
jirka dadka dareenkooda lagu beddelaa waxay ka daran tahay in dhawaaq
hadal keli ah la sameeyo.
Tusaaleyaal yaryar ee indhaha baarkooda
ku saabsan ayeynu ku nasanaynaa. Haddii uu qofka hadlayaa indhaha
baalashooda kaduudo ama uu isku dhaweeyo waxay ka caawinaysaa in ay dadku
moodaan in uu caraysan yahay. Markaas haddii uu ereyo xanaaq huwan oo
isku dhowdhow sheego waxaa dadka dareenkooda gelaya ciil ama caro.
Indhaha baalashooda haddii qofka
hadlayaa uu hoos u dhigo oo uu ereyo tiiraayo ku dhafan tahay jiidjiido
waxaa dadka dareenkooda gelaysa murugo. Haddii uu qofku indhaha baarkooda
kor u qaado oo uu ereyo farxad leh sheego waa lagu raaxaysanayaa.
Ninkii gabar shukaansanaya waxaa u
fiican in uu maalmaha hore indhaha baalashooda kor u qaado, oo uu ereyo
farxad leh ku badiyo, waayo in uu gabar ku cusub indhaha baalashooda isku
dhaweeyaa waxay gabadha dareenkeeda gelinaysaa in uu xanaaqi yahay.
Haddii gabar wiil ay jeclayd uu indhaha u kaduudo waa in ay indhaha
baalashooda hoos u dhigto oo ereyo tiiraayo leh tiraahdo, waayo heeshiis
iyo xikmad midna ku ay heli mayso in ay ayaduna indhaha kaduuddo.
Qofka kula hadlaya in aad hadalkiisa ka
rumaysatay iyo in aad ka beensatay in uu kala garan waayo haddii aad
rabtid indhaha baalashooda lama xasiliyo ee kor iyo hoos baa loo wadwadaa,
waayo in hal mar kor ama hoos keli ah loo qaadaa waxay ka jurjumaysaa in
aad oggolaatay ama aad yeeshay. Sidaas awgeed haddii aadan arrinta daacad
ka ahayn indhaha baalashooda lama joojiyo lamana kaduudo ee waa la
dhaqdhaqaajiyaa.
In aad arrin ku yaqyaqsatay ama aad
yasaysid ama aad shuuftey indhaha lagama garan karo, ee bushumaha iyo
sanku waxay dadka u qabtaan hawlo badan oo aan ahayn in wax lagu ursado
ama lagu dhunkado, hadalkaaga iyo faduushaada qayb weyn bay ka
taakulaynayaan haddii aad ereyo ku habboon ku aaddisid.
Jirka oo dhan iyo weliba dharku waxay
hadalka ku sameeyaan saamayn aad u weyn, sidaas darteed adiga oo qoslaya
lagama hadlo arrin murugo leh, waayo waxaa laguu malaynayaa qof liid ah
ee iska nacnac leh.
Nin ka mid ahaa dadka hadalka soo
dabaalbaray oo magaciisa la oran jirey Quintilianus baa wuxuu sheegay
qaab guud ee uu qofka hadlayaa u istaago oo uu jirka ka dhigo markii uu
rabo in uu hadal jeediyo, oo uu taagan yahay.
Wuxuu yiri: “Waa in uusan qofka hadli
doonaa meelna iska qalloocin ee uu toosan yahay. Cagaha waa in uu si
fiican oo siman u dhigaa, waana in uu lugaha xoogaa kala durkiyaa ee
uusan isku dhejin, oo uu midda bidix xoogaa soo hormariyaa, lawyadana waa
in uu toosiyaa, laakiin uusan togin. Garbaha waa in uu aad u jilciyaa oo
uusan iskojin, wajiguna waa in uu daacad caadi ah ka dhigaa. Gacnaha waa
in uusan jirka ku lammaanin ee uu xoogaa iska durkiyaa, isla markaasna uu
bidixda in yar soo horamariyaa. Markii uu hadalka bilaabo waa in uu jirka
iyo hadalka iswaafajiyaa, waxaana dhaqanxumo ah in uu cirka eego, in uu
wajiga meermeeriyo, in uu islafiini muujiyo iyo in uu indhaha baalashooda
kaduudo si ay dadku u moodaan qof miiggan. Jirka nuuxnuuxsigiisa iyo
hadalku waa in ay isu dheellitiran yihiin.”
Talooyinkaas uu Quintilianus bixiyey
waxaa ka dhadhamaya in ay foorjada iyo istustusku hadalka dilaan, oo
jirka iyo codkaba waa in uu qofku si dabiici ah uga faa’iidaysto. Mar uu
caalimkaasi ka digey in dadka xalladda jila ama riwaayadeeya ay hadalka
iyo qaabkiisa adkeeyaan ayaga oo qorux ka raadinaya waxaa la moodaa in uu
ogaa soomaali badan ee allifaad lagu hafraa sida ay u kharribeen hadallo
ay soo bandhigeen.
Dad soomaali ah loo qabo in ay hadal
xallad leh sameeyaan baa waxay isku mashquuliyaan sidii ay hadal aysan
dadku fahmayn ugu soo bandhigi lahaayeen, oo waxay u qabaan in uu
allifaadda macneheedu yahay in la sheego waxyaalo aysan dadku la fahmayn.
Soomaalida maansada tiriya qaarkood
waxay xil iska saaraan in aysan dadku fahmin waxa ay sheegaan, sidaas oo
kale kuwa riwaayado naftooda ku hafraa waxay soo uruursadaan hadallo xujo
ah oo aan xallad noqon karin.
Qaar gabya oo ay shacabku magacooda
yaqaanniin waxay guuxa luuqdooda ku dhexqariyaan hadallo aan jirin, oo
waxaa la moodaa in aysan cidina la xisaabtamayn. Tusaale ahaan waxaad
maqlaysaa kuwo oranaya:
”Geel galabcarraabo ah hadduu, goola
galaloodo”
Waxaas oo kale cajalado ay ka buuxaan
bay dad caamo ahi iska dhegaystaan, waxaana jira dad bulshada dhexdeeda
kaga soo caanbaxay waxyaalo sidaas ah, waana nasiibdarro in uu mujtamicu
sidaas u dimman yahay. ”Goola galaloodo” af soomaali jira ma aha, waxaase
laga yaabaa dadka aan afka ku fiicnayni in ay moodaan in qofka waxaas ku
hadlayaa uu yaqaan af soomaali aysan garanayn oo ay iska dhegaysaan ayaga
oo mahadinaya.
Soomaalidii hore sidaas ma ay ahayn oo
qofku wax kasta ee uu sheegaa waxay ka koobnaayeen ereyo af soomaali ama
af kale ka soo jeeda oo uu rakibkoodu macne buuxa samayn karo, laakiin
laga soo bilaabo toddobaatanaadkii waxaa cajalado laga buuxiyey waxyaalo
mucjiso ah, waxaana ummadda dhexdeeda ka soo ifbaxay niman mirkooda
maanso uu qaar uu ereyo yahay qaarna uu yahay guux maran ama ereyo aan
jirin.
Waxaa kale oo soo batay kuwo taxaya
hadallo ay ereyada ay ka kooban yihiin af soomaali yihiin, laakiin aan
macne iyo nuxur midka ummadda u soo kordhinayn, oo laga yaabo in ay uga
dan lahaayeen in ay dadka aan afka ku fiicnayni moodaan in ay mucjiso
dahsooni hadalkooda ku duugan tahay.
In uu qofku luuq maran la guuxo asaga oo
aan ereyo sheegin iyo in uu isu geeyo kalmado aan faa’iido lahayn waxaan
markii hore u maleeyey in ay daroogooyinku keeneen oo ay dadkaas dhoodhoo
lihi cajaladaha duubayeen ayaga oo siraadanaya, waayo soomaalidii hore
qaad iyo khamro ma ay isticmaali jirin, hase yeesho ee waxaa taas diidaya
in ay dadka Ruushku aad khamrada u cabbaan, haddana uusan qofkooda
maansooda iska guuxin ee uu ereyo macne samaynaya ku hadlo ama uu qoro.
Waxaynu marmar badan ku celceliney in ay
codkarnimadu tahay in uu qofku u hadlo sida ugu faseexsan ee ay dadku
hadalkiisa ugu qanci karaan. Sidaas darteed qof kasta ee inta uu qaad ama
khamro qol yar la galo waxyaalo aan faxeex ahayn dadka u soo bandhigaa
wuxuu waayayaa sifada codkarnimada, waana afgarooc aan caqli badnayn.
Kuwaas kharriban waxaa ka sii daran dad
aan isku kalsoonayn ee BBC laga shaqaaleeyey intii uu kacaankii dhintay
ka dib. Dhibaatada dadkaas badankooda haysataa waa in aysan isku
kalsoonayn, oo aysan af soomaaliga ugu hadli karin sida ay hooyooyinkood
ugu hadli jireen ee ay qof meesha kala shaqeeyaa sida uu u hadlo isku
kallifaan, dabadeedna ay dhegaysteyaashu ku qoslay niman konton dhaafay
ee haddeed afka qalqalloocinaya.
Magaalada Saylac ee Soomaaliya ugu
geesaysa waxaa ka jira lahjad malaha u gaar ah oo tusaale ahaan waxaa ka
mid dhismeyaasha lahjaddaas ”Waxoogaa yar uun ka dib” iyo ”In aanay
dedaalin”. Ninka BBC tifaftiraha looga dhigay iyo mid Cabdiqaasim
caashaqsan ee Xasan Bariiso la yiraahdaa waxay dhismeyaasha Saylac sidaas
looga yaqaan ugu soo barbaareen ”Walax dhinne ka dib” iyo ”In eyan
dadaalin”.
Haddaba malaayiin qaab ee Soomaaliya
geeska ugu fog lagaga hadlo ayey labadaas ruux iyo kuwo kale naftooda ku
kallifaan sidii ay ugu dhawaaqi lahaayeen, waxayna u qabaan in ay kuwa la
midka ah ee meesha kala shaqeeyaa ka fiican yihiin, waana arrin laga
yaxyaxo marka ay sida qaldan ugu dhawaaqayaan ”Waxoogaa yar uun ka dib”,
waayo ”Fardo aadan lahayni lugaha ayey kaa kala fogeeyaan” waa maahmaah
soomaaliyeed.
Waagii ololaha af soomaaliga la wadey
buu nin wuxuu sabuurad ku qoray ”Hal jabtay oo geelii ka hadhay”, wuxuuna
ardada ka codsaday in ay akhriyaan. Markaas ayuu arday ka mid ahaa wuxuu
yiri ”Hal jabtey oo geelii ka hertey”, waxaana canaantay macallinkii oo
yiri ”Waxa meesha ku qoran akhri!”.
Ardaygii buuggiisii buu iridda kala
baxay asaga oo leh ”Afkii hammartey in aan qoraan maha u imaadey”.
Ardaygaas inta la soo qabtay baa xabsi loo taxaabay, waayo waxaa isku
jilib ahaa macallinka iyo madaxweynaha!
Ninkaasi boqolkiiba boqol ayuu ka caqli
badnaa kana karti fiicnaa kuwaas haddeer afka qalqalloocinaya, waxaase
yaab leh in uu BBC tifaftire u yahay nin ”Waxoogaa yar uun” sidii uu ugu
dhawaaqi lahaa la rafayaa! Keligiis ma aha ee dhammaan shaqaalaha cusub
ee idaacadaha waxay dhibaato weyni ka haysataa sidii ay carrabkooda iyo
bushumahooda u waafajin lahaayeen ereyada ”aanay” iyo ”aanu”, waayo
dabankoodu kuma ay kalsoona in ay sidii ay horay ugu yaqiinneen (”eyan
ama aysan” iyo ”uusan” ugu dhawaaqaan!
Waxyaalihii in laga fakaro loo baahnaa
bay dadka sidaas u liitaa garabmarayaa, oo waxay ku tabobaranayaan hawl
aan dan ahayn. Khaladaadka ka buuxa afka idaacadaha lagaga hadlo oo
weliba ku sii faafaya baa la rabey in wax laga qabto ee in uu qof mid
kale lahjaddiisa la kufkacaa waxay muujinaysaa in aysan soomaalidu
nolosha fahmin.
”Ninkaas” iyo ”ninksaasi” qof aan kala
aqoon farqiga u dhexeeya ayaa wuxuu la hadlayaa malaayiin dad ah markaas
ayey carruurta soo koraysaa laaxin foolxun xambaarsanayaan. ”Iyada oo uu
markaasi socdo shirkii soomaalidu” ayaad maqlaysaa maalin kasta iyo
habeen kasta! Bal ”Markaasi” maxaa meeshaas geliyey? Waxaa meeshaas
geliyey dad afka ka hadla ee aan maskaxda ka hadlin, oo aan qaadi karin
masuuliyad ah in ay bulsho la hadlaan. Isku kalsooni iyo aqoon midna in
uusan jirin baa halkaas ka muuqata, oo afka ayaa daloola, maskaxdu waa ay
daboolan tahay.
QORAALADII HORE EE SHAAFICI
Shaafici Xassan Maxamed
E-mail:
mi99mosh@chl.chalmers.se
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 22, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan