Odayaasha Labada dhinac
waqooyi iyo koofurta Galkacyo ayaa wada dadaal lagu daminayo dagaal ka
dhacay meesha loo yaqaano Saaxa qurun oo ka tirsan Degmada
Goldogob,dagaalkaas oo dhex maray reerr guuraa wada dega deegaankaas oo
kala ah jilibyada ay ka dhasheen Hogaamiye kooxeedka Cismaan Xasan cali
Caato iyo Madexweynaha Dowlada Goboleedka Puntland Col.Cabdullaahi Yuusuf
Axmed,Dagaalkaas oo inta la xaqiijiyay ay ku dhinteen ilaa afar qof oo
labada dhinaca.
Waxgarad,culumaaudiin iyo Siyaasiin ka
tirsan labadaa beelood ayaa maalmaahan u socdeen wada hadal lagu soo
afjarayo xasaradaas,iyadoo beesha Cismaan Caato ku eedaysay maamulka
Puntland inay ku lug lahaayeen dagalkas oo ay yiraahdeen Tikniko ay
leedahay maamul goboleedka ayaa ka qayb qaatay dagaalkii dhexmaray labada
beelood reer guuraagooda,balse waxaa si wayn isaga fogeeyay eedaas nin u
hadlay dowlad goboleedka Puntland oo yiri marna ciidanka dowladda iyo
qalabkeedu kama qayb qaadan dagaal udhexeeya labo belood oo derisa.
Tuulada saxa qurun oo ka tirsan Degmada
Goldogob ayaa ilaa shalay deganayd oo ayna ka jirin wax dagaala tan iyo
markii meel udhow ay isku hardiyeen beelo ku murmay daaqsinka aagaas.
Cabdi Xasan Somalitalk.Com/Muqdisho
abdi172@hotmail.com
Feein: SomaliTalk.com | Feb 22, 2004