SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SPR

Feb 22, 2004 

SOMALI PEACE RALLY

Galkaio, Somalia, Febraayo 22kii 2004


PRESS RELEASE
SPR/INFltlk/M2/195/2004


GAROOWE: XAARAAN LAGU DIRIR, XAQNA FEERO KA DILLAAC

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



FAAQIDAADA CIYAARAHA... GUJI

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
Galkaio City, Somalia, Febraaryo 22kii 2004 – Somali Peace Rally – Mar haddii lagu tunto dastuurkii, caddaaladdii, sharciyadda guud iyo nidaamka dawliga ah, mar haddii hantida qaranku noqoto mid jeebka ugu jirta shakhsi iyo koox qawlaysato ah, mar haddii tuug khasnaji noqdo, mar haddii ciyaal-suuq wasiir noqdo, mar haddii labo alifle mudane sare noqdo, mar haddii dammiir laawe oo dhami dawlad noqdo, soo maxsuulka ma aha tan maanta ka muuqata Puntland, awr ka u horreeya iyo kan u dambeeya la isku xariirshay.

Labadii xaaraan ku heshiisaa xaqay ku dirirtaa. Waa maxay wasiirrada cararaya, waa maxay wasiirrada sheegaya runta aan loogaga baran, "meeshu waa boqortooyo, xakun-kororsigu waa khalad iwm".

Waxaa mar aan fogayn SPR sheegtay inuusan macno samaynayn sharci kororsiga Kornel Abdullahi Yussuf, waxaa taas noogaga markhaati kacay ragga ugu hilan kuwa u adeega Kornel Cabdullahi. Eeg qoraalka ku saabsan cabashada ninka lagu magacaabo Cabdiraxmaan Faroole ee ku soo baxay shabakada Punbtlandpost 21/2/04. Xaqii afka laga daboolaa feeruhuu ka dillaacaa. Soo kuwaas wasiirradii Kornel Abdullahi u markhaati furay SPR.

Ninka uu Kornel Cabdullahi u magacaaban Wasiirka dekadaha iyo kulumaysiga, Shaahdoon, oo wasiir magac u yaal ahaa, ayaa sheegay in dhawaan in uu damcay inuu hor istaago Cabdullahi iyo kooxdiisa ee sharciyaystay xaalufinta badaha soomaliyeed. Waxaanse shaki ku jirin in xaalkiisu ku dambayn “annagaa awalba wax kaa dhignay ee maxaa Shaah-doon ahaa”, sidda dhaqanka u ah Cabdullahi iyo kooxdiisa. Balse su-aasha waxa ay tahay, Shaadoon ma ku adkeysan doonaa in uu fashiliyo “dhaca iyo xaalufinta” har iyo habeen lagu wado badaha soomaliyeed.

Wasiir kale ee Kornel Cabdullahi ee xulsaartay soo aruurinta maaliyada masaakiinta ee loo jiheeyo burburka Puntland iyo Somaliya, ee lagu magacaabo Cabdirahman Faroole ayaa isna dhawaan mujiyey in uu ka soo horjeedo kordhinta waqtiga dawlad aan awalba jirin. Balse waa la ogyahay ujeedadiisa gurya dhisadka Garoowe ku foorarta. Su-aasha taagan waa: Faroole oo isku haysta Garoowe iyo lacagta canshuurta uma sahlanaan doonto Kornel Cabdullahi inuu xakameeyo

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ninka ugu magaacaban Kornel Cabdulli madaxweyne ku xigeen, Maxamed Cabdi-xaashi, in sababta uu kornel Cabdullahi u ag-fahdiyo oo aysan is-jeclayn ay tahay mid uu “ tolkiis ku cariiqsi” ku muujinayo.

Kornel Cabdullahi waa "madaxweyne mar un i dhaha" xaalkiisa. Xamar baa yoolkiisu ahaa, Xamarna waxaa ka soo baxay Saajin-doo kale, oo yiri, “mahaani labo saajin-doo ma wada qaaddo”. Putland oo ku dacaysata in Cabdullahi Xamar ka aado, xitaa kuwa Kornaylka taageera, waxay u fadhidaa tacsi.

Ilaahay ummad Soomaaliyeed dhibta ku habsatay ha-ka qaado, Amiin!

sprally@hotmail.com

 QORAALADII HORE EE SPR

Feein: SomaliTalk.com | Feb 22, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD