Febraayo 21, 2004
Bahda SomaliTalk oo ku daba Jira Raadkii
Qofkii Linkiga Khaldan Ku Hagey Bogga SomaliTalk.com
SomaliTalk.com (Feb 21, 2004): Ugu horayn
bahda SomaliTalk waxay akhristayaasha u xaqiijinayaan in aan waxba ka jirin
sheegashadii ku qorayd baal lagu xiriiriyey SomaliTalk taas oo ahayd in
Somalitalk ay la wareegeen. Arintaas oo aan waafaqsanayd sharciga UK, Canada
iyo USA, waxaan ku daba jiraa ciddii ka dambaysey.
Tan kale waxaan akhristayaasha SomaliTalk u
xaqiijineynaa in macluumaadkii SomaliTalk ku kaydsanaa aysan waxba ka dhumin,
waxa ay sameeyeena uu ahaa in ay link khalad ah ku hageen bogga laga soo galo
website-ka. Macluumaadka SomaliTalk hore ayaan uga taxadaray meel ammaan ah
ayeyna ku xafidan yihiin.
Hadda waxaa ugu muhiimsan ee aan ku daba
jiraa raadka cinwaanka IP Addreska ama Internetka uu adeegsadey ama cinwaanka
qofkii lahaa computerka loo adeegsadey in arintaas lagu fuliyo.
Akhbaartii maanta ee SomaliTalk waxaad kala
socon kartaa SOMALIATALK.COM
CINWAANKA
xxx 12 street, mpls, mn US 55403:
Wadada uu deggan yahay qofka leh VISAda loo isticmaalay in lagu leexsado
cinwaanka SomaliTalk. Waxaan haynaa magaca qofka VISAda lagaa iyo
cinwaankiisa oo buuxa, haddii loo baahdona gurigaas sawir ayaan kasoo
qaadi doonaa. |
Ilaa hadda waxaanhelay CREDIT CARD-ka qofkii
qoraalka khaladan kusoo qoray bogga, VISAdiisa ayaana u gudbin doonaa
hay'adaha ammaanka ee la dagaalama carqalada Internetka dadka u geysta.
lambarada Visada qofkaas qaybteeda ugu dambaysa waa sidan VISA
xxxxxxxxxxxx5509 , Visada oo dheceysa bisha11 ee sannadka 2006,
Visadaas oo ay Feb 20, 2004 u isticmaaleen in ay ku furtaan baalka ay ku
hageen bogga somalitalk (eeg sawirka dhanka midig wadada uu qofkaasi deggan
yahay), sidee durbadiiba taas ku hesheen ayaa dhici karta in aad
isweydiisaan, jawaabtu waa "[Waxaa Allah mahadiis ah in aysan wax aqoon ah u
lahayn Internetka oo ay maqleen waxbaa HACKING lagu sameeyaa", waana u seeta
dheerayneynaa ilaa caawa si ay bogga ugu soo laabtaan oo markaas loo helo
cinwaankooda oo sax ah.
Bahda SomaliTalk waxay akhristaasha u
sheegayaan in Saxaafada xorta ah ee adduunka aaney jirin cid is hor taagi
karta, waxaana idiinku bishaarayneynaa in dad badan oo Soomaaliyeed ay
cilmiga Internetka aad u barteen, kana gaareen meekhaan, taasoo aan u ogolaan
doonin ciddii sidaan oo kale ah in ay ku guulaystaan riyadooda.
Akhbaartii somalitalk ee maanta kala soco
SOMALIATALK.COM
Mahadsanidin
Somalitalk.com
Faafin: SomaliTalk.com |Feb 21,
2004
.
XAMAR DAAWO DACALLADA...
SAWIRRO....
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|