qormadaydan cusub waxaan ka bilaabayaa su'aal ah
horta Abdiwahid ma maraykan baa? Maxaa yeelay wuxuu u hadlaa sida Bush oo
waatuu Bush yiri ama na soo raac ama waxaad tahay argagixiso, sidaas oo kale
ayuu Abdiwahidna qofkii yiraahda war anigu madiix iyo baroor diiq midna ma
rabo, wuxuu isku dayaa inuu ku tiimbareeyo in qofkaasi yahay taageere A/hi
Yusuf.
Hase ahaatee ma uu sheegi karo sifa kale oo uu qofku
heesihiisa dhegayso ama ha dhegaysantaa ku nici karo, waa nin markuu rabo
iska maansooda oo aan la socon inay maansadu leedahay fure iyo xire, hal
maalin gudaheed ayuu haduu rabo todoba jeer iska maansoodaa ilayn waa macalin
maansada eh, shabagadda internetkuna haddii ay damiir aadaminimo lahaan
lahayd waa ay diidi lahayd in Abdiwaxid wax ku qoro, wuxuusan faham sanayn in
haddii shan qof arini soo dhex marto uu guddoonku noqonayo wixii seddex qof
isku raacdo, labada hartayna ay ku khasban yihiin inay tixgeliyaan waxa dadka
badankiisu doortay, wuxuu Abdiwaxid isku sifeeyaa reer magaal, aqoonyahan,
shiikh, siyaasi iyo waxgarad, markaa haddii uu intaas oo dhan isku qaatay
haddee waxay ahayd inuu Kenya aado oo madaxweyne isu sharraxo, ilaahse reer
magaal inkama dhigo marba haddii uu Abdiwaid reer magaal yahay.
Waa nin ay ku yaaliin nabarro qoyan oo buka oo
belaayo iyo carun ka shubmayso, hase yeeshee lama yaqaan cidda dhibkaas
gaarsiisay, dhacdada halkaas gaarsiisayna waa uu qarsadaa , noolihii
uuraystaa mar uun buu dhalaa, marka Abdiwaxid goormaad dhalaysaa? Mise
isasidadkaagaad ku iilanaysaa?
Cadde Muusow ma arag tahay, Khadiijow ma arag tahay,
walaalow ma arag tahay, belaayoy ma arag tahay, Xamarey ma arag tahay,
dawladdaan dhisay ma arag tahay, Carta maxay u baaba'day, Ethiopia waa daba
dhilif, Ingiriisku waa kacaan, adeerkay waa mulxid, wahwaah waxaasaa murti
ah, waxaanse kuu sheegayaa in furahaagii la helay oo waxa kaa dhawaajinaya oo
aad la ooyeysaa inay tahay ceelkii aad ka cabi jiray oo xabaalmay, iska aamus
waa lagu waraabine in kastoo biyo ceel harti ay adiga suntaada yihiin horeyna
aadan u cabi jirin, waana aan la socdaa inaan madaxaagu juustoobin ilaa aad
biyo webi cabto, cara hartina webi lagama helo, markaa adeer asqadaada iskala
hinraag ama orodoo dee Jubba u aroor!!!!!!!!!!
Abdiwelli Farah Shire
welli6@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com |Feb 21,
2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Ilmo adeer waa intii
is taqaan, waa jawaabtii C/Waaxid maxaa si ka ah
Qore: C/Waaxid Khaliif
Akhristayaal habayn baa Cali Aadan (Cali-Dhuux) oo rag iskala
kaftamaya uu haweenay uu qabay oo Muhiyo la oran jiray ka
Guji Feb 20
Cabdiwaxid Cabdullahi Khaliif, ma qof dhan oo fayoowbaa,
mise waxbaa si ka ah?
Qore: Abdiwelli
Farah Shire
Abdiwaxid xalaal barqo baa la qashaaye na taabsii wax micno leh oo
aannu kugu ayidno?..
Guji Feb 19
Jawaabtii c/waxid
khaliif, cade muuse hishiiska waa uu ku khasbanaa
Qore: asad cabdi gufure
ugu horayn qore, C/Waaxid
Khaliif xaq buu uleeyahay in uu qaabka uu u arko saxda uu rayigiisa udhigo,
waayo waxaan aamin
Guji Feb 17
.
XAMAR DAAWO DACALLADA...
SAWIRRO....