Wasiirka Arrimaha dibada Kenya Muddane Kalonzo Musyoka ayaa shaley qoraal
uu ka soo saaray xafiiska hogaamiyayaasha Soomaaliyeed ee kaqaybgalaya
shirka nabada Soomaalida ee ka socda kenya qoraal ugu sheegay in jiraan
khalaad yar-yar oo ku saabsan qodobadii dhawaan hogamiyayaasha soomaalida
ku saxiixeen guriga madaxtooyada ee dalka kenya 29-Janaayo,04.
Wasiirka ayaa khaladaad kaasi ku sheegay kuwa aan loo xayiri karin
dawlad ama Baarlamaan Soomaaliyeed la doonayo shacab ku soo jiray dagaal
sokeeye muddo 14-sanno ah.
Wasiirka ayaa ka codsadey hogaamiyaasha Soomaalida iyo ergada shirka
in ay u gudbaan wajiga Sedexaad ee Awood qaybsiga si dhowaan ummada
soomaaliyeed dawlad u hesho.
Dhanka kale wasiirka ayaan qoraalkiisa ku sheegin hadallo kulkul oo ku
aadan cidii codsigaa ka hortimaada waxa laga yeelo doono. [sidii uu hore
arintaas uga hanjabay].
Wasiirka ayaa ugu danbeyn ka codsadey in Soomalida ka qayb galeysa
shirka nabada iyaga dhistaan dawlad iyo baarlamaan ,caalamkana uu
taageeri doono dawlad ka dhalata shirka nabada soomaalida ee kenya ka
socda haatan 15-bilood.
dhamaad.
Abdikarim Aden Hussein.
Nairobi,Kenya.
abdikarimhussein@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 18, 2004
Xoghayaha Arimaha horumarinta Sweden oo la kulantay
Hogaamiyayaasha kooxaha Soomaalida
Warbixintii Abdikarim Aden..Guji