1) Waxaa lagu yaqan inuu yahay Axad Ilaahay
kabaqa, Rasuulkiisana raaca.2)
Wauxuu aad uga warqabaa baahida reerkiisa: Xagga, Diinta, maalka, ama
Mooraalka.
3) Xaaskiisu way ku faraxdaa marka uu
guriga soogalo.
4) Waakan dhisa culuumta iyo caqliga
reerkiisa, isla markaasna saxa caadooyinkooda.
5) Ma aha mid dila xaaskiisa, ma-caayo,
mana xaqiro.
6) Makeeno gurigiisa shay aan Ilaah
raalli ka ahayn, mana geeyo reerkiisa goob Alle uusan jeclayn.
7) Waa kan had iyo goor daaweeya qalbiga
xaaskiisa.
8) Marka uu maamulayo arrimaha reerkiisa,
ma aha BAKHIIL iyo XAASID.
9) Ma aha qof neceb qaraabada
xaaskiisa(sabab sharci ah la’aanteed).
10) Kama hagrado xaaskiisa waxa nafteeda
u roon oo aadduunyo ah(awoodiisa)
11) Waa kan xusuusta rabbigii abuurtay
markuu maamulayo reerkiisa.
12) Wuxuu had iyo jeer ka dalbaa cafis
xaaskiisa, maadaama uusan dhammayn Karin xaqeeda.
13) Waakan ugu yeera xaaskiisa
naynaasaha tan ugu wanaagsan.
14) Maalka reerkiisu u baahi qabo waakan
aan ku bixin meelo kale oo aan fiicnayn.
15) Waxaa lagu yaqaan in xaaskiisu
kuxiran tahay, gabdhaha AKHLAAQDA iyo DIINTA ku sifoobay.
16) Gurigiisa waxaa laga yaqaan jacaylka
islaamka iyo ehelkiisa.
17) Kuma yiraahdo xaaskiisa “Waad fool-xuntahay
& Waan ku-necbahay”.
18) Sidoo kale ma habaaro xaaskiisa.
19) Markay jirran-tahay iyo markay
culus-tahay wuu u-khidmeeyaa xaaskiisa.
20) Waakan ka abaal mariya ugana mahad
naqa xaaskiisa dadaalkeeda.
21) Wuxuu baraa carruurtiisa xaqa
hooyadood iyo in ay ushaqeeyaan.
22) Wuxuu u caddeeyaa xaaskiisa in
gurigu iyada kutaagan yahay.
23) Waa kan tusa xaaskiisa in isaga
waalidkiis iyo iyada keedu isku mid u yihiin.
24) Makeeno gurigiisa MARTI xun.
25) Wuxuu dhisaa diinta xaaskiisa iyo
ubadkiisa.
26) Ficil xun iyo hadal xun kuma
horsameeyo reerkiisa.
27) Waxaa lagu arkaa reerkiisa goobaha
khayrka sida: MASAAJIDKA & MALCAAMADA.
28) Ciyaalkiisu lama aha saaxiibbo kuwa
dhaqanka iyo diinta gurracan.
29) Kama shaqeeyo meel xaaraan ah,
gurigiisana lagama cuno..cunto xaaraan ah.
30) Mageeyo reerkiisa goobaha lagu-so-
jeedo iyadoo Ilaah lacaasinayo.
31) Gurigiisa lagama xirto dharka
qarriban.
32) Reerkiisu madhibo dariska mana
sheegaan beenta.
33) Wuxuu ka-fakaraa danaha Muslinka iyo
Soomaalida.
34) Qawl-kiisa iyo ficilkiisu waa isku
mid.
35) Ma aha qof ku takhasusay qurxinta
QABYAALADDA.
36) Xaaskiisu ugama baqdo sidii
dhurwaaga oo kale.
37) Ma aha qof caro badan oo dabeecad
xun.
38) Waa nin badanaaba gurigiisa laga
helo.
39) Waa kan aan ka-fakarin calooshiisa,
dharkiisa iyo hurdadiisa oo kaliya.
40) Dadka maxanto, majaajuuso sidoo kale
iskuma diro.
41) Waakan xaaskiisu usheegan karto waxa
baahideedu tahay, dhakhsana uga hesho.
Qore: Maxamed Axmed,
Toronto, Canada.
alhudaa1@yahoo.ca
»»
SIFAADKA
SOOWJADA SAALIXADDA AH [Maxamed
A.]
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 17, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan