w w w . S o m a l i
T a l k . c o m
|
SOMALITALK
- KENYA
|
Feb 17, 2004
War-1-16-Feb,04,Nairobi.
Xoghayaha Arimaha horumarinta Sweden
oo la kulantay Hogaamiyayaasha kooxaha Soomaalida
shaley ayaa kulan gooni ah la yeelatay Ainta soder oo ah haweney ka
socotey wasaaradda arrimaha dibada Swden ahna Xoghayaha horumarinta
deeqaha wadanka Sweden dhamaan Hogaamiyayaasha Soomaalida ee shirka
nabada uga socda dalka kenya.
Dawlada Sweden ayaa ah Dawladaha ugu deeq bixinta badan ee shirka dib u
heshiisiinta Soomaalida ee 15-bilood ka socdey wadanka kenya.
Haweeneydaasi ayaa ka socdey wasaarada arrimhaha dibada shaley qado
sharaf ugu sameysay Holidey Inn Hotel ee magalaada Nairiobi dhamaan
hogaamiyayaasha soomaalida ee ka qayb galaya wadahadalada nabada ee
soomaalida.
kulankaasi Anita sodre ayaa gooni u ahaa kooxaha soomaalida ee kala ah
SRRC,G-8,Golaha badbaadada iyo Dawlada KMG,waxayna ka wada hadleen sidii
loo sii horumarin lahaa heshiiskii dhawaan 29-janaayo lagu saxiixay
guriga Madaxtooyada dalka Kenya.
haweneyda ayaa ujeedadeedda kulanaka aheyd in ay ogaato khilaafka keenay
in la ansixinwaayo qoddobadii ay hogaamiyayaasha gacantoodsa ku saxiixeen
heshiiskii 29-janaayo.04.
kooxda SRRC ayaa ku doodey in uu u xayiran yahay ergada SRRC oo diidan
qodobka 30-aad ee xulida xubnaha baarlamaanka ee shirka nabada
Soomaalida,kooxaha kale ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in la gudbiyo
ama loo codeeyo lana ansixiyo Buuga axdiga iyo datuurka Soomaalida KMG ee
shirka Nabada Soomaalida u xayiran yahay muddo ku dhowaad 6-bilood.
khilaafka Buugan ayaa la isku raacsan yahay 93-qodob marka laga reebo
qoddobka 30-aad ee xuilida xubnaha baarlamaanka ee beelaha Soomaalida ka
qayb gali doono Baarlamaanka la doonayo in laga dhiso shirka Nabada
Soomaalida oo kenya ka socda muddo 15-billod ah.
Anika Sodre ayaa mar ay la hadlaysa qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha u
sheegtay inay intuu shirka Soomaalida socdayba dowladeeda la garab
taagnayd taageero dhan kasta ah sidaas aawgeedna taageerada ay bixiyaan u
adeegsan doonaan qaabab kale oo ka duwan kuwii hore.
Kulankaasi waxaa ka soo qayb galay kooxo ka kala socday DKMG ah
dhinaceeda wasiirka madaxtooyada Cali-baashi X. Max'ud,
NSC(Samata-bixinta)oo ay ka yimaadeen Faarax Wehliye Cadow,C/llaahi Adan
Axmed, iyo C/llaahi Geedi SHadoor, kooxda G8 waxaa iyadana ka socday
Max'ed Qan-yare Arax, Mowliid Macaane, iyo Cumar Finish,kooxda SRRC oo ku
timid tiro ilaa toban xubnood ah ayaa waxaa ka mid Xuseen Max'ed Caydiid
oo isaga ah Guddoomiyaha xilliga ee ururkaas, Col. C/llaahi Yuusuf Axmed,
Max'ed Aadan Waayeel, Xasan Abshir Faarax, Hilowle Iimaan Cumar iyo rag
kale, dhinaca Sweden ayaa waxaa ku wehliyay Anika Sodre waxaa ka mid ah
xubno ka tirsan wafdigeeda oo qaabilsan arrimha deeqaha Afrika ee dalka
Sweden.
Rajada weyn ee shacabka soomaalida oo uu ka qabo shirkan ayaa ah in
Dawlada caadil ah laga helo laguna soo afjaro dagaalkii sokeeye oo
soomaalida oo socdey 14-sanno ugu danbeeyey
dhamaad.
Abdikarim Aden Hussein.
Nairobi,Kenya.
abdikarimhussein@hotmail.com
Feein: SomaliTalk.com | Feb 17, 2004
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|
©
www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
|
>>
Usheeg Asxaabtaada
|
|
Allah Is Great
|
January 20, 125
|
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana
dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri
XAAFID QUR'AAN
Cabdul
Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo
wacdaro
muujiyey GUJI
|
|