Waxaan aadney gurigoodii, waxaan garaacney
albaabka. Guriga waxaa kamuuqato wax la’aanta dadka meesha dagan.
Walaalkeed ayaa albaabka naga furey.Wuxuu ahaa wiil muruqyo w/weyn.
Aragtida walaalkeed ayey lafaraxdey ayadoo wajiga iska feydey una dhoola
cadeyneyso. Laakinse,walaalkeed wuxuu kusuganyahey xaalado kala duwan,
dhan wuxuu kufaraxsanyahey walaashiis oo soo noqotey maadama ay bad qabto,
dhana wuxuu layabanyahey dharka madow ee ay qabto ee jirkeeda oo dhan
qariyey.
Guriga ayey horey ugashey ayadoo garabka haysata
walaalkeed; anigiina inta kasoo daba galey ayaan iska fariistey qolka
fadhiga.
Gudaha ayey usii gudubtey. Waxan maqla ayagoo
kuwada hadlaya afka Russsianka oo sida marar badan iqabsateyba aan waxba
ka fahmaynin. Waxaanse sii maqlaya inuu hadalkii sii kulalaanayo iyo cod
sii khafiifaya… mise ayagoo dhan waxaay isugu tageen oo ay kuqaylinayaan
gabadhii oo ayana isku dayeysa inaay isdifaacdo. Waxaay kujirtaa kan
ujawaab… kaas ujawaab kujirta. Waxaan dareemey inaay meeshan shar food
leedahey laakiinse waxan hubo wali mahayo mar hadaanan luuqada fahmeynin
amase aanan ujeedin waxa ay sameynayaan.
Haddii aan waxyar joogay; waxaan maqley hunu-hunu
iyo dad kusoo abaaran qolkii aan kujirey, mise, sedex wiil ayaa soo
gashey oo uu hor socdo nin dhex-dhexaad ah. Waxaan uqaatey markii hore
inaay uyimaadeen inaay isoo dhaweynayaan, maadama aan aheyn walaashood
ninka qabey.
Hal mar ayey igu soo boodeen sidii bahalka oo
kale! Soo dhaweyntii waxaay isu badashey feer iyo laad.
Waxan bilaabey inaan isdifaaco anigoo dhana qaylo
afka furtey ilaa aan ka tabar dhigey oo aan umaleeyey gurigan dhexdiisa
inaay tahey meeshii aduunyo iigu danbeysey! Laadkii iyo feerkii ayaa igu
socda anigoo hadba maciinsada dhankale ee jirka markan dhan kadaalo.
Waxaan isha laraacey albabkii aan kasoo galey,
anigoo dhana isdifaacaya. Ishayda waxaay kudhacday albabkii, inta
istaagey ayaan orad isasii daayey ayagoo idaba ordaya ayaan iskala baxney
iridka guriga.Waxaan kagaga dhexdhuuntey dadka suuqa marayey.
Markii aan ogaadey inaay iga hareen , ayaan afka
saarey hotelkii aan daganeyn oo aan sidaas ugu sii fogeyn meesha.
Afka , sanka iyo wajiga oo dhan waxaa iga da’aya
dhiig. Dharkii hasheegin. Dhiigii ayaan iska dhaqay. Allah ayaana
kumahadiyey iga soo badbaadiyey wuxuushtaas.
Anigii badbaadayey tallow maxaa kudhacay gabadhii!
Malagayaaba inaay kudhaceen waxa igu dhacey mise! Sawirkeeda ayaa isoo hor
istaaga ayadoo isoo eegeysa. Anigoo nin ah ayaa udul qaadanwayey ee
kawaran ayadoo dumar ah… Macquul inaay udhimatey.
Malaha waa markii isu kaayo danbeysay!
Waxa igu soo xaadirey waswaas iyo cabsi. Waxaan
kabaqey inaay dib ugu noqoto diinteedii hore! Maxaan sameeya? Xageen
kabilaabaa? Waxaa intaas iiga daran nafteyda oo aan wali amin aheyn;
wadamadan haddii lagu dilo cidi kuma ogaaneyso oo naftu qeymo kamalaha!
Waxaa macquul ah inaay iga adeejiyaan qofkale.
Qolkii ayaan isku soo xirey ilaa uu waaga
kabaryey anigoo argagaxsan.
Dharka inta iska badaley ayaan ubaxay bal inaan
soo xansado xaaladeeda meeshii ay kudanbeysey. Inta fariistey meel kafog
guriga ayaan halkaas ka eegay waxa kadhaca guriga iyo agagaarkiisa
haseyeeshe albabka lama furo. Waxaan sugaba; albabkii ayaa furmey. Waxaa
kasoo baxey saddex dhalinyaro oo aan umaleynayo kuwii igaraacey. Markaan
fiiriyey waxaay iila muuqdeen inaay shaqo tageen.
Halkii ayaan waardiyo kahayey anigoo kurajo weyn
inaan mar uun arkidoona wajigeeda haseyeshe kuma guuleysan oo raggii
shaqada aadey ayaa soo laabtey anigoo meeshii fadhiya. Markaan daaley;
waxna waayey ayaan kulaabtey hotelkii.
Maalintii labaad iyo sedexaad ayaan isaga dabo
laabtay oo markastana waxaan soo laabta anigoo soo hungoobey. Waxaan
malaheyga ubadiyey inaay dhimatey laakiinse guriga kuma arko dhaq-dhaqaaq
u eg meel meyd yaalo; ama dad ayaa u imaanlahaa tacsiyo ahaan! Waxan
nafta ugu sheekeeyay markale inaay nooshahey oo aan lakulmi doona mar dhow.
Maalintii afarad ayey hadana ii cuntimi weydey
inaan iska dhexfadhiyo hotelka. Waxaan aadey meeshii aan waardiyaha
kaqaban jirey. Markii ay aabahood iyo walaalihii aadeen shaqo ayaan sidii
caadada ii aheyd kadhursugey waxaay maalinta kudhamato.
Albabka ayaa sikadis ah kufurmey, mise waxaa
kamuuqda wajiga xaaskeyga oo eegeysa bixid iy midig. Sifiican ayaan
wajigeeda usii fiiriyey mise waa meel bararsan iyo meel jaban, dharkeedii
waa wada dhiig. Inta aan usoo dhawadey ayaan sifiican ufiiriyey mise
dhiig ayaa kadaadanaya meel kasta oo jirkeeda ah! Dharkeeda cad-cad ayuu
ukala jeexanyahey inyar oo ay isku asturta mooye. Lugaha waxaa kaga xiran
sil-silad, gacmahana gadaal ayey uxiranyihiin. Inta aan is-heyn waayey oo
aan ooyey ayaan hadana ugu yeerey meel fog!
Waxaay igu tiri ayadoo qarineyso dhibkeeda oo
hadalka dhibaya: “Ya Khalid dhageyso.. waxba ha argagixin… anigu diinta
Allah ayaan kusuganahey… Allah ayaan kudhaarte waxa igu dhacaya uma
dhigmaan 10 meelod halmeel wixii kudhacay Asxaabta Nabiga S.A.Wasalim…
waxaan kaa rajeynayaa Khalid inaadan nasoo dhexgalin aniga iyo qoyskanaga….dhakhso
oo meesha isaga bax…igu sug qolka ilaa aan kaga imanayo insha’Allah…
waxaan kaa codsanaya inaad ducada badisa iyo qiyaamu leylka”
Sidii ay iga codsateyba waan isaga baxay meesha
anigoo aad iyo aad utiiranyeysan. Maalintii oo dhan ayaan qolka dhex
fadhiyey oo aan sugayey bal inaay timaado mar’un…maalin labaad iyo
sedexaad ayan kawardhowrayey.
Albabka ayaa lasoo garaacey! Waxaan ka argagaxey
cida albaabka soo garaacdey! Waa kuma cida saacada albabka soo garaaceysa!
Waxaa lagayaabaa inaay reerkooda soo ogaadeen hotelka aan kujira oo
uyimadeen inaay idilaan. Waxaa igu soo dagey cabsi sidii anigoo geeri
ihayso. Waxaan kucelceliya: “Waa kuma cida albabka garaaceyso?”
Codyar ayaa igu yiri “Fur albabka waxaan ahey
fulaana” Cabsidii iheysey ayaa isu badashey farxad, qolkiina wuxuu noqdey
wax lagu shidey nuur. Albabka ayaan kafurey, waxaayna soo gashey ayadoo
kusugan xaalad murugo leh. Waxay igu tiri: “Dhaqso… ina keen waanu
baxeynaa” Ma adigoo sidaan ah. “Haa ee nakeen” Ayey iigu jawaabtey.
Boorsadeeda ayey dhar kala soo baxdey xijaab iyo cibaayo dheeraad aheyd ,
alaabtii ayaan xiranay,waxaan kudhacney taxi. Waxaay kudhax suuxtey
taxiga dhaxdiisa daal iyo xanuun dartiis.
Markaan taxiga soo fuulney ayaan darawalka taxiga
ku iri af Ruush: “Garoonka, fadlan” laakinse waa igu khilaaftey oo waxay
soo jeedisey inaan aadno magaalo kale. Markii aan weydiiyeyna sababtana ,
waxay ii sheegtey in nalugu raad taaganyahey oo ay naga raadinayaan
garoonka; waxaan aadeynaa magaalo kale oo aan kunasano dhowr maalmood ilaa
ay kanoogayaan raadinteena; markaas ayaan magaalo kale oo garoon
international leh kaduuleyna.
Sidii ay soo jeedisey ayaan aadney tuuladii, oo
aan kunasaney dhowr bari, kadibna kasoo duulney.
Markaan hotelka joognay ayaan kasiibey dharka
misna waa timo rif-rifan, jir googo’an, daan dhinac jaban iyo bishimaha oo
ay fuuleen qolof cagaar ah cadaabka loo gaystey dartiis.
Maxaa dhacay intii ay guriga kuxirneyd; waa tan
ayadoo nooga sheekeyneysa, waxaay tiri:
“Markii aan galney guriga waxaan agfariistey
qoyska oo wada fadhiya, waxaayna iweydiyeen waxa aan xiranahey(xijaabka);
waxana usheegey inuu yahey dharka Islamka. Muxuu yahey ninkan? Waa
ninkeygii, anigana waan muslimey. Macquul ma’ah… madhicikarto!
Waxaan kacodsadey inaan ugu sheekeeyo qisada aan
kumuslimey,waana usheegey wixii uu igu sameeyey ninkii Russianka ahaa ee
doonayey inuu iga dhigo dumarka jirkooda iibiya, iyo sida aad ii
caawiseen, anigoo karajeynayey inaay iga garwaaqsadaan. Waxaay igu
yirahdeen inaad dhilo jirkeeda kashaqeysa noo timado ayaa kajeclaan laheyn
inaad nootimaado adigoo muslimad ah. Kadib waxay ii sheegeen in aanan guriga
kabaxeyn ilaa anigoo noqda Orthodax ama meyd ah. Marka intaas lamarayo
ayey igu soo boodeen hal mar ah oo ay cad-cad ii qaadeen.
Kadibna, adiga ayaa lagu soo aadey. Waan
maqlaayey markii lagu garaacayey oo aad gargaar dalbeysay. Waxba kuuma
qabankarin oo garbaduub ayaa layxirey. Markii aad cararteyna, inta ay igu
soo noqdeen ayey cay iila soo fariisteen. Intaas kadibna, silsilad ayey
soo iibsadeen oo ay igu xireen ilaa uu jirka igoogo’ay. Waxaa intaas ii
dheeraa ayagoo igu garaacaya shaabuug, waxaasna waa ulihii laygu dhuftey
ee aad ujeedid.
Maalinkasta ciqaabta waxaay ii bilaabata casarka
ilaa inta laga seexanayo.
Subixi walaalahey iyo aabaheyba waxay jiraan
shaqada; hooyadey waxaay isaga jirtaa qolkeeda. Waxaa ila jooga gabar
iga yar oo 15 jir ah, inta ay ii timaado ayey igu jees-jeesta , waana
waqtiga kali ah ee aan kanasto garaacista. Ma irumeysanaysa Khalidow,
sida ay ii garaacayaan ayaan miir daboolmaa oo aan kuseexdaa. Waxaay iga
rabeen oo kali ah inaan kalaabto diinta Islaamka, anigana waan kadiiday.
Gabadhii walaashey aheyd ayaa arintii layaabtey,
diinta aan sidaas ugu dhaganahey.
Maxaad ugu tagaysaa diintaada, diinta hooyadaa,
aabaha iyo walaalahaa? Maxay yihiin waxa kugu dhacay?
Waxaan bilaabey inaan usharxo waxay diintaan
tahey. Waxaan usheegey inaay diintan tahey diinta saxa ah. Sharaxaad
dheer kadib,Waxaay muujisay inaay kuqanacsantahey diinta Islamka.
Waxayba ileedahey adiga ayaa xaqa kutaagan …
diintan waa diinta aniga lafteyda aan ubaahanahey inaan galo, kadibna
waxaay ii sheegtey inaay icaawindoonta haddii aan ubaahanahey, maadaama ay
fahantey inaan xaqa kutaaganahey.
Haddii aad dooneysid inaad icaawisid, igu caawi
inaan lakulmo ninkeyga, ayaan ku iri.
Guriga korkiisa ayey fuushey oo ay kor kaa
aragtey… waxay ii sheegtey inaay ujeedo nin sidaas iyo sidaas ah (aydoo
kutilmameysa).
Haa waa isaga ee haddii aad aragtid, albabka iga
fur si’aan ulahadlo! Xaqiiqatana way ii samaysey oo waa tii ay albabka
iga furtey oo aan kula hadley; haseyeeshe kuma raaci karin oo lugaha iyo
gacmaha ayaan kaxirnaa, furaha silsiladana waxaa haya walaalkey. Sil-silid
kalana waxaa laygula xiray tiirka guriga si’aanan ubixin; furaheedana
waxaa loo dhiibay walaashey si’ay iiga furto markaan ubaahdo musqul.
Markii aan kuu soo baxay ee aan kaa dalbaday
inaad isugtid ilaa aan kaaga soo baxaya, waan xirxirnaa; walaasheyna waxaan
rabey inaan Islaamka kuqanciyo; waana muslintey, Al-Xamadulillahi. Waxaay
go’aansatey inaay kudhaqaaqdo naftii hurnimo kadaran teyda; waxay
damacdey inaay igu caawiso inaan kafakado meesha laakinse furayaasha
silsiladaha lugaha iiga xiran waxaa haysta walaalkey, aad ayuuna ugu
foojiganyahey inuu qofkale udhiibo.
Maalintaas ayey walaashey udiyaarisey walaalahey
Khamri xoog badan oo ay kuwada sarqaameen. Sida ay ucabayeen, ayey
gaareen xaalad ay waxba kala saarikarin. Furaha ayey kasoo bixisay
walaalkey jeebkiisa, kadibna iga furtay, sidaas ayaan kuugu imid anigoo
guure ah”
“Oo walaashana, maxaa kudhici doona?” Ayaan
weydiyey. “Waxba haka walwalin, waxaan kacodsaday inaay islaamnimadeeda
qarsato inta aan howlaheeda usoo dhameyneyno” Ayey iigu laab qaboojisay.
Habeynkaas iyo habeynkii kuxigay ayaan saaxaney,
kadibna waxaan usoo duulney wadanka nagii. Markii aan garoonka kasoo
degneyna waxaan geeyey dhakhtarka oo ay jiiftey dhowr m/mood.
Al-Xamdulillahi, waa nakan maanta ubaryeyna
Allah inuu walaasheed diinta kusugo.
-dhammaad-
Isha sheekadan: Qisas mu’atharah(shariid),by
Ibrahim Al-Farisi.
Turjume: Adam Abuzuhri Al-Hassani.
Salaamulhi aleykum.
abuzuhri1@hotmail.com
Qaybtii 1aad. GUJI halkan..