ugu horayn qore,
C/Waaxid
Khaliif xaq buu uleeyahay in uu qaabka uu u arko saxda uu rayigiisa
udhigo, waayo waxaan aamin sanahay xoriyada rayiga oo qofka saxafiga ah
usiinaysa awooda inuu waxuu doono rayigiisa ku cabiro , lakiin taa mac
naheedu maahan in wax yaalaha qoraagu qoro in aan la tacqiibin karin ama
rayiga siduu ula muuqdo walaalkeen si kaduwan ayan jirin.
1-igu horayn dib ugu noqon maayo dagaalkii DGP ka dhacay waayo umada
reer punt land waxay caan ku ahaan jirtay xasiloonida iyo nabad jecaylka
ilaa bur burkii qarankii somaliyeed sanadku markuu ahaa 1990 ilaa
dagaaalkaasi markuu bilaamay 200/2001, dagaalku waxuu wax yeelay ka sokow
dadkii kuleeday iyo hantidii ku baa ba,day , sumacadii ay lahaayeel dadka
reer punt land oo taariikhda somalia aan loo galin dagaal dhex mara iyaga
dhex dooda, marka dagaalkaani inuu istaago ama xal loo helo waxay ahyd
mid aad ay udoonayeen dad waynaha reer punt land oo u arkayay dagaalku in
hadii uu balaarto in ay adkaanayso hadhow in xal loo helo ama uuba soo
ajarmi waayo sida kan ka taagan koonfurta somalia .
2- c/lahi yusuf yaa doortay markii hore ? markii dame yaa ku taageeray
dagaalka dhexmaray isaga iyo [GBP]? cadde muuse iyo kooxda [GBP] ma
awoodi kareen in ay c/lahi yusuf iyo maamulkiisa in ka majixaabaan punt
land? , runtii su aalahaas jawaabohoodu waa muhim su loo fahmo in c/lahi,
yusuf shacabka intiisa badan ay u arkaan inuu yahay qof dagaalka ku
maqiiqan aanan aqbalin wax quursiya dadka somalia ka ah hogaamiyaashu ka
haybaystaan waxaasoo dhan anagu hada sharciyayn mayno ee waa wax jira oo
markii aad dhagaysato dad waynaha ra yigooda in badan aad maqlayso ,
taasi waxaa ay keenaysaa su aasha labaad in aynu kajawaabno oo ah yaa
tageeray c/lahi waxaana aynu oran karnaa [GBP] waxaa ay wayday
taageeradaas oo marka la eego qaba isha punt land dagan badan koodo waxay
taageerada siiyeed c/lahi yusuf waxaana taas ay ku cadayd isu dheeli
tirnaanta dhex taalay labada ciidan oo looltamayay, taas waxaanu kusii
fahmi karnaa markii aanu aragno [GBP] oo markii dame isugu guratay punt
land ilaa ay gaartay ceel afwayn waayo waxaa taasi laga qaadan karaa
kooxdu inayan ku haysan taageero wayn dadka dhexdiisa waxaana sabab u ah
taas laba arin:1-kacaankaan haday suurta gal tahy in lagu magacaabo ka
caan waa dagaalkii lagu qaaday c/lahi yusuf eh , waxaa hormuud ka ahaa
ama waday hal famil oo katirsan beesha wayna reer punt land 2-sababka
labeedi waa awood yarida hal famil ay leeyihiin si ay uga hortagaan nin
taageerada uu ka haysto beelaha punt land ay udheertayhay dowlada eyhopia
oo si aan qorsoodi ahayn usiisa hub iyo maalba. intaas oo dhan waxay noo
sahlin jawaabta cinwaankaan ah
cade iyo c/lahi yusuf hishiiskii dhexmaray?
cadde waa janaral ciidan iyo waxuu ubaahan yahayna waa yaqaan dagaal
aan taageero haysana meesha uu kudamayna waa uu adaroosi ,karaa markuu
arkay xaalku sidaa uu yahay iyo GBP iyo cl /ahi sida ay kala yihiin awood
ahaan iyo taageeraba , waxuu qaatay go aankii aan ku magacaabay kii ugu
waynaa oo janaraal afrikaana uu qaato hadii la eego wakhtiga iyo xiliga
uu ku beegayba haa c/waxid waan ku waafaqsanahay meesha uu ka dhwaajiyay
in shuruudi c/lahi lalagalay uusan oo fin cadana taa uusan xoog saarin
lakiin waxaan dareemaya jananku inuu guusha wayn oo uu gaaray ay tahay
inuu bad baadiyay nafta 1500 oo wiil oo dhalin yara oo gacantiisa ku
jirta iyo kuwa uu wato c/lahi yusuf oo waxay udhimanayaan aan garanayn
waxuu is hortaagay somali land iyo c/qasim oo rabay in punt land laka
jibiyo waayo punt land c/lahi ma aha walow in badan oo shacabku ay qabaan
in jiritaankeedu uu ku dhisan yahay c/alhi yusuf, ra yigaas ma ahan mid
aan anuu qabo ee waa mid jamaahiirta reer punt land oo saan sheegay c/lahi
u aamin san hal yay wayn oo looga haybaysto, jananku in badan wax
yaalahaas ayuu xeerinayay oo waa ay ka waynayd fikrigiisu mar ahduu
aqbalay hishiis in loo arko kacdoonkiisu in uu ahaa jago ay ka rabeen ee
waxay ahyd ilaalin sharciyada iyo qanuunka markuu arkay dadku inay
doonayaan c/lahina waxaa uu goystay in uu tuso c/lahi xaqiiqadiisu waxay
tahay runtii hishiisku waxaa ahaa mid wayn salaan wayna waa uu leeyahay
jananku mar labaad geesinimada iyo qaraarka uu qaatay oo uusan ujoojin in
badan oo oo saraakiishiisa kamid ah waayo nacayb loo qabo c/lahi arinku
waa uu ka waynaa, waxaan jeclaan lahaa inuu walaalkay c/waxid muhlada ama
wakhtiga uu uqabtay jananku in uu kaga hadlo kudarsashada labaad ee
maamulka c/lahi uu ka noqdo waayo arinku sida ay dhahaan somalidu ka wayn
waxa loo malaynayo waayo c/alhi yusuf beelaha punt land oo dhan
taageerada uu kahaysto ayaa sii naysa kalsonida iyo isku halayna waxaan
hubaana in hadii lagacan qabto wax badan hagaagi karaan.
HISHIISKU YUU BAD BAADIYAY?
waxaan uga goleeyahay su aasha c/waaxid oo yiri hishiisku waxuu bad
baadiyay c/lahi haa run ayuu ku sheegay lakiin waxaan qabaa kahor c/lahi
waxuu bad badiyay 3000 oo wiil oo ku hooban lahaa dagaalkaa waa ciidamada
ay kala wataan cade iyo c/lahi eh, waxaa uu bad baadiyay sumcadii iyo
magacii punt land waxuu bad baadiyay horo markii kasocday gobalada punt
land waxa uu bad baadiyay dhaqaalihii punt land waxaa uu unoqday magac
wayn umada reer punt land in ay khilaaf kasta oo jira ay ka gudbi karaan
oo hishiis iyo nabad dooran lahaayeen arintu in laga eego dhinac ya badan
in laga eego ayay mutaysataa ee maahan un in la eego c/lahi oo wali jooga
, waxaan qabaa jananku inuu yahay shakhsi wax ka yaqaan istaratijidaha
iyo mustaqbalka dame oo dadka iyo dalkaba waayo c/lahi waa uu tagin oo
waa bina aadan lakiin cadaawada hadaan la af qaban bilowga gacantay
kabaxdaa.
maqaalkaa dheer uma wadin in aan ku afjaro saxafiga wayn oo aan
qadariyo c/waxid khaliif lakiin waxay iga ahyd c/waxid inuu dareemo c/lahi
inuusan ahyn nin ay udhamaatay walow dad badan ay saa qabaan lakiin
waxaan oran karaa %76 oo dadka punt land waxay u arkaan sidaa lidkeed ,
waxaana taa keenaya maahan jacayl looqaba isagee waa duruufta somalia oo
keenaysa askari in uu yahay lagama maarmaan xiliga oo adag awgeed anuu
koley waxaan ixtiraamaya doonida mar walba shacabka taana macnaheedu
maahan taageero c.lahi yusuf waayo waxaan kamid ahay dadkii in badan ka
digay dhibta ay leedahay ku darsashada uu c/ali ku darsaday maamulka punt
land haa , waan ka dignay lakiin hadii ay dhacday meel aanu is taagno
ayaan garan waynay lakiin janaral cadde muuse ayaa ahaa ninkii ilahay
usoo diray suu unoqdo xarig fur.
Maxuu Cadde Muuse ka oran dadka leh C/hi baan labo sano ugu darnay
xilkii? su sha waxaa leh c/waxid waxaan oran karaa haa cadde wax uu oran
karo mataal waayo cade haduu mar ogolaaday nabada ninkii ahaa c/lahi
yuusufna uu xukunkii hayo khasab ayay ku tahay in uu qaato atida shacabka
oo aqlibiyadu rabtu isaga waana mida keentay in uu jananku hishiiska
shuruud badan uusan ku xirin, marka shacabka ayay utaalaa waxa uu ka oran
lahaa ee cadde waxaan umalayn wax wayni kama sarrna.
waad mahad san tihiin dhamaan
asad cabdi gufure
egypt
asadgufure@hotmail.com