Waxaa jirta in maalmo fara badan ay gaaladu
ugu magac-dareen waxyaabo gaar ah sida, Maalin ay u aqoonsadeen Maalinta
Jacaylka Adduunka (Valentine’s Day), Maalinta Xuquuqda Carruurta Adduunka
(The Day of Children), Maalinta Xuquuqda aadanaha (Day of Human Rigths),
Maalinta Beenta Aduunka (Folish Day), Maalinta Masiixiyadda (Crisms Day)
iyo maalmo kale oo fara badan halkaanna aan ku soo koobi Karin.
Waxaa intaas dheer oo meesha ka maqan
Maalmo loogu magac daray waxyaabaha wanaagsan sida: Maalinta Runta
Adduunka (Sure Day), maalinta ku tumashada Xuquuqda Haweenka,
haweenkaasoo la qaawiyay iyagoo qaawanna la yiraah mara adduunka sidaasna
looga dhaadhiciyo adduunka inay yihiin haween helay xuquuqdoodii
dumarnimo, sidoo kale, waxaa jirtay in aan la sameyn maalinta u
dabbaal-degga Diinta Islaamka, taasoo xittaa laga tiray maskaxda dadka
Muslimiinta ah maskaxdooda.
Haddaba, waxaan waxyaabahaas aan kor ku
soo sheegnay u soo qaadan doonnaan mid mid innagoo ka hadli doonaa
ujeeddada ka dambeeysa ee ay u sameeyeen Masiixiyiinta Arrintaas:
14-KA FEBERAAYO
MAALINTA JACAYLKA ADDUUNKA (VALENTINE’S DAY)
Maalintii aynu soo dhaafnay ee 14-kii
Feberaayo waxaa adduunka oo dhan camimay hadal haynta maalinta Jacaylka
Adduunka oo dadka lagu baraarujiyay inay u dabbaal degaan maalintaas,
iyagoo sameeyay Xaflado lagu xusayo maalintaas oo loogu magacdaray Saint
Valentine, waxaana la buun-buuniyay inay ahayd maalinta Jacaylka Adduunka,
iyadoo dadka qaar markaad la kulanto ay kugu oranayaan “Miyaadan ogayn in
manta ay tahay Malainta Jacaylka Aduunka” iyo hadallo kale oo ay ka mid
yihiin: “Maxaad ku xustay maanta oo kale iyo maxaad ku xusi doontaa iyo
hadallo la mid ah”
Haddaba, waxaa is weydiin mudan waa kuma
St Valentine iyo maxaa loogu magac daray kuna mutaystay in maalintaan oo
kale loogu magac daro.
Saint Valnetine waxa uu ahaa Nin Masiixi
ah oo ka ah Baadari Kaniisad weyn oo ku taallay dalka Talyaaniga, gaar
ahaan Magaalo Madaxda dalkaas ee Roma, wuxuu ahaa nin ay aad iyo aad u
jeclaayeen dadka Masiixiyiinta ah ee deegaankaasi ku nool, waxaana la
sheegaa inuu ahaa nin aad iyo aad u jecel inay ragga iyo haweenka is
dhex-galaan, waxaa kaloo lagu sheegaa inuu ahaa nin jeclaa in dadka lagu
sheego inay is jecel yihiin amaba jecel inay isla noolaadaan ay soo aadi
jireen halka uu joogo si ay ugu sheegaan in ay kula soo ag-dhuunteed
jacaylkooda oo loo diiddan yahay inay is jeclaadaan ama isla caweeyaan,
Sheekooyin kale ayaa lagu soo wariyey in
uu ahaa nin Baadari ah oo joogay xilli uu dalka Talyaaniga xukumayay
Boqor aad iyo aad u laaya dadka dhallinyarada ah ee is doorta (Is
jeclaada), waxa uuna ku xukumay dadkii lagu soo sheego inay is doonayaan
ama ay is jecel yihiin dil toogasho ah, haddaba waxaa sida qaalibka ah la
og-yahay in dadka Masiixiyiinta ah ay aad u tixgeliyaan Baadariyada jooga
goobaha lagu xafido diinta Kirishtanka iyo Macbadyadooda, waxaana uu
Valentine isku dayay maadaama uu Boqorku dadka ku soo rogay in la dilo uu
isagu isku dayo inuu badbaadiyo dadka is doonaya ama is jecel isla
markaana uu isku daro kuwa is guursanaya, iskuna hayo kuwa doonaya inay
meher la’aan wada noolaadaan.
Waxaa arrintaani ay muddo kaddib gaartay
Boqorkii dalka ka talin jiray oo isagu ahaa mid aanay dadku u kala
duwanayn, marinan jiray sharciga uu mutaysto mid kasta oo ka mid ah
Mujtamaca, haddii uu ahaan lahaa Wadaadka Diinta, Kuwa lagu magacaabo
soorooyinka amaba dadka sida xad-dhaafka loo weyneeyo sida kuwa la
gaarsiiyo in la caabudo, waxa uuna boqorkaasi amray markii uu maqlay in
St Valentine uu ku gudo fulinta waxyaabihii uu amar ku bixiyay in xabsiga
la dhigo, dabadeedna la qudha laga jaro haddii ay ku caddaato waxa laga
sheegayo.
Muddo markii uu xabsiga ku xirnaa ayaa
la yiri “Valentine waxa uu jeclaaday gabar uu dhalay boqorka Dalkaas oo
iyagu maqashay in uu ku jiro xabsiga aad iyo aadna u qaddarin jirtay,
waxa uuna u sheegay gabadhii uu dhalay boqorku inuu jecel yahay, waxayna
gabadhii ku tiri: “Waan kaa aqbalay jacaylka maadaama aad xiran tahay
aadna awoodin inaad wax ii tarto” Halkaas ayaana lagu dilay muddo kaddib
ayaa la yiraahdaa.
Sidoo kale, waxaa jirta in dowladaha
Kirishtanka ah sida Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Bilgium-ka iyo
kuwo kaleba ku faanaan inay iyagu yihiin kuwii billaabay habkan cusub ee
ay ugu magacdareen Valentine’s Day ama maalinta Jacaylka Adduunka loona
iclaamiyey inay noqoto 14-ka Feberaayo Sannad walba.
Tan ugu daran ee in laga hadlo u baahan
waxay tahay, maadaama ay dunida islaamka noqotay mid daba socota
fikradaha iyo aaraada Dalalka Reer Galbeedka oo iyagu ah Masiixiyiinta
Hirgeliya inta badan fikaradaha masiixiyadda sidee bay dadka islaamka ahi
u fahmeen maalmahaan ay masiixiyiinta ku kala magacaabeen waxyaabo kala
duwan.
Waxaan oran karnaa Maalmahaan waxay si
fudud oo sibiq ah ku dhex galeen shucuubta islaamka ah haba u badnaadeen
kuwa ku dhaqan Bariga dhexe, kuwaasoo maalmaha qaddarinta ku dhex leh
gaalada aad arkayso iyagoo sameynaya dabbal-dago ay ku taageerayaan
Masiixiyiinta iyo inta kale ee taageersan, waxaadna 14-kii Bishan ku
arkaysay jidadka waaweyn ee dalalka Carabta sida: Imaaraadka Carabta,
Lubnaan iyo kuwo kaleba taalooyin ah Love ama calaamadda guduudan ee loo
ekeysiiyay Wadnaha oo wareegaysa, iyadoo la leeyahay waxay tilmaan u
tahay maalinta Jacaylka Adduunka ama Valentine Day.
Haddab, dadka islaamka ah ee adduunka ku
dhaqan waxaan uga digayaa aniga qoraa ahaa inay iska jiraan dhagarta ay u
maleegayaan gaalada iyo kuwa gaalada raacsan, waxaanan si gaar ah ugu
digayaa Soomaali badan oo caalamka ku kala firirsan inay raacaan
dhaqammada gaalada iyo kuwa raaciyaha u ah, Diinta Islaamkuna waxay
maalmahaan u aragtaa kuwo la marin habaabiyay ayna xaaraan tahay in laga
dhigo maalmo xurmaysa, waayo Islaamku waxa uu leehaya labo maalin oo
xurmaysa sida Ciidul Fidriga iyo Ciidul Adxada, waxaana dadka aan ogayn
ku boorin lahaa inay isaga tagaan maalmaha ay gaaladu ka dhigteen kuwo
xurmaysa ayna u soo laabtaan kuwii ILLAAHAY (SW) iyo Rasuulkiisaba (NNKH)
u tilmaameen inay yihiin kuwo la farxo.
Qaybta 2aad...
Guji
W/Diyaariyay:- Maxamed Xuseen Jimcaale
E-mal:-
jantiile12@hotmail.com
Mogadishu - Somalia
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 17, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan