Cali 75 sano ayaa u go`day wuxuuna aad ulla yaabanyahay sida fudud ee sanaduhu
ku soo dhaafayn,noloshiisana maanta xusuus uun ayey ku dhisantahay maxaa yeelay
rajadiisa nolosha waa wax kooban.Cali wuxuu xisaab yar ku sameeyey 75 sano ee
soo gudubtey sida ay ku soo dhaafeen,wuxuu ogaadey in uu noolaadey (27375)
maalmood wuxuuna sii ogaadey haduu hurdey maalinta uu dhashey ilaa iyo maantii
uu buuxiyey 75 sano, 8 sacadood maalin walba in uu noloshiisa 25 sano uu ku
qaatey hurdo oo waa (9125) maalmood iyo in uu soo jeeday (18250) maalmood oo ah
50 sano kuwaas oo qaar uu ka bukay qaar uu ka gaajeesnaa qaar kalana uu ka
murugeesnaa oo farxada noloshu waxa soo marey ay iska koobnayd.Ugudanbayntii
wuxuu Cali gartey in noloshu ay tahay harka labadiisa gelin oo ruuxa la yiraahdo
waa cimri dheeryahay in uu noolaado maalmo kooban.
Hadaba akhriste waxaan tusaalahan gaaban u soo qaatey in si yar kuu fahansiiyo
in nolosha marti aynu ku nahay oo ninkii maanta nool la ogayn in uu beri gaarayo
iyo geerida ka dib awood kasta aynu lahayn in dhulka nalagu soo aasayo maalmo
yar ka dibna jiritaankeena oo idil layska ilaawayo sidaa darteed waxaa ila
haboon in dunidan ku meelgaarka ah in aan lays raacsiin.Dunida oo lays
raacsiiyaa waxay keentaa in qofku uu ilaawo aaqiradiisa, aaqiro oo la ilaawaana
waxay keentaa in uu qofka uu fududeysto ku dhicida denbiyada kuwooda yar iyo
kuwooda weynba.Danbiyada oo la fududaysto iyo ku dhicidooda oo aan layska
ilaalin waxay keentaa in qofka qalbigiisa qalalo,qalbiga oo qalalana waxay ku
dhalisaa ruuxa in uu gaaro heer uu kala garan waxa wanaagsan iyo waxa xun ama
wanaagii xumaan u qaato, xumaantiina ay la fiicnaato.Qofka marka uu heerkaa
gaarana wuxuu halis ku yahay naftiisa iyo dadka ku agnool oo idil,wuxuuna
noqonayaa ruux sheydaan hogaamiyo waana arinta maanta heysata soomaali badan.
Aaqiro oo la ilaawey iyo aduunka oo laga dhigtey hadafkeena kowaad iyo hamigeena
oo idil oo aduun lagu soo koobey wuxuu keeney in la is dhaco, la is xaqiro,la
is dilo.Wataa naftii qofka soomaaliga ah qiimo beeshey.Aduunyo jaceyl iyo
imaanka oo daciifay ayaana u sabab ah dhibaatada maanta ina haysata.Dagaal
oogaha wax laynaya iyo kan taageersanba waxa dabada ka riixaya waa aduunyo
jaceyl,dagaal oogaha wuxuu isleeyahay madax noqo oo hantida qaranka dhac kan
tageersana oo qoriga u sidana ama qalinka ku difaacayana wuxuu isleeyahay haduu
hebel wax noqdo adigana dhacdhac koley weyn aad meysid.
Akhriste 75 sano waxay u dhigantaa (27375) maalmood waa maalmo yar waxaa taas ka
sii daran in aynaan jirin qof og inta uu nolaanayo,caawa markaad seexataa
la`ogayn in aad beri soo kacaysid iyo in kale .10-kii qofood oo dhalataa imisaa
gaarta 75 sano? Ilaah keliyaa og, lakiin waa dad aad u yar sidaan filaayo 2 ilaa
3 qofood kama badna,inta kale maalmo kooban ayey nolaadaan. Aad nooolaatid
labaatan kun oo maalmood ama sodon kun oo maalmood koley waxaa tahay kii
geeriyooda, sidaa darteed waxaan qabaa aniga wax magarte iyo qof waqtiga aan ku
xisaabtamin ayaa isku kibriya oo wax ka dhigta noloshan dunida taal.Hadaba
walaalkey muslimka iyo walashey muslimada ah waxaan kula dardaarmi lahaa in
aadan isku iloowin noloshan ku meel gaarka ah oo tan la hubo in lagu waarayo
loo shaqaysto. Qof walba oo muslim ahow u diyaar garow maalinta Ilaahi ku uuntay
lagu soo hor is taajin doono. Ugu danbayntii Soomaalida waxaa kula dardaami
lahaa seddax arimood oo xageyga ku qaali ah.
1- Salaada
Salaaddu waa lafdhabarka diinta islaamka waana camalka ugu horreeya oo qofka la
waydiiyo oo lagula xisaabtamo qiyaamaha,waana waajibka aan marnaba qofka ka
dhacayn oo aan laga cafinayn inta caqligiisu joogo.Qofka sida ay tahay u
tukadana waxay ka ilaalinaysaa inuu ku dhaco waxyaabaha aan diintu ogolayn oo
munkarka ah sida Quraanka ku xusan.Ilmaha yar yar oo aan qaangaarka ahayn waa in
uu waalidka ama qofka gacanta ku hayo baraa salaada kuna amraa ina ay tukadaan
qaas ahaan ilmaha lagu hayo wadamada aan muslimka ahayn si diintooda ugu
badbaado.
2- In la`iscafiyo
Runtii wey adagtahay in la cafiyo ruux waalidkaa iyo walaalahaa xasuuqay ama
nafsadaada soo gaarsiiyey dhaawac culus ha noqdo mid jir ama mid maskaxeedba,
hadana waxaa lagama maarmaan ah in la`is cafiyo si nolosha hore ugu socoto
Illaahna noogu gargaaro waxaadna ogaataan in Illaah raxmadii ka fogeenayo ummad
aan is cafin.Qofka danbiga laga galey asagey qof ahaan u fiicantahay in uu
Illaah dartii ku cafiyaa qofka danbiga ka galey,laba sabab dartood, waa mida
hore ajar iyo xasanaad ayuu ka helaa tan labaadna qof ahaan ayuu nafisayaa oo
qalbiga ayuu ka xasilayaa isla markaana culayskii qalbiga ka saarnaa ayaa qofka
ka dhacaya. Soomaalida ma aha ummad is cafisa dhaqan ahaan oo waxay ku
maahmahaan nimaan aarsan habar ma dhalin waa maahmaah qaldan marka hore ma
jiro ruux aan habar dhalin, qofna dhulka kama soo bixin tan labaadna waa
maahmaah fidna xanbaarsan.Soomaaliya sanadihii tagey waxaa ka dhacey welina ka
dhacaya ruux ayaa aargoosasho loo dilaa asaga oo waxa loo diley ay tahay in ay
isku hayb ama qabiil ka soo wada jeedaan ruux kale oo hore wax u
diley,dhacdadaan oo kale waxay sababtaa in xumaantii sii fido oo dilkii
aargoosiga ahaa iska socdo ilaa ay qasabto in laba qabiil isku dhacaan oo
boqolaal qofood sabab u noqdaan in ay ku dhintaan.Sida diinta ay qabto waxaa
haboon ninka danbiga galey in asaga laga gooyo, qofna aan loo dilin denbi uusan
galin.Soomaali hadaynu nahay danbiyo waaweyn ayaan iska galney mana jiro ruux
beri ka ah in yar oo Illaah u gargaarey mooyaane, maxaa yeelay kan wax laynayey
iyo kan niyada ka tageersanaa waa isku danbi sidey ila tahay, Illaahbaase og,
sidaa darteed waxaan dardaarmi lahaa in la` is cafiyo isla markaana loo duceeyo
kuwa qaska iyo dhiiga weli faraha kula jira, si uu Illaah u soo hanuuniyo isla
markaana u tuso wanaaga iyo qayrka .
3- Waqtiga
waxaan kaloo soomaalida u sheegi lahaa in waqtiga laga faa`ideysto Soomaali
hadaynu nahay waqtiga ma qiimeyno oo qaarbaaba dhaha ma aqaan sidaan waqtiga ku
dhumin lahaa. Ninka waxgaradka ah waa kan waqtiga sida fiican ugu
faa`ideysto.Aaqiro waxyaabaha ugu weyn ee qofka la weydiinayo ayaa waqtigu ka
mid yahay,maxaa yeelay waqtiga waa cimrigaada oo qof walba waxaa la weydiin
doonaa siduu waqtigiisa ku bixiyey intuu noolaa, waana ayaandaro in Soomaali
badan qaad iyo goobaha fadhi ku dirirka in ay waqtigooda qaaliga ah ku
lumiyaan,walaalayaal halaga faa`ideysto waqtiga oo halagu qabsado wax aduun iyo
aaqiraba qayr idiin leh.
Wabilaahi towfiiq
Ilyas Mahamud Hussein
ilyas_mh@hotmail.com