SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOOSAASO

Feb 17, 2004 

BAAQ KA SOO BAXAY GUDDIGA U QAREEMIDA JOOJINTA GUDNIINKA FIRCOONIGA EE GABDHAHA

 

Waxaa lagu qabtaya 12/2/2004 Xurunta machadka caafimaadka ee magaalada Bosaaso aqoon iswaydaarsi maalin soconayay kaasoo aysoo qaban qaabisay Xarunta waxbarashada, Baraarujinta Nabada iyo horumarinta ee Gaalkacyo (G E C P D ) barnaamij kaas oo meela yow kala duwan lagu soo qabtay,oo socday 12 maalmood ayaa waxaa kasoo qaybgalay dhamaan ururada dhalin yarada ee ka jira magaalada Bosaaso, waxyaabihii lagaga hadlayay waxaa kamid ahaa, sidii ay dhalin yaradu uga qayb qaadan lahaayeen Joojinta Gudniinka Fircooniga ee Gabdhaha, waxaana halkaas lagu soo bandhigay figradihii kala duwanaa ee ay dhalin yardu kaqabeen Gudniinka, waxaana halkaaas siqoto dheer uga hadlay Dr Ciise dheere oo ka sheegay soomaalidu sida ay wax u gudo in ay halis badan keento iyadoo January 2004 3 Gabdhood oo la keenay isbitaalka Magaalada Bosaaso khatar wayn ku galeen taasoo sababtay dhiigbax iyo caabuq ay kala kulmeen Gudniinkoodii, Sidaas owgeed, waxaa loo baahanyahay in laga baxo dhibaatadaan.

Figrado badan kadibna waxaa halkaas baaq ka soo saaray dhamaan ururadii dhaliyarada kaas oo ku wajahan umada soomaaliyeed meelkastoo ay joogaan.

Waxuuna uqornaa sidan:-

1. In lajoojiyo gudniinka Fircooniga ee Gabdhaha .

2. In waalidka lagu wacyigaliyo dhibaatada oo leeyahay Gudniinka noocaas ah.

3. In lagu wacyi galiyo inay ilaahay kabaqaan dumarka Gabdhaha Guda .

4. In maamulku sharci kasoo saaro joojinta Gudniinka Fircooniga ee Gabdhaha.

5. In culumadu dowr wax ku ool ah kaqaataan sidii Bulshada loogu cadaynlahaa Gudniinka nooca bannaan.

6. In ay dhalinyaradu ogaadaan inay yihiin dhibana yaasha 1aad ee Gudniinka fircooniga ah sidaas darteed waa inay ku baraarujiyaan Bulshada dhibaatooyinka Gudniinkaas iyagoo adeegsanaya, Saxaafada kana sheegaya goobaha waxbarashada.

7. Inaysan arintaan u kala harin Ururada dhalinyarada, Culumada, Ardayda, Dhakhaatiirta, Haweenka iyo dhamaan cidkastoo wax-garad ah .

cawale jamac salad,

somalitalk.com . somaliya
jamnaf87@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 17, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD