Weriye ka mid ah weriyeyaasha
waaweyn ee Soomaalida oo ah Maxamed Xaaji Ingiriis ayaa muddo laba bilood
ah ku sugnaa magaalada Brussels ee waddanka Belgium, wuxuuna ka yimid
dhinaca Soomaaliya iyo shirka Kenya. Soomaalida Belgium ayaa aad u soo
dhoweysay weriyaha, kuwaasoo uu warbixin ka siiyey arrimaha Soomaaliya.
Xaflad weyn ayaa waxaa
toddobaadkan lagu qabtay magaalada Ghent, taasoo lagu soo dhoweeyey.
Dadkii ka soo qayb galay ayaa waxay ka kala yimid gobollada waddanka
Belgium iyo gobollada Holland u dhow ee ku yaalla xuduudka Belgium.
Ingiriis oo aad loogu hamuun qabay warbixinta uu ka dhiibi doono waddanka
ayaa sheegay inuusan garanayn wax uu ka sheego Soomaaliya, gaar ahaan
caasimadda Muqdisho oo noqotay ayuu yiri meel halaq-galeen ah oo ay
maamulaan qabqablayaal la mid ah maafiyada Talyaaniga siduu ku tilmaamay
Nuuraddiin Faarax.
Xamar ayuu sheegay inay ku sugan
tahay xaalad anfariir leh oo laga naxo, waxayna ku jirtaa halis haddii
aan la helin cid u gurmata oo wax ka qabata. Gobollada kale ee dalka ayuu
sheegay in Somaliland iyo Puntland ay u dhisan yihiin maamulladooda, ha
xumaadeen hase samaadeen, gobollada dhexe iyo kuwa koonfurtuna ayuu yiri
waxay u lug xiran yihiin qabqablayaal arxan daran (notorious warlords).
Dhinaca nabadgelyadu waddanka
heerkii ugu xumaa 15 sano oo colaad ah ayuu ku jiraa ayuu yiri, noloshu
waa ku adag tahay dadka caadiga ah, waxaana dusha ka saaran cadaadiska
qabqablayaasha dagaalka oo dadka ku dheggan cunaha, una diiday inay
hoydaan oo hergalaan.
Maxamed Ingiriis ayaa dad badan
waxaa ay u garaaceen sacab markuu sheegay in Maqaalad uu dhowaan ku qoray
wargeyska Herald Tribune uu kaga hadlay nolosha iyo sida ay u nool yihiin
warlords-ka Soomaalidu, kuwaasoo uu sheegay inay adag tahay in nabad la
helo inta ay leeyihiin garoomo iyo dekedo iyaga u gaar ah.
Waxaa la yaab leh ayuu yiri in
Qaramada Midoobay ay adeegsato garoomada iyo dekedaha qabqablayaasha oo
ay bixiso canshuur, taasoo lagu soo iibsado hub iyo saanad ummadda
masaakiinta ah lagu sii gumaado. Qaramada Midoobay ma raalli bay ka tahay
ayuu yiri in lacagtooda loo adeegsado gumaadka ummadda?
Dhinaca shirka Kenya wuxuu yiri
wadammada Midowga Yurub oo siyaasaddoodu ku eg tahay inay lacag uun
bixiyaan iyo Mareykanka oo gebi ahaanba gadaal ka istaagay shirkaas ayaa
ragaadisay in shirku noqdo mid mira dhal ah, mana guuleysan doono
shirkaas illaa iyo inta la diiddan yahay talo soo jeedinta Mareykanka.
Shirka Kenya ayuu yiri inkastoo
uu xoogaa rajo yar leeyahay haddana waxaa weli muuqata in la is waafajin
la’ yahay laba arrimood oo aan is qabsan karin oo ah danta shaqsiga ah
(individual interest) iyo tan guud ee Qaranka (common national interest),
taasna waxaa caddeynaysa in wixii danta dalku ku jirto aan la raacaynin
ee lagu socdo qancinta shaqsiyaad dantooda ka dhex arka fowdo iyo
shuruudo.
Qabqablayaasha dagaalka iyo
dowladda ku meel gaarku waxay diideen oo iska indha tireen talo soo
jeedintii Mareykanka ee ahayd inaan laga badin tirada Baarlamaanka 200 oo
xildhibaan maadaama aysan xamili karin tiro ka badan, waxayna rabaan ayuu
yiri in la dhiso Baarlamaan ka kooban 450 oo macnihiisu yahay ha furnaado,
hana jaantaa rognaado oo ay adkaato in la is fahmi waayo oo qofka iyo
wuxuu sheegayo la kala garan waayo.
Maxamed Xaaji Ingiriis wuxuu
sheegay in shirka Kenya la saadaalinayo haddiiba doorasho ka dhacdo laba
Cabdullaahi inay ku guuleystaan midkood oo ah Cabdullaahi Axmed Caddow
iyo Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Muuse Suudi waan maqlay ayuu yiri inuu is
sharraxay, laakiin rajadiisa ma hubo. Laakiin laba Cabdullaahi ayuu yiri
primary aftiyeed oo aan sameynay aniga iyo rag u kuurgalayaal ah
(analysts) waa isku ag dheceen ayuu yiri, waana laba nin oo odoyaal ah
ayuu sii raaciyey.
Intaas kaddib waxaa la weydiiyey
su’aalo fara badan oo uu mid mid uga wada jawaabay. Mar la weydiiyey
inuusan hadda saxaafadda ku ahayn sidii hore wuxuu yiri ‘waxaan ahay
qorrax u soo baxday saxaafadda Soomaalida, qorrax soo baxdayna sacab
laguma qarin karo, gaaladu waxay ii saadaaliyaan inaan ahay hoggaamiyihii
mustaqbalka dhow ee saxaafadda Soomaalida.’ Su’aalihii dadku weydiinayeen
ayaa u badnaa kuwo siyaasadeed iyo kuwo xog-doon ah.
"Waddankeyga waxaan ku
badbaadiyey faro ciddi leh markii la damcay in dalka la duqeeyo iyadoo
Mareykanku ku xiriiriyey hoy inuu u noqday Bin Laden (Safe haven), iyadoo
warbaahintu buunbuuninayso qatar been abuur ah ayuu yiri, waxaanan hor
istaagay ayuu yiri in dalka loo baa bi’iyo sida Ciraaq.
Dhibaatada waddanka weli ka sii
socota ayuu ku jawaabay waa dhaxalkii majixinjixe Maxamed Siyaad Barre
iyo kuwii ka soo hoos shaqeeyey iyo qabqablayaasha dagaalka (the Mohamed
Siad Barre of our generation) oo noqday kud ka guur oo qanjo u guur,
iyadoon maanta la ogeyn ayuu yiri meel lagu ogyahay taariikhdii
keydsanayd ee Soomaaliya iyo wax walba oo dalku lahaa.
Isagoo bixinaya jawaab sida
Soomaalida isku beddeli doonto, wuxuu yiri rajo fiican ayaa ii muuqata in
adduunku garawsaday qaabka ugu habboon ee Soomaaliya lagu heli karo
loogana hortegi karto argagixisadu inaysan gabbaad nabadeed ka helin
waddanka maadaama dowlad dhexe aysan ka jirin oo ah in lagu sandulleeyo
nimanka waddanka kala xir-xirtay inay oggolaadaan marka hore maamul ay ku
mideysan yihiin, kaddibna doorashooyin la qabanqaabiyo.
Calaamadaha hadda aan arkayno
nagama farxinayaan, laakiin is beddel ayaa soo dhow si kasta ha ku
yimaaddee. Soomaaliya Alley leedahay, Ilaahayna wuu nala garab geli
doonaa waxa aan higsanayno, laakiin waa in Soomaalida dibadda ku nool ay
ogaataa ayuu yiri inay door weyn ku yeelan karto is beddel kasta oo dalka
ka dhacaaya.
Axmed Nuur Hassan
Brussels, Belgium
ahmednur11@yahoo.co.uk