w w w . S o m a l i
T a l k . c o m
|
SOMALITALK
- MAQAAL
|
Feb 15, 2004
SOMALILAND YEY KA GO'DAY YAYSE U GO'DAY
Halkan waxaaynu ku falanqeyn doonaa waxna
ka ogaan doonaa sida aduunku gacmaha uga laabtey fikrada goosashada ay
raadinayaan beelaha Isaaq ee dega waqooyiga soomaaliya. Inta aynaan guda
gelin waxaa haboon inaynu ogaano deegaankooda iyo tiradooda intay
le'egtahay?.
Somali Social & Cuntral Centre - Johanesburg sanadkii 2002 waxay soo
saartay daraasad ay ku sameysay beelaha dega waqooyiga soomaaliya.waxay
sheegeen in beelaha Isaaq yihiin 42% marka la bar berdhigo totalka dadka
kale ee ku nool deegaankii laysku odhan jirey
somaliland protectorate ee Ingiriisku gumeysan jirey. waxay kaloo ay
tilmaameeyn in deegaankoodu yahay 3 gobol oo kala ah W/Galbeed, Togdheer
iyo Sanaag, waxayna waliba daba dhigeen in 3-daas gobol 21% ay la degaan
dad aan ku abtirsan. hadaba aynu ifafaaleyno wixii ay aduunka kala
kulmeen.
XAFIISKA UNION NATION:
Xafiiska Union Nationku ee magaalada New York, waxaa horyaal qoraal ama
dhambaal (declaration), kaasoo sharaxa deegaanka ay degaan beelaha Isaaq
iyo tiradoodu intey le'eg tahay kana soo horjeeda qeybinta dhulka
soomaaliyeed. Dhambaalkaasi wuxuu xambaarsan yahay weedho aad u
kulul oo u digaya in Xafiiska Union Nationka iyo wadamada permanent site
ku leh Golaha Union Nationka ku talaabsan karin wax wax u dhimaya
midnimada ummada soomaaliyeed. Dhamaalkaasi wuxuu sheegayaa in Beelaha
Harti ee dega Sool, Sanaag iyo Ceyn ogleyn raalina ka hayn qeybinta
wadanka soomaaliya. Dhambaalku wuxuu hadalkiisa ku soo gunaanaday in
hadii dowlad ka mid ah dowlahada parmanent site ku leh Golaha Union
Nationka ku talaabsato arin ka dhan ah midnimada soomaaliya qaadi doonto
masuuliyadeeda wixii hadhow ka yimaada.
Wadamada parmanent site waxay ka gaabsadeen inay jabiyaan ama ka
horyimaadaan qoraalkan. Xoghayaha Gollaha Union Nation-ka Mr.Kofi Anan
wuxuu dhawaan taageeray heshiiskii kooxaha soomaaliyeed ku gaadheen Kenya
29th Januaray 2004, wuxuuna ku amray inay si deg deg ah dowlad u dhistaan.
JAAMACADA CARABTA:
Wadamada Jaaamacada carabtu waxay dhagaha ka fureysteen dhawaaqa ka soo
yeedhaya beelaha waqooyi ee la magac baxay somaliland, guud ahaan
wadamada carabtu waxay aaminsan yihiin in soomaliya tahay wadan muslim ah
100%, isku luqad iyo dhaqan ah, sidaa awgeedna aysan muuqan
siyaabo lagu kala qeybin karo. wadamada Masar iyo Sucuudiga oo doonaya
inay arintan carabtu go'aan rasmi ah ka qaadato, waxay ka dhawaajiyeen
shir deg dega ah, shirkaasina wuxuu ka dhacay Qaahira bishii May 31,
1992, waxayna si wadajir ah u go'aamiyeen oo saxeexeen qodobadan:
1) Inaan soomaaliya la kala qeybin karin, midnimadeeduna muqadas tahay.
2) In safaaradaha soomalidu sii furnaadaan inta ummada soomaaliyeed
dowlad ka helanayso.
3) Inay ku safraan baasabooradooda intay ka samaysanayaan dowlad
soomaliyeed oo buuxin karta shuruudaha caalamiga ah.
Go'aamadan waxay la socdsiiyeen dhamaan wadamada ku jira Ururka Jaamacada
carabta, Xafiiska Union Nationka, wadamada ku bahoobey ururka EU, AOU iyo
wadama IGAD ee geeska Africa.
Xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee u dhexeeyey wadamada carabta iyo
soomaaliya wuxuu sii cakirmey markii ay soo baxeen warar sheegaya in
Madaxweynihii geeriyooday Maxamed Ibraahim Cigaal xidhiidh hoos hoos ah
la sameystay dowlada Israa'il, arintaasna waxaa fashiliyey Telefishinka
Al
Jazeera ee ku yaala Qatar, soona bandhigey qoraalkii uu u direy
Raysalwasaaraha Israa'il Mr.Yuhoud Barak.
Wadamadii carabtu iyo dhamaan wadamada muslinku waxay dhulka ku dhifteen
mucaawinooyinkii iyo taageerooyinkii ay siin jireen guud ahaan soomaaliya,
wadanka sucuudigu isagoo taas ka jawaabaya wuxuu joojiyey xoolihii ay ka
qaadan jireen soomaaliya iyagoo sabab ugu dhigey in xoolaha
soomaliya bukaan.
WADAMADA MUSLIMKA
Wadamada muslimku waxay qabtaan shir sanadeed, lagu qabto marba wadankii
laysla garto, shirkaas oo la yiraahdo IOC, waxay casumad u fidiyeen
Cabdiqaasim Salaad Xasan oo sita title ah Madaxweynaha Jamhuuriyada
Soomaaliyeed. shirkoodii ugu dambeeyey ee ka dhacay
Malaysia 2003 wuxuu ka jeediyey khudbad dheer, wuxuuna golahaa loo dhan
yahay ka sheegay in beelaha waqooyi ee la magac baxay soomaliland
doonayaan inay soomaaliya kala qeybiyaan. Gollahaas oo aynu odhan karno
dowlad muslim ahi kama maqnayn, waxay daafadeeyeen fikradii ahayd
goosasha, waxayna qireen in midnimada soomaaliya tahay muqadas.
WADAMADA AFRICA:
Wadamada Africa oo ku bahoobey ururka la yiraahdo AOU iyo IGAD oo ah
wadamada Geeska Africa waxay ka fogaadeen inay wax aqoonsi ah fudiyaan
beelaha waqooyi ee la magac baxay somaliland. Laga soo bilaabo burburkii
dowladii soomaaliyeed waxay abaabulayeen shirar badan, oo ka dhan ah
beelaha waqooyi , waxay geed gaaban iyo geed dheer u fuuleen inay maruun
arkaan soomaaliya oo dowlad ah.
Madaxweynaha Dowlada Suudaan Mudane Omar Al Basheer oo mar ahaa
hogaamiyaha wareegtada ah ee ururka IGAD wuxuu si geesinimo ku jirto isu
hortaagey fikradan goosashada ah, wuxuuna cadeeyey in geeska Africa
maanta loo baahneyn ina la kala qoqobo. Madaxweynaha Dowlada Jabouti
Mudane Ismaaciil Cumar Geele wuxuu in badan ku cel celiyey inuusan
noqoneyn dowladii ugu horeysay ee ictiraafa beelaha waqooyi.
Sidoo kale Madaxweynihii Hore ee Kenya Mr.Moi iyo Madaxweyna hada talada
haya waxay ka gaabsadeen inay wax aqoonsi ah siisaan beelahaas. Sidoo
kale, Raysal wasaaraha Ethiopia Zenawi, maruu ku sugnaa Aqalka cad (White
House) Maraykan, wuxuu labada gole ee Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga u
sheegay in soomaaliya midnimadeedu muqadas tahay, loona baahan yahay in
loo sameeyo dowlad la dagaalanta Argagixisada, hadalkaasna waxaa soo
dhaweeyey labadii gole,,waxayna hoosta ka lahaayeen '''that is good'''.
USA
Wasiirada Arihama Dibada maamulka la magac baxay Soomaliland Marwo Adna
Adan Dhakhtar waxay isaga daba noqotey wadanka Maraykan iyadoo wadata
qoraal aqoonsi raadis ah, dowlada Maraykanku waxay ka cudurdaaratay
codsigeedii, waxay u sheegeen in aqoonsigu gudaha wadanka yaallo, taasina
waxay ku tusaysaa inay wax ka ogyihiin qoraalka yaala xafiiska Union
Nationka, oo sheegaya in fikrada goosashada loo dhameyn. Markay soo
noqotey waxay wargeysyada qaarkood u sheegtay in
aqoonsigii wada ku soo jiro.
UK & Europe inteeda kale
Dowlada Boqortooyada Ingiriiska waxaynu odhan karnaa waa ka xog ogaal san
yahay wadamada kale ee reer Europe, waayo wuxuu ahaa wadankii gumeysan
jirey soomaaliya. Sanadkii 1884 markii Ingiriisku wadanka soomaaliyey
qabsaday beelaha waqooyi waxay ahaayeen "Lahaystayaal",
mana ay lahayn awood ay isaga difaacaan awoodan ka xooga badan, ee ku
habsatay dhulkoodii. 1901 waxaa bilawday dhaq dhaqaaq ku lidi ah
joogitaanka gumeystaha Ingiiriiska, waxaana horkacayey Sayid Maxamed
Cabdullae Xasan, xoogagaas waxaa la odhan jirey Daraawiish, waxayna
gumeystaha la galeen halgan dheer oo maanta taariikhdiisa la hayo, ragii
ka qeyb galayna wax ka sii nool yihiin maanta. Ujeedada Sayid Maxamed
Cabdule Xasan iyo Daraawiishtu waxay ahayd in gumeystuhu ka baxo wadanka
soomaaliyeed, umadda soomaaliyeedna xornimo hesho,ugu
dambeyn sanadkii 1960 ayuu gumeystihii Ingiriisku ka guuray soomaaliya.
Sanadkii 1991 beelaha waqooyi iyagoo ka faa'iidaysanaya burburkii ku
yimid dowladii soomaaliyeed waxay codsi u qorteen dowlada Ingiriiska,
waxayna soo fadheen dad bari hore dhintey lafahoodii, iyagoo ku
andacoonaya in dowladii Siyaad Bare ka laaysay. Dowladii Ingiriiska waxay
daraasad dheer
ku samaysay codsigii beelaha waqooyi, waxayna dib ka ogaadeen inaan
fikradan goosashada loo dhameyn.
Sanadkan bishii January waxaa gobolada waqooyi yimid xubno ka mid ah,
labada golle ee baarlamaanka Ingiriiska, waxayna la shireen maamulka
Daahir Riyaale madaxda ka yahay, wixii ay kala kulmeen way la guryo
noqdeen, waxaayna sheekadii la soo qaadeen xubno kale oo ka mid ah
gollayaasha Ingiriiska. Kadib markii sheekadii u soo baxday makhaayadaha
shaaha lagu cabo, wargeysyada qaarkoodna qaadaa dhigeen, dowladii
Ingiriiska waxaa go'aamiyeen inay arintan joojiyaan soon afjaraan hadal
haynteeda. waxay beelaha waqooyi ee la magac baxay somaliland ku
wargeliyeen in wixii Ictiraaf dowladeed ku saabsan Union Nationku ku
shaqo leeyahay, sida uu dhigayo xeerka caalamigu (International low).
Europe inteeda kale, waxay taagan yihiin midnimada soomaaliya waa muqadas.
waanay ka gaabsadeen inay aqoonsi diblamaansiyeed siiyaan, beelaha
waqooyi ee la magac baxay somaliland.
SIYAASIYIINTA BEELAHA LA BAXAY S/LAND MAXAY AAMINSAN YIHIIN:
Maxamed Ibraahim Cigaal (Alleh ha u naxariistee) wuxuu in badan fagaaraha
kheyriyada ka sheegay in soomaliya laba tun oo la kala qalo lahayn. wuxuu
dhowr jeer ku cel celiyey in aduunkii dhabarka u soo jeediyey,
alaabadiina ka soo xidhay.
Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) oo ah Hogaamiyaha xubsiga mucaaradka ee
Kulmiye, wuxuu khudbadeeyey maalintii ciidii Adha fagaaraha magaalada
Burco, wuxuuna yidhi "way wanaagsanaan lahayd in shirka Keyna wax ka soo
baxaan, oo aynu helo cid aynu la xaajoono". wuxuu daba dhigey Anigu (Siilaanyo)
waxba kama qabo inaynu la xaajoono oo miis dushii wax ku qeybsano, oo
wixii dan inoo ka wada hadalno.
Cisman Kaluun, oo ah siyaasi ka soo jeeda beelaha waqooyi, jagooyin sar
sarena ka soo qabtay Maamulka Carta, wuxuu Idaacadaha wararka faafiya ka
sheegay in fikradan goosashadu suurtoobeyn, ilaa la helo afti loo dhan
yahay, wuxuu kaloo cadeeyey in beelaha Harti ee dega bariga soomaliland
daacad ka ahayn fikradan goosi isutaaga.
Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir, oo ah Isim si weyn looga qadariyo
beelaha waqooyi dhexdooda, wuxuu goobaha lagu kulmo in badan ka sheegay
inayna suurtoobeyn inaynu ka go'no soomali inteeda kale, balse ay ka
fiicanaan laheyd inaynu saxno khaladaadkii dhacay.
Jaamac Yare, oo ah siyaasi ka soo jeeda Beelaha waqooyi, wuxuu aaminsan
yahay in soomaliland dani ugu jirto inay soomaaliya wax la qeybsato.
Guud ahaan beelaha waqooyi dhamaantood fikradani ma wada qancin waayo
beelaha gudabiirsi iyo garxajisku waxay jecel yihiin inay helaan dowlad
soomaaliyeed, oo maruun ka baxaan xeradan yar ee ay ku jiraan.
BEELAHA DEGA GOBOLADA SSC, WAA MAXAY FIKRADOODU:
Beelaha SCC-da waxay ka qeyb galeen shirkii 18 May 1991 ee ka dhacay
Burco. wakhtigaas oo la odhan karo guud ahaan wadanka soomaaliya waxaa ka
holcayey dagaalo sokeeyee. Beelaha SSC 100% waxay ka soo horjeesteen
fikrada goosashada. Aakhirkiina waxay dhaxalsiisey in Isimo iyo
masuuliyiin badan ka biyo diidaan fikrada goosashada ay doonayaan beelaha
waqooyi, taasoo ay hore uga diideen gumeystihii Ingiriiska.
Beelaha waqooyigu waxay bilaabeen fikradan goosashada sanadkii 1991, ilaa
maanta lama hayo dowlad isu soo taagday ama akhriday codsiyada ay wataan,
waxaaynu ka dharagsanahay in aduunku ictiraafey in badan 5 dowladood oo
ay igu dambeysay "Tamuur Sharqiya".
Isku soo wada duuboo, fikrada goosashu waa mid aduunku ka dhago adaygay,
sidoo kale maaha mid laga soo dhaweeyey wadanka gudihiisa oo umadda
soomaaliyeed farxad galiya. dhacdooyinkaas iyo taxanaha taariikhdu waxay
inoo sheegayaan in somaaliland haysan saaxiibo dibada jooga oo ay u
go'do, sidoo kalana inayna helin taageero buuxda oo dadkeedu ku
taageerayaan fikrada go'itaan.
Maxamed Jama (Madaxgaal)
madaxgaal@hotmail.com
QORAALADII HORE EE MAXED JAMA
Feein: SomaliTalk.com | Feb 15, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|
©
www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
|
>>
Usheeg Asxaabtaada
|
|
Allah Is Great
|
|

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana
dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri
XAAFID QUR'AAN
Cabdul
Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo
wacdaro
muujiyey GUJI
|
|