Duqa magaalada Muqdisho Dr. Xuseen Cali
Axmed iyo wefdi uu hogaaminaaayo ayaa dhawaan booqosho ku kala bixin
doonaan wadamada Scandinavianka haba ugu horeeysee Sweden gaar ahaan
Gobolka Sormaland ee bartamaha Sweden isaga oo la kulmi doono duqa
magaalada Katrineholm Mudane Jan Larsson magaaladaas oo ugu wayn
Gobalkaas, halkaas oo Dr. Xuseen Cali Axmed ku soobandhigi doona
dhibaatada ka jirto magaalada Maqdisho iyo dalka soomaaliya dhinac maamul
iyo dhinac nololeedba iyo sidii aay isaga kaashan lahaayeen sidii loo
horumarin lahaa magaalada Muqdsho.
Kulankaas waxaa si wada jir ah u soo
qaban qaabiyey SOMALI SOCIAL UNITY PARTY iyo Sweden Social
Democarcy iyo The Party of European Socialists. waxaa kale ee
uu Duqa magaalada muqdisho la kulmi doonaa Jaaliyadaha soomaalida ka
dhisan ee Gobalkaas SORMALAND.
Teeda kale Dr. Xuseen Cali Axamed wuxuu
mar Dhaw warbixin buuxda siin doonaa saxaafada soomaaliyeed taas oo
taaban doonta arima badan oo ku saabsan dib u heshiisiinta, Siyaasada iyo
hurumrka dalka.
Gudoomiyaha Samali Socail Unity Party
Yaasiin Maaxi Macalin
maaxi@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Boosaaso Feb 14, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan