SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

Feb 13, 2004  

WARARKA SHIRKA: FEB 13

  • Kooxda SRRC-da oo wali go'aan laga sugayo.
  • Cabdulqadir Luga-Dheere:-shacabka soomaaliyeed ma aha in Ul meel mugdi ah loogu tuuro.
Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



FAAQIDAADA CIYAARAHA... GUJI

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
 
War-1-13-Febraayo,Nairobi.
Cabdulqadir Luga-Dheere:-shacabka soomaaliyeed ma aha in Ul meel mugdi ah loogu tuuro.

Guddoomiyaha Ururka USC/Peace Action ahna Guddoomiyaha Siyaasada Beesha Shiikhaal ayaa isagoo ku hadlaya Magaca Ergada kooxda SRRC shir Jaraa'id ku sheegay in heshiiskii 29-Janaayo uu Ahaa mid hogaamiyayaasha SRRC-da warqado cad laga saxiixay oo ka dib la soo hoos galiyey dhamaan wixii dukuminti ah oo danta dawlado kala ku hoos jirta.

Waxaa kaloo uu sheegay haddii heshiis khiyaamo iyo laablaabto ku saleysan la saxiixo waxaa ka wanaagsan in aan la heshiin oo Ummadda been loo sheegin ileyn shirka ayey wax ka sugayaane .

Cabdulqaadir luga dheere ayaa waxaa kale oo uu xusay hadalii guddoomiyaha GSHDH Maxamed Cumar Xabeeb "Maxamed dheere" ee ku aadanaa Cabdiqasim oo ilaa lix bilood la sugay, waxana uu yiri waxba lagama saxiixin, hadaba waxaa roon in runta aan laga leexan oo loo xayirnaan ruux dano kale wata.

Ergada SRRC ayaa shirka u soo samirtay muddo 16-bilood iyagoo ilaalinaya danta guud ee shacab soomaaliyeed oo dagaalo sokeeye ku dhex jiray muddo 14-sano.
go`aanka Ergada ayaa waxa uu yahay in la dhawro habsami u socodka shirka (Rule of procedere)
taasoo aheyd in loo gudbo kol hore wajiga 3-aad ee shirka madaama la ansixiyey qoraalka buuga axdiga iyo dastuurka 15-bishii septembar,2003. Ugu danbeyn waxa uu beesha caalamka ka codsadey in hogaamiyayaasha iyo ergada Soomaalida ee shirka ka qayb galeysa in la hor keeno heshiis u cuntama shacabka soomaaliyeed kaasoo lagu karo Dawlad iyo Nabadgelyo waarta. ayuu ku soo gababgabeeyey guddoomiye Cabdulqadir Maxamed Xaaji "Luga Dheere".

War-2-13-Febraayo,04.Nairobi.
Kooxda SRRC-da oo wali go'aan laga sugayo.

Casho sharaftii ka dib kooxda SRRC-da ayaa shaley kulan qaatey muddo dhawr saac la yeeshay guddiga ergada ee la shaqeeya hogaamiyayaasha kooxaha SRRC.

Wada hadalo dheer iyo is tusaaleyn kaddib ayaa waxaa la isku raacey in qoddobadan wax laga bedelo.

1-Qodobka 30-aad ee xulida xubnaha baarlaamka in uu xuli karaan oo kaliya 24+ Cabdiqasim.
2-Ururada Bulshada ee ka qaybgalaya shirka waa midka uu hogaaminayo shariif saalax

Go'aanadan oo qoraal ah ayaa shaley galab waxaa lagu qaybiyey hotelka Meridian hotel ee magaalada Nairobi.

Kooxda SRRC ayaa xanibaad shirka u wareejisay ergadooda oo la doonayo in ay ansixiyaan buugta Axdiga iyo Dastuurka ee shirka Nabada Soomaalida.

Ergada Kooxda SRRC ayaa walwal weyn ka qaba in aan lagu darin xubnaha beelaha loo xulayo Baarlamaanka KMG oo la rabo in lagu dhaqo Buuga Axdida iyo Dastuurka oo ay haatan diidan yihiin Ansxintooda.

Ergada iyo Hogaamiyayaasha SRRC ayaa shaki weyn kasoo dhex galey madaama ay ku kalsoonaayeen siyaasadood oo ay haatan taagan yihiin anaga waa nala khiyamay ee idinka hadaba nala arka,ergada ayaa aaminsan in aan la khiyaamin oo ku tala gal tahay iyagana loo balan qadey qodobadii iyo waxyabihii ay doonayeen.

ilaa iyo hadda lama hayo go'aanka maalinta la qabayo xaflada xiritaanka wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta Soomaaliya.

 
War-3-13-febraayo,04,Nairobi.

Saxiixa heshiiska Ganacsi ee dalalka geeska Afrikada Bari oo dib loo dhigay.

Maalin dhoweyd ayaa maalin booqasho ah ku yimid dalka kenya Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri mosaveni ,booqashada madaxweynaha ayaa la xiriirtay in uu saxiixo heshiiska ganacsi oo ka wada dhaxeeya Uganda iyo Kenya.

Heshiiska ganacsi ayaa la hadal hayey 3-bilood ugu danbeysay in ay saxiixanayaan labada dal.
qodobadii iyo sharciyadii lagu dhaqmi lahaa ayaa la diyaaarinayay iyagoo rasmi ah,heshiiska ayaa lagu wadey in uu dhaco maalinta Isniinta ee soo socota.

sababta dib loogu dhigay ayaa warsaxaafadeed ka soo baxey madaxtoyada Kenya lagu sheegay in marka lagu kulmo Magaalada Arusha ee dalka Tanzaaniya. bisha soo soco ee Marso labadeed ayaa lagu wadaa in heshiiska ganacsi ee 3-dal lagu saxiixo guriga madaxtooyada kenya ee STATE HOUSE.

Madaxweynaha Uganda oo Kusoo Laabtay Nairobi
Yoweri Museveni ayaa maanta mar kale kusoo laabtay Kenya, halkaas oo uu ku joogi doono safar hal maalin ah... Guji

Abdikarim Aden Hussein
Nairobi Kenya.
abdikarimhussein@hotmail.com

Feein: SomaliTalk.com | Feb 13, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD