Sidaa aan wada ognahay dagaal sokeeye ayaa Soomaaliya ka bilawday
dhammaadkii 1990. Waxa uuna noqday mid ay dad badani, oo isugu jira haween,
caruur, rayid, aqoonyahaano, culumaa u diin, iwm, ku hoobteen. Hantidii guud
iyo tii gaar ahaaneedba waa lagu waayay. Waxaase hubaal ah in laga helay laba
wax oo kala ah dhacdooyin xun oo ku qormi doona taariikhda ummaddada
Soomaaliyeed iyo garaad aan si sahal ah lagu heleen.
Haddii si fiican wax loo ururin lahaa, dhacdooyinka aan la ilaabi Karin
qoraal laguma soo koobi kareen. Hase ahaatee inta la ogyahay in ka badan ayaa
maqan, dhicina karta in aan la ogaan weligood. Waxaa taasi sabab u ah arrimo
badan oo ay ka mid yihiin isgaarsiin xumo, garaadka aqooneed ee dadka
badankiis oo aan markaas diyaar u ahayn dagaal noocaas ah, ujeeddooyin
dhaqaale iyo kuwo siyaasadeed, sidii na loo soo barbaariyay oo aheed mid ka
fog xaqiiqda aan lays moogeysiin karin, iwm. Waxaa sidoo kale dhici karta in
kuwa la sheego ay yihiin wax la sameeyay ayagoo looga danleeyahay ujeeddooyin
siyaasadeen iyo dhaqaale ama caqli xumo. Waxaan tusaale la taaban karo u ah
dacwooyinka ay isku dhiibaan dadka qaxootinimada u dacwooda meelkasta ay
jooggaanba. Aniga waxaan nasiib u yeeshay in aan si fiican u barto mid ka mid
ah kuwa dhabta ah. Waana xasuuqii xasuusta mudnaa ee marxuumiintii beesha
Nuux Maxamuud oo ka dhacay dugsigii sare ee la dhihi jiray Maxamuud Axmed
Cali (MAC), duhurnimadii 10 Feberuary 1991. Waxaan Allaha awooda badan uga
baryaa dhammaan marxuumiintii ku geeriyootay halkaas iyo inta la midka ah in
uu jannada ka waraabiyo, AAMMIINN.
Waxaa jira qoraalo (sida kan uu sheegtay in uu qoray C/fataax M. C.)
iyo wareysiyo idaacadeed (sida kuwa laga siidaayay BBC) oo ku saabsan
dhacadaas. Mana aha mid ka go’aysa xasuusta Soomaalida iyo inta daryeesha
dhibanayaasha. Hase ahaatee waxaa jirta in meelo badani laga barxay ayadoo
dano gaar ahaaneed laga leeyahay. Qoraaladaasna waxa intooda badan qoray dad
ka kala tirsan beelaha dhibku kala gaaray. Haddaba waxaa is weydiin mudan
su’aasha ah: Maxaa ku kalifi kara qoraalada runta ka fog oo ay sameeyeen
dadkaasi wax qoray? Runtii su’aashani waa mid aad u adag laakinse kuu fudud
haddaad tahay geesiga ay diinta islaamka timaantay. In kasta aan jeclahay in
aan sidaas ahaado, sida qofkasta u jecelyahay, haddana Soomaalinimo igama
marna. Balse aan in yar ilkaha isku qabto oo aan wax yar sheego.
Soomaali waa diriri jirtay, waana diriritay, waana diriri doontaa. Mana
aha wax mugdi kaga jira qofkasta oo garaad leh. Waxaase markasta haboon in
qofkasta uu tiisa kaliya fiirin. Balse dhanka kalane is xasuusiya waxa ka
jiri kara yihiin dad ayaga oo kale ah. Soomaaliduna waxay tiraa “geed kastaba
in gubataa hoos taal.” Marka waa xaqiiq in dhibaatooyin xumi dhaceen,
haseyeeshee ma jirto ummadda wada nadiif ah. Reerkastana waxay leeyihiin
dhibane iyo dhibgeeste. Nasiibdarase dhibgeestaha waxaa inta qalkadka kula
safani u taqaan “geesiga reerka.” Marka uu intaas maqlana waa ka sii daraa
kana fogaadaa waxa alaaliyo wixii rabbigii abuurtay faray, asagoo geesanaayo
falal aadanimada ka baxsan. Ogowna inta badan halka wanaag uu sameeyana in ay
tahay dilista iyo dhicida kuwii sida khaldan ugu caleemo saaray waxa uu san
aheyn.
Taasina waxaa laga dhaxlayaa is eedeyn iyo farfar ku tag joogto ah oo aan
xuduud lahayn. Xalna uma aha dhibaatada maanta qofkasta haysata. Laakinse way
noqon kartaa mid lagu gaaro dan gaar ahaaneed oo muddo gaaban socota ama mid
qof waalani wato. Hubaashiina qof danayste ah (sida kuwa qoraya qoraalada
beenta ah eek u saabsan dhacdadii 10 Feb. 1991 ee dugsigii MAC) ama waalan (sida
kuwa lagu adeegtay aygoo loo lulay calan heeb wadaaga) reer ma laha. Waxaana
la mid ah ama ka hooseeya kuwa aanan u nasteexeyn oo dhallasho iyo diin
wadaaga yihiin. Dhammaantoodna waa cadowga koowaad ee xigtooyinkooda koowaad
iyo labaadba. Nasiibdarase sida haboon wax uma aragno inteen badan oo waxaan
u badanahay dad caabuda qabiil iyo riyo aan loo shaqa tageen.
Aniga waxay ila tahay in inta khaldan ee sida xun wax u qortay ama u
hadashay lagu yiraahdo “iimaanka allaha idin geliyo ee jooggiya waxa aad
wadaan.” Kuna dhahaan sidaas dadka dhallay ama xigtadooda ah. Waana taas waxa
aan hadda faraha kula jirno aniga iyo inkale oo runta iyo wanaaga jecel.
Xaqiiqdiina hadday taasi meel marto, ayadoo qof walba ama koox walba (sida
warbaahinada Soomaaliyeed) ay si Alle ka cabsi leh u guduto kaalinteeda
sidaan hadda nahay waa dhaami lahayn.
Ugu dambeyntiina waxaan si gaar ah uga codsanayaa inta arrintan wax ka
qortay (sida C/fataax Maxamed Cabdulle) aysan runta ka dooran waxa ka
fogeeynaaya adduun iyo aakhiraba. Xaqiiqdana ha u sheegaano ama ha u qoraano
sida ay tahay. Haddii kale ha dhagaystaano talalooyinka maangalka ah ee
walaalahooda kale.
W/Q:
Yuusuf Xaaji Wehliye Raage
Maamulaha Golaha Midnimo
yusufweheliye@hotmail.com
London, UK
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 13, 2004
Sannadguuradii 13aad ee kasoo wareegtay xasuuqii ka dhacay Dugsigii Sare ee
Maxamuud Axmed Cali
Shacabkan la xasuuqay waxay ahaayeen dad kasoo qaxay dagaalladii ka socday
magaalada Xamar ee..
Guji 10/2