Magaalada Ottawa oo ah magaala madaxda wadanka Kanada waxa ay ka mid tahay
magaalooyinka ay Soomaalidu sida aadka ah u deganyihiin. Dhibaatooyinka ugu
waaweeyn ee Soomaalida magaaladan haysta waxa ka midda dhibaatooyinka kaga
yimaada booliiska magaalada. Dhawaan ayuu wargayska ugu wayn ee magaaladan ka
soo baxaa waxa uu soo bandhigay qaar ka midda dhacdooyinka foosha xun ee uu
boolisku ku hayo Soomaalida deggan Ottawa, si gaar ahna waxa uu wargaysku aad
uga faalooday dhibaatooyinka uu booliisku u gaysto dhalinyarada Soomaaliyeed
oo intooda badan loola dhaqmo si khilaafsan qaanuunka u yaala wadankan.
Madaxda magaaladan oo ay ku jiraan kuwa booliisku waxa ay marar badan balan
qaadaan in ay wax ka qaban doonaan dhibaatooyinkaas laakiin markii muddo la
joogaba waxa soo baxada dhacdo cusub oo ka midda dhibaatooyinkan uu booliisku
u gaysto Soomaalida.
Dhacdadii ugu danbaysay
Muddo iminka laga joogo usbuuc ayay dhacday dhacdadii ugu
danbaysay. Dhacdadan oo ahayd mid ay aad uga warameen badiba telifishanada
iyo wargaysyada magaaladu wax ay cadaynaysaa cunsurinimada uu booliiska ku
hayo Soomaalida. Waxa ay dhacdadu u dhacday sidatan: koox cadaan ah iyo koox
madow ah oo Soomali u badan oo ay meheradahoodu (business) isu dhawyihiin
ayaa isku af dhaafay arimo la xidhiidha gawaadhodooda(mid cadaan ah ayaa
gaadhigiisa ku xidhay gaadhi uu lahaa inan Soomaaliyeed). Is af dhaafkan (oo
aan keenin wax gacan ah) kadib qolo kastaba waxa ay ku noqodeen meheradoodii.
Qolodii cadaanka ahayd waxa ay isla markiiba la hadleen booliiska oo ay u
sheegeen in rag madow ah oo hub wataa ay soo weerareen. Booliisku meeshii ay
dhibtu ka dhacday waxa ay islamarkiiba u soo direen boolis aad u hubaysan oo
wata ilaa 10 gaadhi. Ragii cadaanka ahaa ee ay Soomalida is laayeen oo ay la
socdaan booliiskii ayaa u yimid Soomaalidii. Ninkii watay booliisku isaga oo
aan wax su’aala ah waydiin Soomaalidii ayaa waxa uu markiiba amar ku bixiyay
in la katiinadeeyo inta madowga ah oo dhan. Dhamaanba Soomaalidii iyo
madowgii kale oo dhan waa la xidhxidhay qaarkoodna booliisku dhaawac ayuuba
gaadhsiiyay. Ka dibna waxa dhamaantoodaba loo taxaabay xaruunta dhexe ee
booliiska magaalada halkaas oo ay ku xidhnaayeen habaynka intiisii badnaa.
Markii la sii daayayna waxa la sii daayay iyaga oo aan wax danbiya lagu soo
oogin.
Warkani markii uu ku soo baxay warbaahinta magaaladan waxa
uu dhaliyay buuq iyo sawaxan badan. Dad badan oo ah dadka la shaqeeya
Soomaalidu waxa ay warbaahinta magaaladan u sheegeen in dhacdooyinka noocani
ay yihiin qaar maalin kastaba ku dhaca Soomaalida. Tusaale ahaan dhawr
maalmood kadib iyadoo uu wali buuqani taaganyahay ayaa hadana waxa la soo
sheegay in dhaliinyaro yaryar oo Soomaaliya oo qolo cadaan ahi soo
ashkatayaysay sidoo kale la iska xidhxidhay iyada oo sababta ugu wayn ee loo
qabtay ay tahay in cadaanka xaafada la deggani ay ka soo ashkatoodeen
dhaqankooda.
Sidii caadadu ahayd, ka dib markii ay Soomaalidu la
shireen madaxda magaalaada waxa uu ninka madaxda ka ah booliisku uu u sheegay
warbaahinta iyo Soomaalidaba in ay dhacdadani waxa ka badali doonto sida uu
booliisku ula dhaqmo Soomaalida, sidaas oo kale waxa uu sheegay in baadhid
wayn lagu samyn doono sida uu ku dhacay arinkani. Sidaas ayay yidhaahdaan
madaxda booliisku mar kasta oo dhibtan oo kale ay dhacdo laakiin halkaa kama
qaadaaan!!.
Dhibaatadu waa mid meelwalba taal
TORONTO: Cajalad Vedio ah oo laga
Duubay nin Booliis ah oo Feeraya Wiil Soomaaliyeed
Guji....
|
Bal markan waynu eegi halka uu ku danbeeyo balanqaaadkaas
madaxa booliisku, laakiin aragtidayda dhibtani ma aha mid ku kooban
Soomaalida Ottawa iyo Kanada oo kaliya. Waa dhib haysata Soomaalida meel
kasta oo ay joogaanba. Afrika, Eeshiya, Yurub iyo Ameerikaba intaba hadaad
akhrido wararka Soomaalida dhulalkaas deggan waxa aad arkaysaa in dhibta iyo
cunsurinimada lagu hayo Soomaalidu in aanay yarayn. Kala daadsanaanta
Soomaalida iyo iyaga oo aan lahayn ururo xoogan oo u dagaalama xuquuqdoodu
waxa ay keentay in meel kastaba lagu dulmiyo. Jaaliyadaha kale ee ka midda
jaaliyadaha dibadaha deggani waxa ay leeyihiin cid u dooda xuquuqdooda marka
ay dhibi ku timaado. Ugu yaraan waxa ay leeyihiin Safaarado u dooda
xuquudooda dadkooda. Soomaalidu safaaradna ma haystaan sidoo kale urur xoog
leh oo ay ku midaysanyihiin oo xuquuqdooda u dagaalamana ma laha. Arinkaas
waxa uu sababay in meel kastaba la inagu ugaadhsado. Sidaa daraadeed waxa ay
ila tahay in ay daruuro tahay in la helo ururo (ama urur) si khaas ah ugu
dagaalama xuquuda Soomaalida qurbaha ku dhiban. Aragtidayda ururudaasi waa in
ay ka madaxa banaanaadaan siyaasad Soomaalida waana in ay hawshoodu ku
eekaataa u dagaalanka xuquuqda qofka Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool. Ma
fududda hirgalinta arinkani laakiin waa sidda kaliya ee argtidayda
jaaliyadaha dibada joogaa ay xuquuqdooda ku ilaashan karaan. Sidoo kale waxa
aan soo jeedin lahaa in hogaanka jaaliyadaha Soomaalida ee dibadaha gacanta
loo galiyo ama ugu yaraan laga qayb galiyo dhaliinyarada ku barbaaratay
mujtamcaadkan kuwaas oo aad moodi in ay aad u fahansan yihiin waagaca
mujtamaca aynu dhexdegenahay.
Ilaahay xaqqa ha ina waafajiyo!
Mahadsanidin.!
Siciid Cali Axmed
Saidahmed67@aol.com