Waa kuma ninka miirkiisa qaba oo meel la
fariisanaya magool, Aqriste nin suxufi ah oo magaciisa la yiraahdo jamaal oo
uu shaqeeya jariirad la yiraahdo war-dheer oo ka soo baxi jirtay ama la
yitraahdo
Xaquuqal-ul-saabiriin oo ka dhisan barigga dhexe ayaa
ninkaas oo jariiradaa uu qaabilsan warr-waraynta arimaha bulshadda gaar
ahaa,Xagga xaquuqal insaanka uu socdaal ku joogi jiray barigga dhexe isagoo
socdaal kuurgalid ah ku tagay qaaradda aasiya isla markaana deganaa sida
muuqata.
Isagoo soo maray wadama badan ayaa waxuu ku hakaday
wadanka hindiya isagoo hore uu daganaa dalka bakistaan oo uu hore uu deganaa,
balse dalkaan hindiya ayuu haatan ku hakaday, Waxaay uu ujeedadiisu ahayd bal
inuu wax ka ogaado xaaladda iyo daruufaha nololeeed ee haysta dadkii ku
tabaaloobay shaqaaqada ka taagan kashmiir iyo guud ahaanba nolosha meeshaas
ka jirtaa.
Waxuuna doonaayay si aduunyadda loogu dirro qaylo
doon loogu yabooh iyo waxii dunidu u fidin karto,oo kaalmo ahaa,Dadkaas oo
arimahaa aad iyo aad ugu baahnaa gaar ahaan, Xagga nolosha ayaa ninkaa
suxufiga ee jamaal la yiraahdo ee waran waranlaha ahi meela walbo uu kuur
galay isagoo tooxinaya dadka ay arimaha uu haybinayaa aanada uu yahiin, Sida
hayadaha gurmadka, Qaas ahaan kuwooda war-fidinta. Waxuu samaystay isku doon
meheradeed oo laganka dadwaynuhu jeclayeen isuguna yimaadaan halkaas iyo
intii uu samaystayba ama uu joogayba isla markaana darka bunka,Waayo
war.fidiyeenaddii hay,ada ayuu ka helay soo dhawayn badan kana war qaatay,
Waxuuna uu joogtaystay in ay soo noq-noqdaan isagana waxuu ka jiriyaa waxii
soo kordhay war ku saabsan docduu rabay oo ahyd in isaga uu ahaa kan kaliya
ee soo jiita hadalka marka ay noqoto,
Waxaay sidaa ahaataba maalin ka mid ah maalmaha ayaaa
waxaa soo ag fadhiistay nin aanu looga baran meeshaas oo magaciisa la
yiraahdo cabdi xakiin, Laaakiinse anan ka duwanayn hor-weyntii,
Sabadan wax walba haye, Hase yeeshee aan joogta ahayn
sida seera daaqyada uu qaalibka ah,
Aqristoow waa ay is bariidiyeen jamaal iyo cabdi
xakiin, Is-Nabdaadintaa iyo is magac dhow ka dib, Waxaay hoos isu tooxiyeen
iswaraysi, Jamaal isa sheeg inuu yahay nin wariye ah isagoo raaciyay
jariirada uu ka socdo, Ninkii cabdi xakiin ahaa waxuu isugu sheegay in uu
yahay af-hayeenkaa nimanka kowaad ee dunidda, Suxufigii jamaal ahaa intuu
sidii lamadood ku jiray uu baraarugay ayuu ku jeestay jeebkiisa kalana soo
baxay buug yare iyo qalin ugu jiray una faadhumaystay sidii qof naxsan oo
kalaa yaaban waxa ninkaan meesha keenay, Ilayn jamaal waxuu maqlay waxaana
hore uu maqale, Wuxuuna jamaal si dhaban dhaaf ah ugu ganay af-hayeenkii
su,aalo sidaan ahaa..
Jamaaal. Waa maxay ama maxaad ugu jeedaan samaynta
ururkaan halkeese xurun u ah?
Cabdi-xakiin.Ururkaan waxaan aas-aasnay dhawaantaan,
Waxaayna ujeedadiisu tahay in aanu
faafino ama aan wax ka sheegno inamada koowaad.
Jamaal. Waa maxay dhibaatadda idiin haysataa ama
qaasaraha idiin gaaray haatan?
Cabdi xakiin.Dhibaatada na haysataa waa tasayn nagu
timid mana garanayo dhibkaas.
Jamaal. Waxaad tiri waa nala tasayaa ee sidee baa
laydin taseeyaa bal inoo kala faafi?
Cabdi xakiin. Cid war noo haysa ma jirto shar iyo
qayr nalama sheego sida loo sheega kuwa kale.
Jamaal. Maxaad jeceshahiin in dinidda loo sheego, ugu
yaraan maxaad jeceshahay?
Cabdi xakiin. Marka lays qarxiyo oo lays walaaqo
waxaan nahay kuwa dhibaatada ku dhacdo,
Canaan iyo tirtirsi baa nalagu bilaabaa Qarkaa ka
hare, Qarkaa baanu is haynaa
Meesha isaga kac waa ragee kaalay adigu wajah,Meesha
ha ii fadhine,Waanigii
shalay ilaa alaafeyta eryadaye, Waxaa iyo wax xilo oo
sii kale daran baa i hela
Ninkaygaan sidaa la leeyahay waa ninkii markii la
faqaayay lagu yiri shaqadii ka soo tag
qarkaa ka soo tag qayr cusubna aanan helin, oo juuqna
odhan oo ku dhago
barjoogay loo dhigay iyo wax daran oo kale, Waana taa
hore qarkay ka hadhaye
Jamaal. oo yaaban fajac iyo yaab ka muuqda oo
dhabanka iyo gacmuhu isa saaray ayaa yidhi runtii
waa arin loo baahnaa in la ogaado oo dunida la
gaarsiiyo ee aan sii yara anba qaadnee
hadalka ee gartay xaaladaha aad sheegtaye,Waxaad iga
warantaa marka ay muxaafidku
Ama golaheed wax jiraan waa sidee dhinacaaga?
Cabdi xakiin. Waa su,aal fiican, In kasta oo aad
moodo inaad dulxaadinaysid laakiinse maa caleesh,
Waana taasi aad sheegtay tan hore waa marka aanay ka
qasnayn ee deebloowda la
hayo arina shax shax yahay oo ay sida xerteeda ugu
diboodhiso ayuun bay iigu
durdurisaaa oo waliba jeesjeesid iyo mashiiqsi ku
jirro, Marka ay yara jah wareertana
Waxaan ahay nin uu muuqda caga-damdamlaha kowaad oo
magaalada intaa le,eg
baan socod ku maraa habeen iyo maalin anoo is lahaa
aarso oo waxaa taleefoon ku
yaal aan kolba mid soo garaacaaa anoo iska
yeelyeelaya dadweyne taageero ii soo
dirayana ma laha xitaa mararka qaarkood hanjabaad
baan ugu daraa.
Jamaal.. Oo qoslaya ayaa yidhi: Wallaahi..Yaa...Ballo
arag..Yaa..Waxbaan arkay tan oo kalaa lama
arag..Yaa waa ugub. Wuxuuna intaa jamaal raaciyay
maxaa is badal ah ku dhacay ee aad
dareentaa adoo soo koobaya?
Cabdi xakiin..Wuxuu yiri lama tirin karo waxa ii
gaaray maskax ahaan iyo mooraal ahaanba waxase
ugu wayn; Waxaan yeeshay dhaga nuglaantii cadowga,
Waxaan qaayibay samirkii.
Suxufigii.. Ayaa yidhi....War...Iyo wacaalba waan
aragnee maalin cad baa lays dhacayaa... bye...
Aqristoow waxaan markaan jecelahay inaan wada
milicsano gabay, Balse gabaygaan waxaa loo tiriyay jabhadii usc ee maxamed
siyaad ka saartay magaalada muqdisho iyo guud ahaanba dalkii xiligaas siyaad
bare iyo qamaan bulxan waxaay joogeen ama uu qaxeen magaalda buur dhuubo
Hadaba gabyaagii fayasal cali ina waraabo oo inta
badan tageeri jiray jabhadaas ayaa tixdaan waxuu tiriyay bishii maarso 1991
isagioo xoogagii usc ama qabiilka hawiyaha aad uu taageersanaa, Hadaba tixdii
aan dhamaanteenba wada milicsano tixdii la magac baxday Waa iga dagi waysay,
Macnaha iyo murtida ka danbayso aannu wada eego tixdii faysal cali libaax
waxuuna yidhi::::::::
- Dhibka aadanaha waa sinaaa dibad bixiisiiye
- Qaarbaa dagaalkii ku haray oo doc jiif galaye
- Dalkoodoo ku filan baa cuntada loo dawiriyaaye
- Dulucdayda meesheey ahayd baan u daadigiye
- Dhagahiina igu deeqa oo dooda iga dhuuxa
- Diktoorkii dumay maalmahii lala dagaalayay
- Ee xamar daryaantee ee madfaca diririglaynayay
- Ee maydku wadad daadsanaa dadkoo mid kaliya
- Oo qiira wada duuban iyo doonis kaliyaate
- Halkuu daama waynuhu fadhiyay fiidkii lagu daatay
- Ee dabada loo rogay waqtiga waa is dabajooge
- Waajibkaa dadweynahii daadahshoow iyo ururkiiye
- Taariikhda baal dahab ah bay kaga darmayaane
- Ha yeeshee dareen baa dhacay iyo dabacsanaan wayne
- Afrikaanka cudurkii dilaad dabada haysaane
- Iyadoo uuna reerkii dagin uuna wali doogsan
- Iyadoon dagaalkii dhamaan oo buntiqii yaalo
- Iyadoo uu doofaarkii degay gado duleedkeeda
- Iaydoon shirwaynihii la dudin qaranka doonaayey
- Iyadoo daryeelkii bulshadu aad uu kale daatay
- Iyadoon rasaastii damin xamar dhex duulaysay
- Diriri way horeysaye hadaan dib ugu sheekeeyno
- Jabhadii dubaha wayn dhakada duudka ku sii
qaadatay
- Ee miciyihii daadisee daamankii jabisay
- Cabdi bile ragii soo diray iyo jananaduu doortay
- Ee faraha laga duubtoo loo dagdagi waayay
- Maantana dalkii fadhiyoo qaarba ka dowlad ahe
- Ma il duufto daacadiye bari waajib dooon tahaye
- Durbaba waxaan wafuud loogu dirin waa iga dagi
waysayeee.
Aqristoow waxaa ka muuqata tixdaan gabayga ah inuu
abwaanku ku taageersanaa jabhadii uscda
Waliba isagoo waxoogaa dhaliilsanaa jabhadaaas
laakiinse guud ahaanba tixdaan waxaay ku socotay xoogagii maxamed siyaad
xamar ka saaray markaa lama oron karo faysal waxuu necbaa uscda maxaa yeelay
tixdaan ayaa ka marqaati kacaysa siduu uu tageersanaa uscda iyo snmta
nabadeey..
QORE
Cali diiriye nuur pilot
liibaan33@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan