SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

Feb 12, 2004   

WARARKA SHIRKA: Feb 12

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

War-1-12_Febraayo,04,Nairobi.

Safaraarada Mareykanaka ee Nairobi oo lagu Qabtey Xafalada Bedelida Safiirka Dawlada Talyaaniga u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya

Hogaamiyayaasha Soomaalida ee shirka oo casho loogu sameeyey safaarada Mareykanka ee Nairobi

 

Safiirka Dawlada Talyaaniga u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya ahna wakiilka Midawga Yurub ee arrimaha shirka Ambasator Carlo Ungaro ayaa shaley ku ekeyd shaqada uu u hayey dawlalada talyaaniga ee arrimaha Soomaalida,madaama uu galayo xilliga halgabnimada .

Carlo ungaro ayaa arrimaha shirka nabada Soomaalida ka shaqeenayey tan iyo markii uu shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ka bilowdey magaalada ELDORET,15-Oktober,2002.

Mario Reffeli ayaa lagu wadaa in uu qabto howshii uu hayey Anbasator Carlo Ungaro ee Dawlada Talyaaniga iyo tan Midawga Yurub.

Carlo Ungaro ayaa firfircooni dheeri ah ka muujiyey shirka dib u heshiisiinta Soomaalida maalmihii ugu danbeeysay ee bshii desember kulanka gooni u baxa oo hogaamiyayaasha Soomaalida loo qorsheynayey in gooni gooni isugu arkaan xeebta magaalada mombaasa marar badan dib u dhac ku yimid.

Xaflada kala bedelka ee safiirada Dawlada talyaaniga ee ka dhacay safaarada mareykanka ee magaaladfa Nairobi ayaa muujineysa isu soo dhawaashaha dawladaha yurub iyo mareykanka ee ku aadan Mowqifka mideysan ee arrimaha shirka Nabada soomaalida. Dawlada mareykanka ayaa bishii ugu danbeysay ee janaaayo culeys xoog leh soo saaarey ka warheyn shirka soomaalida oo caga jiid badan kaga yimid dhanka Dawladaha ay Deriska yihiin Soomaaliya.

Dawlada Mareykanka iyo yurub ayaa ka goan in Soomaaliya Dawlada hesho bilaha soo socda halka ay dawalada deriska yihiin Soomaaliya daqiiqad walba eegaya talaabada shirka uu marayo in ay ka muuqato danaha gaarka ah ee dawladooda.

Dawlado qaar ayaa moodaa in ay si dadban uga baxeen shirka nabada Soomaaliada oo hormuud ka ahaa qabanqaabadiisa,dawladahaasi ayaa la sheegayaa ku yimd culeysyo kala duwan ee xaalada dalkooda soo wajahdey iyo tan siyaasada arrimaha dibada ee dalkooda .

cashada kala bedelka safiiraha talyaaniga waxaa kaloo lagu casuumay hogaamiyayaasha siyaasada soomaalida iyo shaqsiyaadkii ka qayb galey kulankii wada tashiga ee safari Parka oo tiradoodu dhan tahay 39-qof.

ka qayb galida cashada ee hogaamiyayaasha Soomaalida ayaa waxa kaloo ku hoos jira in la is hor fariisiyo hogaamiyayaasha Soomaalida ka dibna gacnaha la isu galiyo madaama hogaamiyayaasha SRRC ku doodeen in aan meel lawada fariisan ,qoddob qura laga wada hadlin.

cashadii xaley ka dhacdey safaarada mareykanka ee magaaalda nairobi ayaa laheyd dhawr waji oo kala duwan marla laga eego arrimaha shirka nabada soomalida ee ka socda Dalka kenya muddo 14-bilood.

war-2-12-febraayo,04,Nairobi.
Hogaamiyayasha SRRC oo wali laga sugayo go`aan ........

ka dib markii uu kulan gooni ah la yeeshay wasiirka wasaarasada arrimaha dibada dalka kenya Kalonzo Musyoka kooxda SRRC-da oo diidey heshiiskii la saxiixay 29-janaayo guriga madaxtooyada dalka kenya,
wasiirka ayaa u sheegay Kooxdaasi in go'aankan marnaba laga noqon karin,ayna ku qasban yihiin in ay ka qayb galaan iyaga iyo Ergadooda ansixinta u codeynta Qoraalka buuga Axdiga iyo dastuurka ee shirka Nabada Soomaalida oo la doonayo in lagu dhaqo Baarlamaan KMG iyo Dawlada Dimoqoraadi Federaal KMG ah Muddada 5-ta sanno shacabka Soomaaliyeed.

Kooxda SRRC ayaa wali ku doodeysa ansixinta buuga axdiga in ay ku xiran tahay Ergada soomaalida ee shirka ka qayb galeysa,SRRC ayaa IGAD u muujisay in ay si toos ah ergada ula hadlaan ugana dhadhiciyaan qoddobada lagu saxiixay heshiiskii hogaamiyayasha Soomaalida ee ka dhacey STATE HOUSE-ka Kenya. Ergada shirka ka qayb galay ayaa boqokiiba 70% ilaa 80% ah Ergada Kooxda SRRC marka loo eego ergooyinka ka wada qayb galaya shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee ka socda kenya.
ugu danbey wasiirka ayaa u sheegay kooxda SRRC in ay goaan kama danbeysa ah soo gaaraan ilaa  Jimcada, si Sabtida loo qabto xaflada xiritaanka wajiga labaad lana ansixiyo qoraalka buuga axdiga iyo dastuurka ,loona gudbo wajiga 3-aad ee shirka oo ah awood qaybsiga Qabiilada Soomaalida.

Madaxweynaha Uganda oo Kusoo Laabtay Nairobi
Yoweri Museveni ayaa maanta mar kale kusoo laabtay Kenya, halkaas oo uu ku joogi doono safar hal maalin ah... Guji

dhamaad .
Abdikarim Aden Hussein.
Nairobi.Kenya.
abdikarimhussein@hotmail.com

Wararkii Hore ee Shirka Nairobi...

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 12, 2004 

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD