Taageer Daryeelka Degmada
Balcad
Taageer dhismaha daryeelka caafimaad iyo waxbarsho
ee Muqdishu iyo degaanka la xiriiro
Ururka Samafalka ee Daryeel
Dusiga Degmada Balcad
|
Walalaayaal, sida
aan ka warqabno, Ummadda Soomaaliyeed waxay ku jirtaa marxalado kala duwan oo
aad iyo aad u qalafsan. Cid walbo oo Soomaaliyeedna waa ay ka damqaysaa
dhibka isaga ah ee saameeyey Ummadda Soomaaliyeed nooc kasta ay leedahayba:
sida Dadka Waaweyn (adults), Haweenka, Odayaasha, Dhalaanka iyo Dhalinyarada
iyo dabcan qaybaha kale ee Bulshadu leedahay. Sidaas daradeed, waxaan
Jaaliyadaha ku nool dalka dibaddiisa meel kasta aay joogaanba iyo qeybtay
doonaan ha noqdeen, Waxgaradkooda, Aqoonyahanadooda, Rag iyo Dumarba, waxaan
si naxariis leh iyo wadaniyad leh uga codsanaynaa inay soo taakuleeyaan
Walaalahooda Soomaaliyeed ee degaan ahaan ka soo jeeda Gobolka Banaadir iyo
nawaaxigiisa ee aan lahayn daryeel caafimaad iyo waxbarsho gaarsiisan
degaanka oo dhan.
Sida qof walba ee
soomaali ah ka warqabo, noloshada bulshada ka soo jeeda Muqdishu iyo degaanka
Gobolka Banadir maanta nolol xumo ayaa haysata taaso saldhig ee uu tahay
dhibaatda guud ee Dalka Soomaaliya hortaagaan. Wax adeeg caafimaad ama
waxbarasho ee mujtamaca dega gobolka ee maanta heystaan ma jirto, marka laga
reebo qeebo kooban oo ganacsi looga dan leeyahay.
YAA HOGAAMINAAYO ARRIMAHA LAGU HORMARINAAYO ADEEGGA CAAFIMAAD IYO
WAXBARASHO EE DEEGAANKA?
Cisbitaalka Degmada Baclad ---------------- Dugsiga Degmada Balcad
|
DARYEEL waa urur samafal ee Soomaliyeed, xafiisyo ku leh
Soomaaliya iyo Sweden, kana diiwaangashan dalka Sweden, islamarkaana caawiya
Ummadda Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Banaadir. Ururka DARYEEL
ma aha urur siyaasadeed iyo urur xukundoon ah midna ee waa urur
u shaqeeya kalsoonina ka haysta Ummadda Soomaaliyeed ee ku nool degaankaas.
Ka dib markii ururka DARYEEL aay soo gaareen baaqyo,
cabashooyin iyo akhbaaro ka kala yimid Wax garadka, Odayaash, Aqoonyahaanada,
Culimaudiinta iyo Masu’uliyiinta magaalada Muqdishu iyo degmooyinka kale ee
degaanka, ayaa soo shaac baxdey arrinta daryeel la’aanta iyo dhibaatada heer
nololeed ee
Webiga Shabbeele ee Degmada Balcad
Xoolo Dhaqato Aroor U Socoto
Taalo Ku Taal Degmada Balcad
|
ka taaagan maanta
Degmada BALCAD, taaso ka tirsan Degaankaas, ayaa ururka
DARYEEL wuxuu go`aansaday inuu Baaq degdeg ah u diro cid
allaale iyo ciddii garab ka geysan karta in ey ku caawiyaan walaalahood ku
nool degmadaas iyo nawaaxigeeda sidii waxbarasho iyo adeeg caafimaad ee
xasaasi ah loogu heli lahaa carruurta iyo maatada kale, ee ay ku habsadeen
cudurada iyo
waxbarasho
la,aanta iyo dad la’anta ku dhacdey mushtamaca oo ay sabab u ahayeen
dagaallada sokeeye ee muddada dheer ka socdey Dalka Soomaaliya. Muddo laba
sano ah ayaa xaaladda nabadgelyo ee degmada soo roonaaneysay; maantana
nabadgelyada iyo isusocodka shacbiga waa la sugay; nasibdarro xaalad aad uu
liidata ayaa ka heysata dadweynaha dhinaca waxbarashada iyo adeeggga
caafimaadka. Waxaa maanta mujtamaca hadal qabsi uu noqotey: In
xabbad la qaybiyo waxaa ka fiican in abuur iyo daawo la qaybiyo!
Haddaba, ururka
DARYEEL wuxuu mar walba xaq dhowarayaa, ee uuna ilaalinayaa
jiritaanka ummadaas ee masiiboyiin kale duwan ku dhaceen, taaso ugu weyntahay
in maanta ee yihiin mujtamaca ugu liita dalka ayago lagu yaqiin soo dhoweynta
muwaadin walba ee Soomaali ah. DARYEEL wuxuu balanqaadayaa,
haddii Alle yiraahdo, in wax alaale iyo wixii samafal ah ee la helo uu
gaarsiini doono Degaankaas iyo dadkiisa wixii ay walaalahood Soomaaliyeed ugu
deeqaan degaankaas. Ogow taariikhdu waa aay qori doontaa cidii ummadeeda wax
u tarto Gobolka Banaadirna waa uu ku faani doonaa. Ilaaheeyna Ajar iyo
xasaanaddna waa uu ka siin doonaa. Anagan si nabad buuxda loo helo waxaan
Soomaali ku baraarujineynaa in hadal qabsi ka dhigtaan: Qoriga dhig
oo buugga qaado!
Yaa la
shaqeeynayo Ururka DARYEEL?
Ururka DARYEEL
wuxuu dhowraaba waa deeqsinimadiina, naxariistiina: hadal yar iyo
howl badan! Isla markaasna wuxuu idin balan qaadayaa mustaqablka
dhow warbixino qaas ah ee ku saabsan arrimaha bulshada ee Gobolka Banadir.
Ururka DARYEEL waxaa uu mahad gaar ah u soo jeedinayaa
ururada hoos ku qoran oo wada shaqeeynta kala dhaxeyso, oo ayagana ku
mashquulsan soo celinta adeega waxbarasho iyo caafimad iyo nabad raagta ee
Muqdishu iyo degmada Balcad iyo dhammaan Gobolka Banadir, ururadaas oo kal
ah: HOMDAS Association oo fadhigiisa yahay Waqooyiga
Ameerika (Kanada), WAACID ee Saudi Arabia,
HealthCare and Advocacy ee dalka
Ingriiska, Jaaliyada Hurumarinta Banaadir ee Norway,
Jaaliyadda ee Denmark, ururka KULAN ee Muqishu,
kuwaas oo si daacad ah ugu guntadey ka shaqeynta arrimaha lagu horumarinayo
degaankaas ee loolan siyaasadeed iyo dagaalo sokeeye aad uu saameeyeen;
ururadaas waxey ka wada shaqeeyn doonaan hirgelinta nabad waarto, wada
noolaansho, wax-wada qeybsi ku saleesan hab wada tashi leh (Demoquraadiyad)
iyo dhowridda nolasha aas-aasiga ah.
Hadii aan rabno in aan taageerno howshaas ama maclumaad dheeri ah
rabno, sidee ula soo xiriirnaa?
Wixii faahfaahin waxaad kala soo xiriiri kartaa adigoo tixraacayo iimeelada
hoos ku qoran:
Fadlan dooda iyo wax-qabdka ka qeyb qaado si tala wanagsan loogu shaqeeyo!!!
Maamulka
Ururuka Samafalka ee DARYEEL!
ALLAA WAX OG!
Ururka DARYEEL (Sweden) ------------------------ --------
daryeel5@hotmail.com
Ururka HOMDAS Association (Kanada) ----------------------
homdasassociation@hotmail.com
Ururka WAACID (Saudi Arabia) -----------------------------
jiilaal146@hotmail.com
Ururka Somali Healthcare and Advocacy (England) ----------
info@somalihealthcare.org
Ururka Horumarinta-Banadir (Norway) ----------------------
horumar@hotmail.com
Ururka KULAN (Muqdishu) ---------------------------------
oomaar60@hotmail.com
Ururka DARYEEL (Danmark) --------------------------------
haliyale@hotmail.com
Ururka NABAD (Balcad) ------------------------------------
maxamuud_xuseen@hotmail.com