Feb 11, 2004
Madaxweynaha Uganda oo Kusoo Laabtay Nairobi

Madaxweyne Yoweri Museveni (bidix) & Mwai
Kibaki (midig): Nairobi Feb 11, 2004, Sawirka: Eastandard |
Warar ay faafiyeen warbaahinta Kenya ayaa shaaca ka qaaday in
maanta (Feb 11) uu madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Museveni
uu ka soo degey gegida dayuuradaha ee Nairobi, Jomo Kenyatta, halkaas oo uu
kusoo dhoweeyey madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki.
Waxyar ka dibna waxaa wararku sheegeen in
labada madaxweyne uu kulan ku dhex maray guriga madaxtooyada kenya, inkasta
oo aan la shaacin arimihii ay ka wada hadleen.
Waxaa beryahan jirey heshiis ganacsi oo lagu
wadey in ay kala saxiixdaan wadama la isku yiraahdo East-Africa (Kenya,
Tabzania iyo Uganda) heshiiskaas oo dhici lahaa Isniinta soo socota kana
dhici lahaa magaalada Arusha ee dalka
Tanzania ayaa lagu soo waramay in dib loo dhigay ilaa March 2, 2004. Dib u
dhacan ayaa lagu tilmaamay in ay ka timid faraqa u dhexeeya labada madaxweyne
taas oo la xiriirta xagga cashuuraha.
Arintan cashuurta ayaa la sheegay in Kenya iyo
Tanzania ay isku waafaqsan yihiin in cashuurta alaabada laga soo gato dal
kamid ah dalalka heshiiskan kala saxiixanaya ay ahaato 25 boqolkiiba (25%),
laakiin Uganda waxa ay rabtaa in laga dhigo 20 boqolkiiba.
Waxaa wararku intaas ku dareen in madaxweynaha Uganda uu safarkan uu ku
yimid Kenya uu ahaa mid hal maalin ah, lamana oga in ay ka wada hadli doonaan
arimaha shirka Soomaalida hadda uga socda Nairobi.
Wararkii Hore ee
Shirka Nairobi...
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 11, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
.
XAMAR DAAWO DACALLADA...
SAWIRRO....
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|