Feb 10, 2004
Boqor Buurmadow
Cawl mareero
cawl_mareero@hotmail.com
Qoraa Faransiis ah oo arrimaha somaliada wax ka qoray ayaa wuxuu ka hadlay
degganaanshaha iyo Nabadda waqooyi ka jirta ee laga waayey Koonfurta, wuxuu
arintaa sal uga dhigay labadii gumayste ee soo kala xukumay labada
mandaqadood.
Wuxuu sheegay in gumaystiihii Ingriisku aanu waxyaalo badan faro gelin
sida xushmayntii iyo talo lahaantii Salaadiinta, hab dhaqankii dadka iyo
xeerarkoodii toona. intii uu joogayana Salaadiintu talada dhulka wax weyn bay
ku lahaayeen aadna waa loo ixtiraami jirey.
halka Talyaanigu uu baabi'iyey gebi ahaanba qaab maamulkii isaga ka
horreeyey ee Salaadiinta(Isimada), Xushmaddiina ka qaaday, dhaqankii dadkana
si weyn u saameeyey.........
Waxaase jirta in arrintaa xun ee Talyaanigu la yimid
goblada qaarkood ay ka badbaadeen sida meelaha ka fog webiyada ee aanu
Tayaanigu xoogga ku yeelan
Salaadiintii waxay noqdeen kuwo sii jira oo aan laga
maarmin.
Haddaba arrinta qoraaga faransiiska ah waa mud muuqata.
Markii dawladdii dhexe burburtay ayaa mar kale loo
baahaday odayaashii dhaqanka
waxayna ahaayeen kuwii u sabab ahaa degganaansha iyo
nabadda maanta lagu haysto meelaha qaar sida Somaliland iyo Puntland. Marna
ha u malayn in ay maskax kale ama dawladaha ka jira sabab u ahaayeen. waxa
ilaa hadda dhulkaas lagu joogaa waa iyaka.
Dadka degaanadaasina xushmad iyo abaal weyn ayey u hayaan Salaadiintooda.
Waxaa jiray Salaadiin ku abtirsada kuwa soo jirey iyo
ku cusub oo hadda la boqray,
Waxaa jira Farqi weyn oo u dhaxayn kara salaadiinta
Cusub iyo kuwii hore.
1.Kuwii hore waxay ku yimaaddaan Hab is dhaxlid ah. oo wiilkii curad ee
Suldaanka(Isimka) ayaa automatic Aabbihii uga dhaxlaya Derjada. Haddaba
wiilkaas dhaxalka ku yimid Doqon iyo Diric midba wuu noqon karaa. waa
bakhti-yanasiib . waa ilaahaya meesha wuxuu kaa siiyaa.
inta badan karti la'aanta wiilkaas Dhaxalka ku yimid ayaa sababta in
beelaha qaar ay Suldaan(Isim) u gaar ah samaystaan .
2. Salaadiinta cusubi ma aha kuwo iyagu is magcaabay
sida Dagaal oogayaasha iska hoos dhasha ee Muqdisha ee waa kuwo ku yimid
rabitaanka dadkooda.
Tusaale ahaan Berigii hore dadku inta waa ka yaraa degaanka beeluhuna inta
waa ka koobnaa. balse hadda dadkii waa batay degaankii waa balaadhay, dawlado
xukunkoodu dhulka wada gaadhi karaana ma jiraan. sidaa darteed ayaa beelo
badni u baahdeen Madaxweyne u gaar ah. Dabeed intay shir isugu yimaadaan ayey
ruux iska soo xulaan.
Ruuxaa la soo xulayaa waa in arrimo badan laga helaa. Sida Garasho dheeri,
Degganaan, Dhowrsoonaan, Sumacad dadka dhexdiisa iwm. Taas waxay kaga duwan
yihiin inta badan kuwa ku abtirsada Saldanad soo jirtey.
Haddaba Boqor Cimaan Aw-Maxmuud Maxamed Wuxuu ka mid
yahay Salaadinta Cusub.
Waxaa lagu caleemao saaray Ceel Afweyn 2002. waa
Boqor da'yar wakhtiga iyo dunida maanta fahmi kara. dadkii u ka dhashay
ayaana boqor u caleemo saartay. Soomaalideenna kalena wuxuu innaka mudan
yahay wixii Boqor mudnaa.
Hawlo badan ee gudaha beeshiisa ka sokow waxaa
weligii lagu xusuusnayaa in uu kala badbaadiyey beelo Soomaaliyeed oo isku
ragman lahaa. dabcan taasi waa sifihii Boqor lagu yaqiin.
Waxaa maanta fajiciso ah in loo xidhay Majeerteen
isku rogman lahaa ayaad dhedhexadisay. Maxaa magac u noqon lahaa haddii
Boqorka iyo beeshiisu Kunkii nin ee soo magangalay ay Cadaygii ay ka soo
magan galeen u dhiibi lahaayeen.
Waxaa jirtay si kasta oo loo colloobo in Somalidu ay
xeer iyo maamuus lahayeen .Nin magantiisii laga dilay ama dhiibay waxaa raaci
jirtey ceeb aan isga iyo dirkiisaba ka hadhin. sow Boqor Buur madow nin
somaliyeed ma aha sow madaxdhaqameed ma aha.
waar dal iyo degaanba waa la wadaagye billoo mar dambe la isu baahdee.
Waxaan garan la ahay Cadowtinimada intaa le'eg meesha ay salka ku hayso.
weligay ma maqal dhibaato dhex martay Majeerteen iyo Isaaq. Haddaad i
tidhaado Moorgan ayaa dad laayey. Moorgan ma majeerteen baa dirsaday? Aakhiro
iyo Adduunba wixii uu geystey isaga iyo ciddii dirsatay ayaa mas'uul ka ah.
Boqor Buurmadow iyo Habar Jecloba waa yaqaannaan waxaa sharaf u ah, iyo
dhaqanka soo jireenka ahi sida uu yahay ee dawladdaan Nimankaan Galbeed
Hoggaaminayaan ayaa dhaqanka la socon.
Waxaa Boqorka lagu eedeeyey Qaran dumis, iyo aflagaaddo Madaxweyne.
Ereyada caynkaas ah waxaaaban u haystay in aanay reer Sheekh Isxaaq Uga
duwanayn Hangash iyo dhabar jebin oo ay sas ka qabaan. Weger. Dabcan Madaxdu
waa kuwiiye Shacabkuse ma kuwiibaa?
Yaa garanaya Qaranimada Isaaq ee Boqor Buurmadow Duminayo ee Rayaale Iyo
Qaybe Difaacayaan.
Gabogabadii Habar jeclo ayey u taal sida ay arrinkaa ka yeelaan waxaanse
ka baqayaa in xidhidda iyo sharaf ridka salaadiintu noqoto Waddo halqadii
Cigaal shiddaad.
Fiiro Gaar ah
Boqor,Suldaan,Garaad,Ugaas,Beldaajiye,Wabar,Malaaq,Islaan intuba waa isku
mid intuba waa madaxweyne beeleed Mana kala sarreeyaan ee hadba beeshu wa
midka ay doortaan ama midka degaankooda laga yaqaan.
Isimo iyo Salaaddiin waa isku mid.
Cawl mareero
cawl_mareero@hotmail.com
Qoraaladii hore ee Cawl
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 10, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
.
XAMAR DAAWO DACALLADA...
SAWIRRO....
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|