SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Beesha Soomaaliyeed oo cabasho u gudbisay IGAD!!! 

Axmad C/samad
alwaqaar@hotmail.com

Shirka Soomaalida uga socda Kenya waxaa ka soo qaybgalay ergooyin matalaya beelaha kala duwan  ee Soomaalida iyadoo ergo walba isku dayayso inay bahdeeda u soo hoyiso guusha ugu weyn ee suurtagalka ah, ergooyinkaas qaarbaa helay wax ay ku qanacsan yihiin, kuwana waxay heleen wax ay saluugsan yihiin, kuwo kalana way ku hungoobeen sida beelaha Max’ud Nuux iyo Cabdi Koombe. Dhab ahaan ergooyinkaas waxay isugu jiraan dad naftooda wax u raadinaya iyo kuwo cid kale wax la doonaya ee danta guud cid u socota ma leh. Waxaa kale oo shirkaas jooga dad Soomaali ah oo si aan rasmi ahayn u matalaya dawladaha kala duwan ee danaha ka leh Soomaaliya, dadkaas haddii ay xaqiijin waayaan danaha dawladaha ay matalayaan waxay awooddooda oo dhan isugu gaynayaan in shirkuba fashilmo oo lagu kala tago, waxaana tusaale inooku filan: markii laga hadlayay luqadaha dalka ayaa ka soo qaybgalayasha qaarkood soo jeediyeen in luqadaha dalka lagu daro Afka Talyaaniga, markii laga diidayna way ka dareereen shirkii. Waxaa iyana shirka jooga ergooyin rasmi ah oo matalaya cid kasta oo dan ka leh dalkaan, sida: Maraykanka, Yurub, UN, Xabshida, Kenya …iwm, waxayna qolo kasta si toos ah ugu cadaadinaysaa ergooyinka inay fuliyaan waxa ay rabaan, ciddii diidana waxay ugu hanjabayaan hadaysan fulin dalabkaas inay la safan doonaan reer hebel ama waxayba siinayaan qaar ergada ka mid ah laaluush. Waxaan iyana meesha ka marnayn dad Soomaaliyeed oo matalaya diinta Kirishtaanka oo kaalmo ka helaya qaar ka mid ah dawladaha daneeya Soomaaliya!!!.

Haddaynu ogaanay in cid kasta ay shirka u joogto ergo matalaysa si rasmi ah ama si dadban waxaa isweydiin leh yaa shirkaan u matalaya BEESHA SOOMAALIYEED oo ka hadlaya danaheeda???, haddii aan loo jooginse sow in cid loo dirsado maaha?, haddii la diiday sida dhacdayba soo in laga gilgisho maaha, sida beelaha kalaba u qaadacaan shirka hadii la gacanbidixeeyo?, haddii dhawrka kun ee ergada iyo korjoogtada isugu jira heleen 351 xubnood maxay helayaan 25ka milyan ee ay beesha Soomaaliyeed ka kooban tahay?, mise intaas uun baa ka mudan bulshadaas oo dhan? Hadiise la diiday dhawrkii qof ee danta Soomaaliyeed u tagay ma laga aamusi karaa?. Shirkaan waxaa laga fogeeyay qof kasta oo danaynaya bulshada Soomaaliyeed maslaxadeeda, waxaa ka mid ah dadka loo diiday culimada oo ah cunsurka ugu muhiimsan oo qayb ka gaysan kara heshiisiinta dadka iyo xallinta mashaakilkooda, laguna ogyahay daacadnimo iyo inay ka danqadaan dhibta haysata dadkooda, arintuna waxay gaartay iska daa ka qaybgal shirkee in loo diiday inay tagaan shirka si ay uga soo jeediyaan wacdi ay dadka ku boorinayaan heshiiska iyo walaalnimada, waxaana loogu jawaabay culimadii dalabkaas gaysatay: meesha diin looma imaan. Waxaa kale oo soo ifbaxay in qofkii laga dareemo calaamad diineed in loogu yeero ciidan oo lagu yiraahdo meesha argagixiso ayaa joogta oo qarxin doonta ee ka soo gaara!!!, taas oo looga jeedo in aan qof diin lihi aaggaba cagta soo dhigin. Dadka qaar baa arrintaas ku sheegi lahaa diin la dirir ee aan u qaateen Soomaali la dirir, waxaase taa beeniyay in loo diido shirka ama lagu ihaaneeyo dadka lagu yaqaan wadaninimada oo dhan, dadkaas oo ah kuwa ugu mudan uguna caansan siyaasiyiinta Soomaliyeed, horayna qayb uga soo qaatay xorayntii dalka iyo hoggaankiisaba. Hadaba waxaa habboon in dadweynaha Soomaaliyeed isweydiiyaan sababta dad Kirishtaan matalaya loogu ogolaaday shirka looguna diiday culimada iyadoo bulshada Soomaaliyeed tahay muslin 100%?, tan kale maxaa loogu diiday siyaasiyiinta Soomaaliyeed inay ka qaybgalaan shirka ama loogu ihaaneeyay, sida C/risaaq X. Xuseen, Jaamac M. Qaalib iyo rag kale oo badan, isla markaana loogu ogolaaday dad aan meelna ku fiicnayn, oo qaar badan oo ka mid ahi aysan xataa far Soomaaliga qori aqoon?, maxaase loogu ogolaaday dad aan dalka iyo dadka dhexdooda ku lahayn waxaan ahayn sumcad xumo, xasuuq iyo jirrinimo???. Si kastaba ha ahaatee soo BEESHA SOOMAALIYEED uma baahna cid u matasha shirka oo ka hadasha maslaxadda diintooda, naftooda, sharaftooda, maalkooda iyo caqligoodaba???, haddii loo diidayna soo inay cabasho IGAD u diraan maaha???. 

Axmad C/samad

alwaqaar@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | August 4, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkaan waxaa leh qoraaga ku saiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD